XUSEEN SIYAAD QOORGAAB:
“Dabley shisheeye dalkayaga maya”
Xuseen Siyaad
Qoorgaab oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed
ayaa warqad qoraal ah oo uu kaga hadlayo ciidammo
shisheeye oo la damacsan yahay in la keeno dalka na
soo gaarsiiyey, wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay
sidatan, “Baahida hub ka dhigista Soomaaliya ma aha
ciidan shisheeye ee waa dhismo dowlad loo dhan yahay,
heshana dhaqaale lagu jiheeyo maleeshiyooyinka,
laguna abaabulo hay’ado ammaanka Qaranka
Soomaaliyeed, ciidammo shisheeye hub ka dhigis xoog
ah kuma sameyn karaan Soomaaliya, waxaana caddeyn u
ah guuldarradii ciidammada UNISOM, Afghanistan iyo
Ciraaq, dhaqaalaha ku baxaya hal askari oo shisheeya
ah waxa uu hubka ka dhigi karayaa laguna jiheyn
karaa 30-wiil oo maleeshiyo Soomaali ah, qiyaastaas
oo ah Askariga shisheeye waxaa Bishii ku bixi karta
3,000-Dollar, ninka Soomaaliga ahna waa 100-Dollar,
haddii la keeno 20-kun oo Askari kharashka ku baxaya
bishii oo u dhigma 60,000,000-Dollar waxaa lagu
jiheyn karaa 600,000-Maleeshiyo ah, dhaqaalaha ku
baxaya ciidammada shisheeye oo aan wax faa’iido ah u
lahayn Soomaalida ayaa haddana lagu magacaabayaa dib
u dhiska Soomaaliya sidii ku dhacday Afghanistan ama
UNISOM/SOMALIA, waxaa ciidan shisheeye bur-burinaya
hubka Soomaaliya yaalla ee malaayiin Dollar ku
fadhiya, mana aqbali karno in hal Aake nalaga gubo
mid kalena nalaga gado, hadhow waayo wiilka iyo
qorigiisuba waa difaaca Mustaqbalka Soomaaliya,
waxay halis ku yihiin ciidammada shisheeye madax
bannaanida iyo kheyraadka Soomaaliya, waxaa ku soo
gambanaya argagixisada caalamiga ah, waxay halis ku
yihiin faragelin toos ah ama mid dadban, diinteenna
Islaamka, gaar ahaan waxbarashada, waxaa iska hor
imaan karaya maleeshiyada la maquuniyo iyo
ciidammada shisheeye, waxaa la weynayaa kalsoonida
shacabka, ugu dambeyntiina waxaa dowladaha daneeya
arrimaha Soomaaliya ku wargelinayaa in ay xalka hub
ka dhigista Soomaaliya aysan ku xirnayn ciidammo
shisheeye ee la keeno, balse ay u baahan tahay
dowlad”.
Arrin aad u fool xun
oo ka dhacday Kismaayo
Waxaa shalay subax
dadweynaha ku nool magaallada Kismaayo ku soo
baraarugeen meydka gabar taalla mid ka mid ah
xaafadaha magaallada, gabadhaas oo loola dhaqmay si
beni’aadannimada ka baxsan.
Gabadhan oo lagu
magacaabi jirey Fartuun Aadan Hilowle ayaa jirkeeda
waxaa ka muuqda dhaawacyo, iyadoo weliba goobihii
dhaawaca ahaa looga shubay Basbaas, sidaana ay ka
geeriyootay gabadhani.
Gabadhan ayaa waxaa
dilay qoys ay u shaqeyneysay, kaddib markii lagu
tuhmay in ay ka xadday faraanti Dahab ah, waxaana
shalay magaallada Kismaayo ka dhacay bannaan-bax
looga soo horjeeday falka lagula kacay gabadhaasi,
waxaa kale oo cambaareeyey falkan hay’adaha xuquuqda
Aadanaha ee ku sugan gudaha Kismaayo oo iyagu ku
tilmaamay mid ka baxsan shareecada Islaamka,
dhaqanka Soomaaliyeed iyo baaqa caalamiga ah ee
xuquuqda Aadanaha.
DAGAAL XALAY KA DHACAY
MAGAALLADA KISMAANYO….
Iyadoo waayadaanba
xiisadi ay ka taagneyd dekedda magaallada Kismaayo
ayaa haddana wararka naga soo gaaraya waxa ay
sheegayaan in xalay dekeddaasi ay ka dheceen iska
hor-imaad aad u ba’an oo la isku adeegsaday hubka
culus iyo midka fudud, waxaana uu u dhexeeyey laba
maleeshiyo oo ka wada tirsan isbahaysiga Dooxada
Jubba, iyadoo la sheegay in ay labadoodu u
dagaallamayaan gacan ku heynta dekeddaasi.
Waxaa la sheegay in
laba qof ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku
dhaawacmeen, iyadoo doomihii iyo Maraakiibtii ku
xirnaa dekeddaasi ay u carareen dhinaca Bad-weynta,
iyagoo ka cabsi qaba in ay waxyeello ka soo gaarto
rasaasta ay is weydaarsanayaan kooxaha maleeshiyada
ah.
Siminnaar ku saabsan
dib u heshiisiinta oo lagu soo gabagabeeyey xarunta
Resource Center..
Waxaa maalintii
shalay ahayd xarunta Resource Center lagu soo
gabagabeeyay siminnaar muddooyinkaanba halkaasi ka
socday oo loo qabtay qaybaha kala duwan ee Bushada,
waxaana soo qaban qaabiyay xoogga shaqo ee dib u
heshiisiinta ee Hay’adda INXA, waxaana la isku
weydaar-sanayay siminnaarkaan fikarado kala duwan oo
la xiriira qaabka ugu habboon ee lagu wajahi karo
dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Siminnaarkaan oo uu
furay madaxa barnaamijyada ee Hay’adda INXA Axmed
Maxamed Cali Kiimiko ayaa waxa uu sheegay in
siminnaarrada noocaan oo kale ah laga heli karo
aaraa kala duwan oo xal u noqon kara dib u
heshiisiinta Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo
halkaasi ka hadlay ku simaha xoogagga shaqo ee
hay’adda INXA C/qaadir Khaliif Sheekh Yuusuf waxa
uuna sheegay in siminnaarkaan ay ka qaybgaleen
xooggooda odayaasha dhaqanka, culummaa’uddiinka iyo
indheer garadka isagoo sheegay in ujeeddadu ay tahay
sidii odayaasha dhaqanka looga heli lahaa fikrado,
maadaama iyagu ay yihiin kuwo mar walba u taagan xal
u helidda arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in
siminnaarkaan uu qayb ka ahaa siminnaaro ay qabteen
xoogagga shaqo ee dib u heshiisiinta, kii hore wuxuu
ahaa ka hortagga colaadaha, kii dhexena wuxuu ahaa
dib u heshiisiinta, kan maantana waa dib u
heshiisiin lala xiriiranayo dhaqanka.
Eng. Maxamed Cilmi
Guure oo ka mid ah ka qaybgalayasha siminnaarkaan
ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in
odayaasha dhaqanku ay dadaal u galaan sidii nabad
loogu soo dabbaali lahaa dalka, waxaana
siminnaarkaan xiriirinayay oo casharo ka bixinayay
C/naasir Axmed Cismaan.
General Morgan oo ay u
yeertay dowladda Itoobiya…
Dhawaan ayaa
General Maxamed Siciid Xirsi waxa uu ku gacan sayray
codsi uga yimid dowladda Itoobiya, oo ahaa ka
qaybgalka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed
weji-giisa saddexaad, haddaba warar ina soo gaaray
waxay sheega-yaan in Itoobiya ay u yeertay General
Morgan, si ay uga dhaadhiciso sidii uu uga qaybgeli
lahaa. Wararku waxay intaas ku darayaan in General
Morgan uu soo jeediyay in wax laga beddelo qaar ka
mid ah qodobbada dastuurka iyo weliba in xubnaha
baarlamaanka ay soo xulaan hoggaamiyeyaasha siyaadda.
Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxaa ka
maqan hoggaamiyeyaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin
C/qaasim Salaad Xasan, Al-xaaji Muuse Suudi Yalaxow,
Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale), iyo siyaasiyiin
kale.
WARARKA CAALAMKA
KALE:
QOWLAYSATA KA
GANACSATA XUBNAHA CARRUURTA OO WAX LAGA NAXO KA
SAMEEYAY DALKA AFGHANISTAN!!!
Koox qowlaysato ah
oo ka ganacsata xubnaha jirka Carruurta oo ka
jirta dalka Afghanistan ayaa la sheegay in
carruur fara badan ay gacantooda ku maqan tahay
iyagoo aan u aabbo-yeelin nolosha carruurta.
Ciidammada Booliiska ee dalka Afghanistan oo
muddo dabo taagnaa kooxdaas qowlaysatada ah
kaddib markii la soo gaarsiiyay laba carruur ah
oo isla dhalatay oo ay kooxdaasi af-duubatay
ayaa ku guulaystay in labadaasi cunug ay soo
badbaadiyaan.
Inanka hore oo
lagu magacaabo Ismaaciil oo 10-jir ah oo ka
sheekeynayay wixii uu goobta la geeyay ku soo
arkay ayaa hadal aad u hooseeya oo maqalkiisu
yar yahay ku yiri: “Aniga iyo walaalkay
Ibraahiim (6-jir) ayay na kaxaysteen, waxayna na
geeyeen meel buur ah oo aad u cabsi badan,
waxaan ku soo arkay maydad fara badan oo carruur
asaaggayga ah, dhammaantooda waxaa ka muuqda
qalliinno lagu sameeyay oo muujinaya ina ay wax
kala baxeen, maydadka badidooda lama aasin,
intaa kaddib aniga iyo walaalkay mar kale ayay
na sii kexeeyeen oo waxay na geeyeen meel ka sii
fog buurtii aan maydadka ku soo arkay, waxaan
meesha ugu tagnay carruur badan oo ila da’ ah,
waxaana ii soo baxday in aan waqti badan sii
noolaanayn, waana cabsanayay, waxaana laabtayda
ka go’i waayay carruurtii sida xoolihii
maydadkooda dhulka u yaalleen”.
Sarkaal ka tirsan
ciidammada Sirdoonka dalka Afghanistan gaar
ahaan gobollada koofureed oo lagu magacaabo Dr.
C/llaahi Luqmaani ayaa xusay in ciidammada
nabadgalyada ay heleen 4-mayd oo carruur ah oo
mid ka mid ah laga helay gobolka Pangawi oo
dhanka koonfur galbeed kaga aaddan Magaalada
Qandahaar.
Luqmaan wuxuu
intaa raaciyay inay hayaan macluumaad badan oo
la xiriira kooxdaas qowlaysatada ah, isagoo
sheegay inay heleen 5-carruur ah maydadkood oo
madaxa laga wada gooyay, calooshana laga
dillaaciyay, kilyahana laga saaray, sarkaalku
wuxuu sheegay in kooxdaas ay kelyaha iyo xubnaha
kaleba u dhoofiyaan dalka Pakistan oo looga sii
iibsado iyagoo ka hela lacag culus, sarkaalku
wuxuu kaloo xusay inay dabo taagan yihiin
kooxdaasi isagoo tilmaamay in bilihii la soo
dhaafay gobollada koofureed ee dalkaa laga
waayay carruur fara badan.
DONALD
RUMSFIELD “MAGACA BIN LADEN, MADAX XANUUN AYUU
IGU RIDAY”
(Xaaskayga
subax kasta waxay i su’aahaa halka uu ku nool
yahay Bin Laden)
Wasiirka
Gaashaan-dhigga ee Mareykanka ayaa wuxuu sheegay
in Magaca Usame Bin Laden uu madax xanuun joogto
ah ku rido maalin walba, “Xaaskayga subax walba
marka aan soo kacno waxay igu tiraahdaa (Xaguu
ku nool yahay UBL) oo ay ula jeeddo (Usame
Binu Laden)”, wuxuu kaloo xusay in xaaskiisu ay
mar kasta dabo-taagan tahay ogaanshaha halka uu
ku sugan yahay Bin Laden oo ay Mareykanku u
arkaan ninka ugu qatarsan waxa ay ugu yeeraan
Argagaxisada. Ramsfield ayaana ciidammadiisa
marna u sheegin jawaabta uu ka bixiyo subax
walba su’aasha ay naagtiisu la dabo taagan tahay
ee Madax xanuunka ku ridday ee ah xagguu ku nool
yahay Bin Laden, wuxuu xusay in Pentagon-ka ay
marnaba ka warqabin halka uu ku sugan yahay Bin
Laden. “Bin Laden oo la soo qabtaa ma ahan arrin
sahlan, dadka intiisa badan way raadinayaan,
balse lama hayo” ayuu yiri Ramsfield oo intaa ku
daray: “Haddii Mareykanku uu ogaan lahaa halka
uu ku sugan yahay waaba soo xiri lahayn”.
FADEEXAD LA SOO
GUDBOONAATAY BOOLIISKA DALKA KUWAIT!!
Saldhig ka mid ah saldhigyada booliiska ee magaalada
Kuwait ayaa saddex ka mid ah ciidammada booliiska ee
saldhiggaasi ay xadgudub ku sameeyeen naag u
dhalatay dalka Philippine oo ka xoogasnaysay
dalkooda. Mid ka mid ah saddexdaasi booliiska ah oo
magaciisa lagu soo gaabiyay (M.F) ayaa saldhigga
gudihiisa ku dhex kufsaday naagtaas iyadoo labada
kalena ay gacan ku siiyeen. Safaaradda dalka
Philippine ee dalka Kuwait ayaa dacwad hordhigtay
Maxkamadda sare ee dalka Kuwait, dacwadaasoo ku
saabsanayd kufsigii loo gaystay Gabar u dhalatay
dalka Philippine, taasoo keentay in saddexaasi nin
ee booliiska ah la hor keeno maxkamad, iyagoo lagu
eedeeyay in ay ka faa’iidaysteen awoodda ciidan ee
ay lahaayeen. Labo ka mid ah saddexaan nin ayaa lagu
eedeeyay inay gacan ku siiyeen (M.F) in uu saldhigga
gudihiisa ku xoogo gabadhaa u dhalatay dalka
Philippine oo lagu magacaabo Normina sharafteedana
ay ku xadgudbeen. Normina ayay booliisku soo qabteen
kaddib markii ay ka baxsatay guri ay ka ahayd
Qaadimad, kuwaasoo saldhigga booliiska ku soo
dacweeyay in ay ku tuhmayaan inay xoolo kala
baxsatay. Garsoorihii difaacayay saddexda nin ee
booliiska ah ayaa codsatay in saddexdaas nin oodda
laga qaado laguna dhawaaqo inay wax dambi ah lahayn
isagoo sabab uga dhiganaya dhowr arrimood oo kala ah
in gabadha falka loo gaystay ay kala hadashay markii
baarista lagu sameynayay, sidoo kalena ay safaaradda
Philippine labo maalin dib ula soo dhacday dacwo ku
soo oogista raggaasi booliiska ah.
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mai
amiinkhasaaro@hotmail.com