DAAWO
DHACDAY
Ismail
A. Hassan (khaliil)
Khalka1@aol.com
Tan iyo
intii ummadda Soomaaliyeed ay hanatay xoriyaddeeda
xukuumadihii kala dambeeyay ee talada dalka qabtay
marnaba may ahayn kuwo ka maran khaladaad iyo dhaliil ay
maamul xumo iyo musuqmaasuq kow ka ahaayeen.
Hadaba
anigoo ka mid ahaa ardaydii bilawday dugsiyada hoose
horaantii toddobaataneeyadii oo ahayd xilligii uu
kacaankii barakaysnaa xawaaraha sare ku socday ayaa
waxaan xasuustaa waxyaalo dugsiga na loogu dhigi jiray
oo ahayd wax lagu tilmaami jiray sababihii dhaliyay
kacaankii Oktoobar ee ciidamada qalabka sidaa horseedka
u ahaayeen.
Ardayda
oo keliya arimahaas looma sheegi jiray ee waxay ahayd
arin ay madaxdii kacaanka iyo kaadiriintiisii meel walba
kaga eedaami jireen, hase yeeshee jiilkaygii iyo kuwii
ka dambeeyayba waxay kaga duwanaayeen bulshada inteeda
kale iyagoo aan waxba ka ogeyn xukuumaddahaas kacaanku
xukunka ka tuuray xumaan iyo wanaag wixii ay lahaayeen.
Idaacadaha, golayaasha hanuuninta, masraxyada iyo goob
kasta oo dad weynaha lagu kulansiiyo ayaa mar walba lagu
soo celcelin jiray sababihii dhaliyay kacaanka.
Soomaalidu inta badan ma daneeyaan taariikhaha oo
badankoodu xataa ma yaqaaniin taariikhda saxa ahayd ee
ay dhasheen oo sannadka uun bay xasuustaan ee maalinta
iyo bisha dan kama galaan.
Hadaba
xilligii kacaanka laba bilood marka ay bishaanba dadku
si aada ayay u dareemi jireen. Waa bisha barakaysan ee
Ramadaan iyo bisha Oktoobar oo Maxamed Siyaad talada
dalka la wareegay. Labada biloodba waxaa lagu soo
dhawayn jiray heeso iyo barnaamijyo idaacadaha laga sii
dayn jiray.
Bisha
Oktoobar waxaa la soo ban dhigi jiray barnaamijyo lagu
magacaabi jiray maxay qabatay tawraddu kuwaas oo looga
hadli jiray wax qabadkii kacaanka iyadoo la bar bar
dhigayo sagaalkii sannadood ee xukuumadaha rayidku
talada dalka hayeen.
Wax
qabadkaas intiisa badan waxaa laga fiirin jiray dhinaca
tirade ee lama eegi jirin tayadiisa.
Tusaale
ahaan waxay oran jireen miisaaniyadda dawladdu kacaanak
ka hor intaas bay ahayd imikana waa intaas oo
boqolkiibana intaas bay korodhay iyadoo aan la soo
bandhigin korodhka sicir babarka(inflation) ee mudadaas
si loo ogaado qiimaha dhabta ah ee miisaaniyadda.
Hadaba
maalinba maalinta ka dambaysay waxaa soo if baxayay wax
yaalo la mid ah arimihii naloogu sheeegay inay ahaayeen
kuwii kacaanku ka dhiidhiyay ee sababay in ciidamadu
xukunka dalka la wareegaan oo markan kacaanka laftiisii
uu ku dhaqmayo.
Marka
aad u fiirsato sida ay wax u socdeen waxaadba is oron
kartaa in kacaanku uu dad weynahah ka sii dhaadhicinayay
hab dhaqanka uu la soo if bixi doono mustaqbalka.
Laaluushka, xatooyada xoolahah ummadda, eexda,
qaraaabokiilka iyo guud ahaanba musumaasuqa oo ahaa
arimhii la sheegi jiray in ay ahaayen sababihii uu
kacaanku ka dhashay ayaa xukuumaddii kacaanku min kor
ilaa hoos si aan gabasho lahayn ugu dhaqmi jireen.
Waxay
dhihi jireen qaranimadii Soomaaliyeed ayaa halis gashay
laakiin halistaasi waxay dhabowday maalmihii ugu
damabeeyay ee xukuumaddii cadaadiska ku dhisnayd ee
kacaanka.
Iyadoo
ay wadanka ka socdaan dagaalo sokeeye oo aan hore loo
arag oo qaybo badan oo wadanka ka mid ahna ay
dagaaladaasi burburiyeen ayaa hadana kacaankaasi ku guul
daraystay inuu qaado talaabooyinkii lama huraanka u ahaa
badbaadada qaranimada ummadda ilaa ay dawladdii ka
burburto awoodii dalkuna gacanta u gasho mooryaan iyo ma
naxayaal.
Daawada
ayaa sideedaba waxaa la sheegaa inay tahay sun oo ay
abaarto isla markaana disho wax yaalaha xanuunka
sababaya. Waxaa kaloo ay daawadu qofka waxyeelo u
gaysankartaa markii xaddi tir badan( over dose)la qaato
ama ay dhacdo oo cimrigeedu dhammaado.
Inkastoo la sheego in Soomaaliya lagu isticmaalo
daawooyin dhacay, dunida sharcigu ka jiro waxaa xaaraan
ah in la isticmaalo wax kasta wakhtigiisu dhacay oo
daawada iyo cuntadu ugu horeeyaan.
Hadaba
kacaanku markuu curtay waxaa uu ku dadaaday inuu
shacabka tuso dhibaatada qaranka ku habsatay, waxaanu
isku tilmaamay inuu isagu yahay daawadii dhibaatadan
looga bogsan lahaa taas ayaana sababtay in bilawgii
shacabka intiisa badani ay caleemo qoyan ku soo
dhaweeyaan.
Markii
la soo gaadhay siteetameeyadii ayaa waxaa soo if
baxaysay sida ay dadku uga aaamin baxayeen kacaanka
waxaana abuurmay mucaarad hubaysan oo dagaalo ka
bilaabay wadanak gudihiisa.
Madaxdii kacaanka waxaa u muuqatay in aanay talo
farahooda ku jirin arini meel xun marayso.
Dhammaadkii sideetameeyadii ayaa isku dayeen in ay
sameeyaan is bedelo siyasadeed, waxaanay qoreen dastuur
cusub oo ogolaanaya hanaanka axsaabta badan hase
yeeshee arimahaas oo dhammi waxay u muuqdeen daawo
dhacday oo xilligeeda dhaaftay oo bulshada aan u cuntami
karin.
Sidoo
kale isbedeladaas dheg umay jalaqsiin xoogaggii
mucaaradka ahaa ee dagaalkii halkiisa ayay ka sii wadeen
ilaa ay xukunka ka ridaan keligii taliye Maxamed Siyaad.
Markii
xukunka laga tuuray xukuumaddii kacaanka ayaa shacabku
waxay filayeen in Jabhadihii talada qabtay ay keeni
doonaan daawo lagu badbaadiyo qaranimada dhiig baxaysay
haseyeeshee taasi ma dhicin oo qabiil ayay u kala
safteen qaranimana halkaasaa lagu waayay
14kii
sanno ee aynu ka soo gudubnay wadanku waxa uu ku sugnaa
xaalad fawdo ah oo aan lahayn maamul dhexe oo ay ka
taliyaan qabqablyaal tiro badan oo midba midka akle ka
soo horjeeddo.
Qab
qablayaashaas oo dhawr iyo tobon jeer oo hore ku guul
daraystay inay daawo u helaan dhibaatada wadanka ka
taagan ayaa waxaa haatan la filayaa inay dawlad ku soo
dhisaan shirka mudada dheer ugu socday dalka Kenya.
Hadaba
skirka Kenya ee dagaal oogyaashu horboodayaan wuxuu la
mid yahay daawo dhacday oo wax lagu dabiibayo madaama ay
yihiin dagaal oogayashu kuwo wakhtigoodii soo qaatay oo
laga soo gudbay maalintii ay xalka keeni karayeen
ummadduna ka aamin baxday maanta.
Bal
hadaba waa arki doonaa in daawadan dhacday miyirka iyo
maanka inoo soo celiso iyo inay dhib iyo xasarad hor leh
inagu abuurto.
Ismail
A. Hassan (khaliil)
Khalka1@aol.com