SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
June 1, 2004

WARARKA MAANTA

  • Gudiga Dhex dhaxaadinta iyo Wakiiladii ka socday Beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo Xalay kulan ay isugu yimaadeen uu ku dhamaaday Fashil. 
  • Col.C/laahi Yuusuf Axmed oo sheegay inuu manta soo afjari doono Khilaafka soo kala dhex galay Beesha Daarood. 
  • Wiil Somaliyeed oo dhawaan lagu dilay Dalka Ciraaq. 

  • Qaar ka tirsan Wasiirada Puntland iyo Odayaasha Magaalada Gaalkacyo ayaa manta yeeshay kulan ay albaabadu u xiran yihiin. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com  

Gudiga Dhex dhaxaadinta iyo Wakiiladii ka socday Beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo Xalay kulan ay isugu yimaadeen uu ku dhamaaday Fashil. 

Wada hadalkan  dhexmaray Gudigii dhex dhexaadinta iyo Wakiilada ka socday Dhinacyadii  Dirirtu ku dhexmartay  Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay isla Gaareen Xalay Waqti Danbe,iyadoo wada hadalkooda uu soo Wajahay Fashil. 

Sida uu inoo sheegay Xubin ka tirsanaa Xubnihii ku lankaasi ka qeyb galay oo Cod saday in aan Magaciisa la sheecin ayaa waxa uu sheeca ka qaaday in Beesha ay ka soo jeedaan Hogaamiyayaasha kala ah Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ah Gudoomiyaha Golaha Abaabul  Qarameedka isla markaasina ah Gudoomiyaha Siyaasada Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Bashiir Raage Shiirar ay soo hor dhigeen Gudiga dhex dhexaadinta iyo Wakiilada ka socday Hogaamiye Muuse Suudi Yalaxow in marka hore Muuse Suudi laga soo qaado War qad  Cadeynaysa inuu Muue diyaar u yahay hishiis dhab ah oo ay wada gaaraan. 

Laakiin arintaasi waxaa gaashaanka ku dhuftay Wakiiladii ka socday Beesha uu ka soo jeedu Hogaamiye Muuuse Suudi Yalaxow oo arintaasi ku tilmaamay mid lagu doonayo in lagu bur buriyo hishiis ay wada saxiixdaan Beelaha uu Dgaalka u dhexeeyo,waxayna intaasi sii raaciyeen inuu Muuse yahay Hoyaamiye isla markana ay  howshaan oo kale  u taal Odayaasha Belaha inay wada hadlaan. 

Sikastoo ay tahay waxaa muuqdo Rajo laga qabo in laga gudbo caqabadaha soo wajahay dhex dhexaadinta laga dhex wado Beelaha Walaalaha ah ee todobaadyadii la soo dhaafay isku haystay Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho,iyadoo ay iminka dhex dhexaadinta ay si Rasmiya ugu soo biireen Siyaasiga Caanka ah ee Cali Mahdi Maxmed,Iimaanka Hiraab Iimaan Maxamuud Iimaan Cuamr iyo Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo ah sadex Nin oo Magac wayn ku dhex leh Beelaha dagan Waqooyiga Magaalada Muqdisho. 

 

Col.C/laahi Yuusuf Axmed oo sheegay inuu manta soo afjari doono Khilaafka soo kala dhex galay Beesha Daarood. 

Col.C/laahi Yuusuf Axmed Madaxwaynaha Maamul Gobaleedka Puntland oo aan la xiririnay isaga oo jooga Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa uu manta shaaca ka qaaday inuu soo afjarayo khilaaf ka soo kala dhex galay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ku abtirsada Beesha Daarood  ee isa soo taraysay malmihii la soo dhaafay. 

Col.C/laahi waxaa uu sheegay inay maanta ku balansan yihiin Gurigiisa dhamaan Madaxda Beesha Daarood oo kawada hadli doona sidii loo soo gaba gabeen lahaa Muranka ka dhextaagan Beesha Daarood ee  ku wajahay Qeybsiga Xubnaha ugu soo aaday Baarlamaanka loo dhisi doono Somaliya waa hadii ay ka soo baxdo Shirka Kenya iminka Somalida uga socda.

Dhinaca kale Col.C/laahi Yuusuf Axmed  waxa uu dadaal ugu jiraa sidii uu ku Noqon lahaa Siyaasiga Beesha Daarood  ugu Sharaxan Jagada Madaxwaynenimada Dowlada lagu soo dhisi doono Shirka Somalida ee hada un ku gudbay Wajigiisa Sadexaad ee Awood Qeybsiga Beelaha. 

Mas’uulka ugu Sareeya  Maamul Gobaleedka Puntland Col.C/laahi Yuusuf Axmed mar uu ka hadlayay bal waxa uu kala socdo Ciidamo la sheegay inay iman doonaan Somalia oo Afican ah, waxaa uu sheegay inay jiraan Ciidamo imaan doono Somaliya si ay wax uga qabtaan buuyiri Hubka dhigis lagu sameeyo Maleeshiyooyinka Somaliyeed, 

Wiil Somaliyeed oo dhawaan lagu dilay Dalka Ciraaq. 

Cabdi Risaaq Axmed Shiiq oo ahaa wiil Somaliyeed oo Tarjubaan  u ahaa Ciidamada Maraykanka ee Awooda ku qabsaday Wadanka Carbeed ee Ciraaq ayaa waxa soo ifbaxay wiilkaasi qaabka uu u dhintay iyo Cida loo raacanayo Geeridiisa. 

Wiilkan Somaliyeed  waxaa uu dhintay Maalintii Khamiistii aynu ka soo gudubnay kadib markii Gawaari uu la socday oo ay wateen Ciidamada Maraykanka ay la Qaraxday Bambaano ay ku soo weerareen Qolyaha loo yaqaano Wax iska Caabinta ee Reer Ciraaq,iyadoo ugu danbeeyn Wiilkaasi ay soo Xaqiijiyeen inuu yahay Wiil Somaliyeed labo Qofood oo ka mid ah Jaaliyada Soomaalida eek u dhaqan Gudaha Magaalada Baghdad. 

C/raxmaan Canjeex  oo ka mid ah Jaaliyada Somalida  ee Baghdad oo u Waramayay  Idaacada Shabele ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay Maraykanka la soo xiriireen Jaaliyada Somalida markii ay argeen inuu Geeriyooday Wiilkaasi Somaliyeed  ee tarjubaanka u ahaa iyaga. 

C/raxmaan waxaa uu dhinaca kale uu Carabka ku dhuftay inay xirir la sameeyeen Shirkada Wiilkaasi siisay Shaqada Turjubaanka oo ay ka codsadeeninay Bixiso Magdhow  oo ay siiso Qoyskii uu ka soo jeeday Wiilkaasi Somaliyeed ee Khamiistii ku Geeriyooday Gacanta Dad Islaam ah oo ay ka Muuqatay Caro Daran oo ay u qabaan Ciidamada Xooga ku qabsaday Dalkooda ee uu Maraykanka Hor kacayo. 

Shirkadda Wiilkan Somaliyeed Shaqadaasi u qortay ayaa ogolaatay inay Bixiso Magdhow lacageed oo ah Sanad lacagtii uu shaqeyn lahaa,taasoo dhan sida uu sheegay C/raxmaan Canjeex 9,000 oo Doolarm,waxaana uu intaasi raaciyay Canjeex inay sidoo kale ay Bixinayso Shirkadda Lacagta Diyaarada Wiilkaasi lagu geynayo Meedkiisa Wadanka Somaliya waa hadii la helo meel la soo marsiiyo,waa   Sida uu hadalka u dhigay Canjeex  

Ehelada uu kasoo jeedo C/risaaq Axmed Shiikh oo ah Wiilka Somaliyeed ee lagu dilay Wadanka Ciraaq ayaa waxay Cod sanayaan inay Wiilkoodii helaan Meedkiisa oo ay Gacantooda ku aasaan,waxayna Xiriiro kala duwan la sameeyeen Saraakiisha Ciidamada Maraykanaka ee Ciraaq iyo Madaxda Shirkada wiilkaasi shaqada u qortay,iyagoo waydiistay inay mar un usoo duuliyaan wiilkooda Meedkiisa Wadanka Somalia. 

Qaar ka tirsan Wasiirada Puntland iyo Odayaasha Magaalada Gaalkacyo ayaa manta yeeshay kulan ay albaabadu u xiran yihiin. 

Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Shirkaasi ay yeeshaan Odayaasha iyo Madaxda ka tirsan Maamul Gobaleedka Puntland ee uu hor kacayo Wasiirka arimaha Gudaha ee Puntland Mudane,Axmed Cabdi Xaabdase ayaaa looga hadlay sidii wax looga qaban laha Beelaha ku dagaalamaya Magaalada Galkacyo. 

Shirkan ayaa  hadafka ugu wayn ee laga lahaa waxa  uu yahay  sidii loo soo afjari lahaa

Colaadaha Sokeeye ee ka dhex taagan Laba Beelood oo wada dagan gudaha Magaalada Galkacyo,iyadoo Galkacyo ay baryahan ka jiraan amaandaro sababtay in lagu soo rogo Bandow lagu hakinayo isu socodka  Gaadiidka iyo Dadka Habeenkii,laakiin aan la cayimid xiliga la soo afjarayo. 

Kulankan oo ahaa mid ay ka soo qeyb galeen Odayaasha,wax Garadka,Garaadada  iyo Madaxda Maamul Gobaleedka Putland ayaa waxaa lagu sheegay inay Baaqyo u kala dereen dhinacyadii Dirirtu ay ku dhex martay Magaalada Gaalkacyo,Baaqyadaasoo looga codsanayo inay ku soo afjaraan Dagaalada Sokeeye ee u dhexeeya Labadaasi Beelood. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD