SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARDHEER

 Dadkii kasoo Baro Kacay Dagaalkii ka Dhacay Agagaarka Wardheer oo Tabaalaysan

 

Kadib markii dagaal ba,ani uu labo beelood ku dhexmaray tuulada Mir-khaliif oo ka tirsan Degmada wardheer ee K/Shanaad,ayaa waxaa halkaas laga soo sheegayaa in dad badan oo ku baro kacay dagaalkaasi ay haysato hoy la,aan biyo,la,aan iyo dhiabaatooyin la xiriira xagga caafimaadka. 

 
Baaq Nabdeed oo Kasoo Baxay Guddiga Beesha Kablalax ee Woqooyiga Ameerika
Baaqan oo ku wajahan Beelaha ku dagaalamaya  Aagga Degaanka Doolo, Wardheer... GUJI
Nabadoon Maxmauud Mursal oo ku magacdheer Tunwayne oo khadka Fooniyaha noogu waramayay isagoo jooga Magaalada Galkacyo ayaa sheegay in dagaalkii u dambeeyay dadka ku riiqday ay ka badnaayeen ilaa 60 qof dhaawacuna uu garaayo tiro intaa ka badan islamarkana in Ciidamada itoobiya ay sii huriyeen dhibkii ka dib markii ay aagga yimaadeen oo dad rayida oo aan waxba galabsan ku xasuuqeen baadiyaha u dhexeeya wardheer iyo Mir-khaliif-,dadka gacanta ciidamada itoobiya ku baxay waxuu ku qiyaasay ilaa 17 qof oo ay ku jiraan dumar iyo caruur dhaawacuna uu gaaayo 22 qof ,waxuuna hadalka ku daray in ciidamada itoobiya ay udhaqmaan sida maleeshiyooyinka jabhadaha oo aan lagu tilmaami karin ciidan ilaalinaya shacabkooda. 
 
Nabadoon Tunweyne waxauu sheegay in dad badan oo kasoo cararay dirirta u dhexaysa labada beelood  ay ku tabaalaysan yihiin dhulka miyiga iyo tuulooyinka ka ag dhow meesha dagaalku ka dhacay wax ilaa iyo immika gargar lasoo gaarayna ayan jirin.
 
Mar aan wax ka waydiinay wararka sheegaya in hadda lakala dhexgalay labada ciidan ee dagaalmaya oo hadda xaaladdu degan tahay waxuu sheegay in ciidanka dowladda itoobiya hadda ay gacanta ku hayso tuulada Mir khaliif oo qolyihii hubka isku haystay kala carareen,balse waxaa suurogal ah in meel ka baxsan meesha ciidanku fadhiyo haddana la siku haleelo maadaama wiilasha hubka sita ayan aqoon faaidada ay leedahay nabadda iyo waxyeelada akhiro in dhiig muslin la daadsho ayuu ku soo gabagabeeya Nabadoon Maxamuud Mursal TUNWEYNE.
 
 
Cabdi Xasan Somalitalk.com/Muqdisho
<abdi172@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD