SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

 WARAKII MAANTA

 

  • Gobaladda Shabeelooyinka iyo Jubbooyinka oo ay soo food saartay Dhaqaalo Xummo.
  • Baladwayne oo ay ka socoto Dadaalo lagu doonayo in lagu dhiso Maamul Gobaleed Soomaaliyeed.
  • Xoolo Dhoofin si xawliya uga socota Dekadda Magaaladda Boosaaso.
  • Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia oo u jooga Masar Arrimaha Somalia.

 

 
Baaq Nabadeed oo Kasoo Baxay Guddiga Beesha Kablalax ee Woqooyiga Ameerika
Baaqan oo ku wajahan Beelaha ku dagaalamaya  Aagga Degaanka Doolo, Wardheer... GUJI
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare2@yahoo.com

Gobaladda Shabeelooyinka iyo Jubbooyinka oo ay soo food saartay Dhaqaalo Xummo.

Gobaladda Jubbooyinka iyo Shabeelooyinka ayaa waxaa hoos u dhac ku yimid wax soo saarkoodii. Kadib markii ay yaraadeen Roobabkii xilligan.

Gobolada Shabeeladda dhexe,Shabeelada Hoose,Jubbada dhexe iyo Jubbada Hoose, oo ah gobolada ugu Khayraadka badan Somaliya ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay soo food saartay dhibaato xoogan. Isla markaana uu yaraaday Dallagii Beeraha.

Dib u dhacan ayaa lala xiriirinayaa kadib markii ay baaqdeen Roobabkii ka di’i jiray Somalia,Waxayna taasi keentay inaan la beerin Dhul Beereedkii faraha badnaa ee Somalia,arintan ayaa waxaa ay tahay mid Saameeyn wayn ku yeelatay dhamaan Dadka ku dhaqan Deegaanada ay hoostagaan Gobolada aan Hore u soo sheegnay ee Jubooyinka iyo Shabeelooyinka

Muqdisho waxay ka mid tahay Magaalooyinka sida wayn looga istismaalo Dalagyada Beeraha ee ka soo go,ay Beeraha ay tabcadaan Beeraleeyda Dagan Gobolada Jubooyinka iyo Shabeelooyinka intaba,Dadka Reer Muqdisho waa dad si wayn ugu xiran Dalaga Beeraha gaar ahaan kuwa laga keeno dhinaca Shabeelooyinka iyo Jubooyinka.

Beeraleeyda Goboladaasi ayaa sheegay inay Xaalada hadii ay sii ahaato ay arinta sidan ka sii tagi doonto oo la gaari doono xilli Gabi ahaanta ay meesha ka baxdo Dalagyadii ka soo go’ijiray Beeraha Goboladaasi,waxayna ugu baaqeen inta daneynaysa Beeraha iyo waxa ka soo go’a inay gar gaar u fidiyaan beeraleeyda Goboladaasi.

Baladwayne oo ay ka socoto Dadaalo lagu doonayo in lagu dhiso Maamul Gobaleed Soomaaliyeed.

Qaban qaabo xoogan oo la doonayo in lagu dhiso Maamul Gobaleed la magac baxay Mid Land ayaa ka socda Magaaladda Balad Wayne ee Gobalka Hiiraan.

Hadalkan ayaa soo shaac baxay Ka dib markii maalintii Sabtidii oo aynu soo dhaafnay ay guddigii loo xilsaaray inay ka soo baaraan dagaan sidii loo dhisi lahaa Dowlad Goboleed la magic baxay Mid Land ay soo afjareen Wada hadaladii ay la lahaayeen Ururada Bulshada iyo Maamulka iminkaka arimiya Gobolka Hiiraan,iyadoo ugu danbeeyn Go’aamiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu dhisi Dowlad Goboleed ay yeeshaan Dadka ku nool Gobolka Hiiraan.

Qaarka ka mid ah Dadka ku abtirsada Gobolka Hiiraan ayaa durba Gaashaanka ku dhuftayt Maamul u sameynta gobolka Hiiraan ee Abaabulkiisa ugu xoogan uu ka socdo Magaala Madaxda Hiiraan ee Baled Wayne,iyadoo maantaba lagu daadiyay Magaalada Baled wayne Warqado looga soo horjeedo Maamul Goboleed la sheegay in loo dhisi doono Gobolka Hiiraan kaasoo lagu Magacaabo Mid Land.

Xoolo Dhoofin si xawliya uga socota Dekadda Magaaladda Boosaaso.

Dekadda Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka socda sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Magaaladaasi Xoolo dhoofinta oo ay bilihii aynu soo dhaafnay aysan ka socon halkaasi.

Dekadda Magaalada Boosaaso waxaad ka dareemeysaa marka aad tagto inay meeshaasi ka socoto Shaqo Xoogan oo u badan Dhoofinta Xoolaha oo ay ka mid ka yihiin sida ay inoo Xaqiijiyeen Qaarka mid ah Howl Wadeenada Dekadaasi Geel,Lo,iyo Ari,iyadoo Xoolahaasina ay yihiin kuwa loo dhoofinayo Dalalka ay ka midka yihiin Isutaga Imaaraadka Carabta iyo Dalka Yemen.

Dhaqaalaha Magaalada Boosaaso waxaa durba ku yimid isbadal xoogan kadib markii ay Magaalada soo gashay Lacagta lagu kala iibsado Xoolada laga dhoofinayo Dekadda Magaalada Boosaaso.

Mas’uuliyiin u hadlay Ganacsatada Xoolaha ee iminka laga dhoofinayo Dekedda Magaalada Boosaaso ay yihiin kuwo laga keeno Gobolada ay ka midka yihiin Mudug,Galguduud iyo Gobolka Hiiraan,sidaa darteedna ay bilaabeen Dadka Xoolo Dhaqatada ah inay u soo Hayaamaan Magaalooyinka ugu dhaw si ay Xoolahooda iib ugu Helaan.  

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia oo u jooga Masar Arrimaha Somalia.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia Winston Tubman oo booqasho ku tagay Dalka Masar ayaa Arinta Somaliya kala hadlay Madax ka tirsan Madaxda iminka ka talisa Wadanka Masar.

Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midowbay u qaabilsan Arimaha Somaliya Winston Tubman ayaa waxaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Masar Axmed Maahir waxayna isla soo qaadeen Arimaha Somaliya,iyadoo xoga ku saaray Wada hadalkoda Shirka Somalida uga Socda Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,waxayna muujiyeen Rajada ay ka qabaan Shirkaasi inta ay tahay oo ay ku sheegeen inay Dowlad ka rajaynayaan inay Somalida ku dhisan doonaan.

Dhanka kale Winston Tubman waxaa uu kulan midkan oo kale ah uu la yeeshay Xogyaha Guud Ururka Jaamacadda Carab Caamir Muusa kaasoo ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa Dhaqaale Xumida ku hamsatay Shirka Somalida Muda ugu Socda Dalka Kenya iyo Dhaqaale ay sheegeen in wax looga qaban doono Arimaha loogu Magacdaray Hub ka dhigista Maleeshiyada Somaliyeed ee ku Baahsan Guud ahaan Dalka Somalia.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare2@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD