SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

 

canab mumtaz,somalitalk.com.nairbi.

warbixin ku aadan shirka kenya.

Wadahadalada soomaliya ee Mbagathi.

  • Mudadii loo qabtay in ay beeluhu ku qabysadaan baarlamanka oo barri ku eg.

  • Gudoomiyaha shirka oo raja wanaagsan ka muujiyay wadahadalada kenya.

  • Maxkamadii Sh.C/raxmaan warsame oo dib loo dhigay.

Dadaal walba oo ay ku jirto daacadnimo iyo tala saarasho ALLE waxa uu ku dhamaadaa wanaag iyo sida hadafku yahay ee loo wado, rajada wanaagsan iyo fulinta Amarada ALLEna waxay ku gaarsiiyaan halka aad ku haminayso.
 
Maalin oo kaliya ayaa ka harsan mudadii loo qabtay beelaha ka qabybgalaya shirka in ay ku soo xulaan xunaha baarlamanka uga qabygalaya si dhamaadka bishana ay u doortaan gud,baarlaman kadibna doorashadii madaxweyanaha jamhuuriyad federaalka  loo guda gali  lahaa si bilowga july-na (1luulyo)loogu dabaal dago dowlada cusub iyadoo lagu beegayo maalinta midawga labada gobol ee W/K.
 
Balse waxay noqotay(la mood noqonse wayday) mid aan loo fulinin sida loogu dhawaaqay ee quruxda badan.dad badana ay u arkaan (riyo) iyadoo sanadkii horena lagu beegay in july la dhisayo dowlad la isku raacsan yahay waxayna soo gaartay in bishii kale hadana lagu soo beego.waa wax dhici kara in soomaaliya ay hesho dowlad loo dhan yahay,(Idanka ALLE)laakiin waxay qaar badan is waydiinayaan halka dhibku ka socdo iyo cida leh sababteeda oo lagu eedaynayo!
 
IGAD waxay dhawaan shaaca ka qaaday in uu dhamaaday khilaafkii dhexdeeda ahaa oo qaybna ka ahaa fadhiidnimada shirka.laakiin su,aashu waxay tahay hadda yuu ka socon la,yahay shirka mar hadii ay dowladihii loo xilsaaray  xalka ummada soomaaliyeed ay  heshiiyeen mase iyagay wali wax ka dhexeeyaan?
 
waxgarad badan oo aan kula kulmay madasha shirka iyo hotelada qaar ayaa sheegaya in sababta ugu wayn ee shirka ragaadisay ay tahay maamul xumo,daacad daro dhinacii ay doontoba haka timaadee,isku tanaasul la,aan hogaamiyaasha iyo kalsooni xumo beelaha oo isbahaystay.hadii aanan waxba laga badalin nidaamkana ay keenayso dhibaato  kale.
 
 
IGAD  waa howl fududeeyayaasha wadahadalada soomaalida sida xaqiiqadu tahay laakiin hogaamiyayasha iyo ergada ayaan wali fahmin in taasi  jirto iyagoo meesha ka saaray in IGAD la,aatood aysan shiri karin waxna qabsan karin.(wali lama kulmin shirk soomaalida kaliya oo ay ku dhameyen khilafkoda hadii ay jirtana khilaf kama marna) .
 
Dad badan ayaa  is waydiinaya sababta ay IGAD fara galin ugu samay karto wax ku siman iska soo dhex saarid xubnihii ka qabyb gali lahaa gudi isku dhaf ah oo loogu magac daray gudiga xalinta khilaafaadka oo howshiisu ay noqon doonto in ay gudbiyaan waxii horumar ah ama khilaaf ah ee ka soo baxa beelaha inta ay socoto dhisida baarlamanka. (shir ay IGAD la yeelatay hogaamiyaasha ayay ku sheegtay in ay faragalintoodo hadii beelaha dhiman aysan soo gudbini xubnaha gudiga mudana u qabatay) yaa iska leh shirka oo dalkooda nabad lala doonayaa ma IGAD mase  inta shirku quseeyo waa mid maskaxda caadiga ah uu fahmi karo dan kastaba ha jirtee waxa muhim ah in la helo nabad dadaadlkedana waxaa looga fadhiyaa muwaadin walba oo somali ah meeshuu doono ha joogee.
 
 
Kiplagad oo raja ka muujiyay shirka.
Ambassador Pathwel kiplagad oo shir la yeeshay hogaamiyasha siyaasada iyo kuwa dhaqankaba ee beelaha ku sugan madasha shirka ayaa kala hadlay sidii ay u dhamayn lahaayeen dhibatada ka jirta beelaha si loogu gudbo dhisida baarlamaka iyadoo xiligii loo qabtayna ay ku beegan tahay bari xiligaas oo ah sida uu sheegay gudoomiyaha mudadii loo qoondeeyay in lagu soo dhiso baarlamanka si bilowga july loogu dhawaaqo Dowlad somaliyed.

laakiin ay tahay wax laga xumaado in wali uu jiro khilaaf ka dhashay soo saarida xubnahaas.waxaa kale oo uu ka hadlay in guddiga fududeyntu ku niyad ku wanaagsan yihiin raja wax ku ool ah oo ka soo baxi doonta shirka maadaama uu u gudbay wajigiisi sadexaad ee awood qaybsiga,arrimaha jirana la xalin doono hogaamiyayaasha siyaasadana dhinacooda ku adkeeyay in ay dhowraan nidaamka iyagoo isxaq dhowraya.

waxa kale uu gudmooyihuhu sheegay in IGAD ay ugu baaqayso hogaamiyaasha siyaasada iyo beelahaba ee aan wali soo gudnin xubnahaas in sida ugu dhaqsaha badan ay  usoo gudbiyaan mudada loo qabtana hadii aysan ku keenin gudigu uusan faraha ka laaban doonin.

Maxmadii Sh/c/raxmaan oo dib loo dhigay.

Xagee Ku Dambeeyay Sh. C/Raxman Warsame
Maxkamadda Sare ee Magaalada Nairobi Ayaa sheegtay in ay Baarayaan halka uu Ku Dambeeyey Sh. C/raxman Warsame oo ay Kenya Xabsiga u taxaabatay bishii Maarso..  Guji June 11

iyadoo ay balantu ahayn in bishan 18/06/04 dib la iskugu soo laabto maxkamadii qaadaysay kiiska sh.cabdi raxmaan warsame ay sheegtay in ay dib u dhigtay markii ay xaadireen qareenkii wadaadka iyo dadkii kale ee wax ka wadayba maalintii balanta.

maxkamada ayaa intaasi ku dartay in kiiskan uu dheer yahay waqti badana qaadan karo.wadaadkana la filayo in la masaafuriya wararka qaarna ay sheegyaaan in somali(bosaso)loo masaafuriyay laakin aysan haynin wax cadaynaya arrintaasi.

waxa kale oo ay maxkamadu intasi ku dartay in ay (somalida)dacwad ku oogi karaan cid walba oo uu quseeyo kiiskan oo ka mid ah dowlada kenya haday ahan lahayd laanta socdaalka madaxweyne ku xigeenka iyo intii kale ee ay quseyo dacwadan.

Sh.C/raxmaan warsame ciidamada amaanka ee kenya waxa ay xireen bishii maarso iyadoo markii hore lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa arrimo la xiriira argagaxisanimo.waxii intaasi ka dambeeyayna war lagama haynin iyadoo marmar badan lagu sheegay goobo is khilaafsan oo aan la cadayn karin in la geeyay.

ugu dambayntiina maxkamadu ma sheegin xiliga kale ee dib la  iskugu soo laabanayo kiiska wadadka balse dib in loo dhigay kaliya sheegtay.

canabmumtaz@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD