SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE
 
QORAAL MAANTA KA SOO BAXAY XAFIISKA MADAXWEYNE KU XIGEENKA D/G/KA PUNTLAND MAXAMED CABDI XAASHI.

tuesday june, 22, 2004

garowe(somalitalk)

Qoraal ka oo uu ku amrayay madaxwayne ku xigeenku in ay wasaaradda maaliyada D/G/ka puntland bixin karin wax lacag,ah illaa amar dambe.

Qoraalkan ayuu si toos,ah ugu socday wasiirka wasaaradda maaliyadda D/G/ka Puntland Cabdirixmaan Maxamud Maxamed (faroole) iyo ku xigeen kiisa.

Qoraalkan ayaa saamayn wayn ku yeelan doona dhamaanba gobolada ay wasaaraddu la leedahay xiriirka wada shaqayneed.

Qoraalkan ayuu mar labaad madaxwayne ku xigeenku ku farayaa saraakiisha ciidamada D/G/ka pl, in ay hubiyaan hirgalinta awaamiirta ka soo baxday madaxwayne ku xigeenka ayna tixraacaan qodobada dastuurka Puntland uu nafarayo.

Ciidamada D/G/ka Puntland ayaa ah kuwo u hogaansan dhamaanba fulinta,hirgalinta ,tixraacida iyo awaamiirta dowladda, ayaga oo u fuliya sida uu u soo bandhigo in loo fuliyo maamulkooda.

Mar uu shalay madaxwayne ku xigeenku u waramayay Somalitalk, ayuu sheegay in ciidamada Puntland ay yihiin kuwo leh qaab dhismeed maamul ayna yihiin kuwo u adeega dalkooda iyo dowladooda, qaatana awaamiirta maamulkooda iyo madaxdooda. Waxa kal eoo uu yiri : Waxaan mar labaad idiin sheegayaa hadaad tihiin reer Puntland malihidin cadow idins oo weerari kara waayo waxaad leedihiin ciidamo habaysan idinna difaacaya ayaga oo ka duulaya dhowrista sumcadiina iyo difaacidda dalkiina.

Waxa ay marwalbaba ka hortagaan sidii ay u ilaalin lahaayeen amaanka xasiloonida nabadgalyada iyo ka hortagida anshax xumda iyo wixii khal khal galinaya sumcadiina iyo nafsadiina.

Waxaan mahad, bogaadin iyo hambalyo u soo jeedinayaa dhamaan ciidamada D/G/ka puntland.

Waxaa mahad labaad iska leh ilaahii nawaafajiyay qayrka oo marwalba naga dhowra wixii xun naguna beega waxa wanaagsan oo dhan.

Intaa kadib waxaan idiin sheegayaa mar labaad in aad leedihiin khayraad idinku filan oo uu dhulkiinu leeyahay waxaana jira gobolada Puntland hadii ay damcaan ama isku dayaan in ay helayaan qorshe ay ku shaqaystaan, hadaan tusaale u soo qaato gobolka mudug waa gobolka kaliya oo isku filan mana sugaan hanti ka soo baxda wasaarada oo kaliya ee waxay isku dayaan sidii ay ayagu siday bal wax u tabcan lahaayeen, ayagana waxaan leeyahay waad ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad isu xil saarteen oo danahiina aad u wadataan.

Dhammaad

WARARKA GOLAHA WAKIILADA DGPL

<><><>

SHIR GUDOONKII GOLAHA WAKIILADA EE DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND.

monday,june,21,2004

garowe(somalitalk)

Waxaa maanta shirkii golaha wakiilada ee D/Gka puntland uu ka furmay xarunta maamul goboleedka pl, ee garoowe.

Mooshinkii maanta golaha wakiilada ayaa waxaa gudoominayay gudoomiyahay golaha wakiilada D/G/ka pl, Ejn: Yusuf Xaji Siciid ayna fadhiyeen 46, mudane waxa ayna ka doodayeen waajibaadkii saaraa golaha wasiirada in ay guteen iyo in kale.

Dood dheer kadib golaha wakiilada waxa ay isku raaceen inaysan xukuumadu gudan xilkii iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa.

Intaa kadib ay golaha wakiiladu isku raaceen in ay cod u qaadaan codkan oo ah cod lagala noqonayo xasaanadda golaha wasiirada waxaana u codeeyay in lagala noqdo xasaanadda 44, mudane halka ay ka diiday 2, mudane oo kaliya.

Gudoomiyaha golaha wakiilada D/G/ka pl, ayaa sheegay in maantay laga bilaabo aysan haysan golaha xukuumadda wax xasaanad ah, loona baahanyahay in madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenkuba ay ku soo dhisaan muddo 21,casho gudaheeda sida uu qorayo dastuurka u yaala wadanka.

Sidoo kale waxaa iyana mooshinkii maanta cod aqlabiyad ah xasaanaddii uu uga qaday golaha wakiilada hanti dhowrka guud balse uu ka duwanaa kan golaha xukuumada uuna yahay qodobka 33+1 cidda laga qadayana ay tahay gudoomiyahooda kaliyz waxaana isku raacday in laga qaado xasaanadda 39,mudane halka 6, mudane ay ka diiday 1, mudanna uu isaga aamusay.

Kulankan maanta yaa mooday mid ay u dhamayeen golaha wakiilada kala noqoshada xassaanadda golaha xukuumada iyo hanti dhowrka.

<><><>

KALFADHIGII 11,NAAD EE GOLAHA WAKIILADA D/G/KA PUNTLAND.

monday,june,21,2004

garowe (somalitalk)

Kalfadhiga golaha wakiilada D/G/ka Puntland oo manta ka furmay xaruta golaha wakiilada D/Gka ee Garoowe ayaa ahaa kii kow iyo tobnaad.

Kalfadhigan oo ay ka soo qayb galeen golaha xukuumada, taliyaha ciidamada iyo dadwayne aad u farabadan.

Kalfadhigan ayaa waxaa furay madaxwayne ku xigeenka Puntland ahna siihayaha xilka madaxwaynaha Mudane Maxamed Cabdixaashi.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa hadalkiisii ku bilaabay.

Kalfadhigan waxa uu la midyahay kuwii hore ee aannu isugu imanjiray lakin waxaa jira xoogaa xiisada oo uu kaga duwanyahay kuweenii hore.

Waxaajira sida aad la socotaanba in mudo ahaydba in ay jireen cadow ay leeyihiin dadka reer Puntland, ayna wax isla dhaaf dhaafayeen iyagoo cadowgaasi hilmaamay in D/Gka pl, ay leedahaydastuur qof kasta ka sareeya ayna dadkeedu ku he shiiyeen dastuurkaas oo isagu ah kan hagaya.

Waxaa si gaara aan dareemayaa in pl ay leedahay ciidamo daacad u ah adeega wadan kooda iyo wadankooda in kastoo ay jiraan dhibaatooyin yar yar, ciidamadaas oo cidwalba u muujiyay muruqa ay leeyihiin.

Maxa uu madaxwayne ku xigeenk intaasi raaciyay waxaan mar labaad hambalyo u soo heedinayaa ciidamad oo iyagu ah kuwo hor is taiga cid kasta oo amaanka wax u dhinta iskuna dayda in ay dacaayad samayso.

Waxaa jiray dad oranaya in aysan jirin labadii sano ee loo kordhiyay golayaasha dowlada in aysan wax ka jirin labadaa sano ee la kordhiyay golayaasha dowlada, waxaa awood u lahaa shacabka reer pl, taasoo ay awood u lahaayeen kordhinteeda tana ay awood u leeyihiin in ay kordhiyaan waayo waa dastuuri sidaa darteed markii golahani uu kordhiyay labadii sano madaxwaynuhu wax uu saaray fiito.

Isagoo xaq u leh fiitadii uu saaray isagoo aqoonsan golaha barlamanka in uu xaq u leeyahay balse ay u arkeen fiitada madaxwaynaha in aysan dan u ahayn wadanka iyagoo is ticmaalaya 3,meelood, 2, meel ay ku diideen isagoo sheegay in loo baahanyahay in la samaysto maxkamad dastuuri ah si ay u noqoto meeshii lala tagi lahaa wixii la isku qabto.

Kadib madaxwaynaha waxaa isna ka hadlay gudoomiyaha golaha wakiilada:-

Ejn: Yusuf Xaji Siciid waxa uuna shegay in pl, aysan ku haboonayn beelo danbiday in ay samaystaan dowlad isagoo ka duulaya balantii iyo axdigii ay dhigteen oo ku salaysnaa dastuurkooda.

Mar uu kahadlayay kordhinta golayaasha ayuu sheegay in aysan ahayn mid ay jeebkooda kala soo baxeen kadibna ay meel marinayaan balse ay tahay wadatashi shexmaray dowlada iyo dadwaynaha reer pl, ayna u tixgalinayaan danaha ummadooda.

Mar hadii xukuumadii natiri lacag mahayno abaaro iyo colaado jira owgood side baynu barlamaan ku dooran karnaa taas waxaan uga golleeyahay dad ayaa waxay wali ku adkaysanayaan labada sano baarlamaanka kaliaya ayaa kordhistay balse anagu waxaan diyaar u nahay in aan ka dareerno ee yaan u dhiibnaa hadii uusan baarlamaan jirin iyo dastuur afti looqaaday dalkuna yeelan mayo dastuur aan afti looqaadin.

sahrasiglan siglan
sahrosiglan@mail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2004

Culimada iyo waxgaradka Burco oo Horseeday iskaashi ku Dayasho mudan
» Mashruuca dhismaha biriij cusub oo laga hir gelinaya Burco
» Dadaal lagu doonayo in jaamacadii ugu horaysay laga furo Burco
Ka akhri warbixintii C/Laahi Baashe June 12

Habeenkii Ardayga Soomaaliyeed ee reer Malaysia
Xafladan oo loogu talagalay in lagu soo dhaweeyo ardayda sanadkan la aqbalay jaamacadaha Malaysia ayaa Guji June 21

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD