Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya
waxuu ka koobanyahay.
-
Maamulka Hargaysa oo xabsi ku
xukumay dad reer Ogadenya ah
-
Gumaysiga Itoobiya oo cadaadis
ba,an ku haya shacabka Ogadenya.
-
Madax sare oo itoobiyaan ah oo
kasoo horjeeday barnaamijka dib u dajinta ee Itoobiya oo shaqadii
laga eryay.
-
5 Kilil oo diiday miisaaniyadii ay
Itoobiya sanadkan u qoondaysay.
-
Qaramada Midoobay Oo Qoraal Digniin
Ah Gaadhsiiyey Itoobiya.
-
Waraysi aanu la yeelanay Xoghayaha
guud ee Jabhadda wadaniga xoraynta Ogaadeenya iyo arimo kale oo
mihiim ah.
Maamulka Hargaysa oo xabsi ku xukumay
dad reer Ogadenya ah.
Maamulka
qabiiliga ah ee ka taliya magaalada Hargaysa iyo tuulooyinka ku
hareeraysan, ayaa talaadadii ay bishan Jun 15ka ahayd sheegay inuu xabsi
ku xukumay soddon ka mid ah dad rayad ah oo u dhashay dalka Ogadenya,
kuwaasoo muddo dheer lagu hayay xabsiyada Hargaysa.
Dadkan rayadka ah ee
xabsiga dulmiga ah lagu xukumay waxaa maxkamad ku-sheeg ku taalla
magaalada Hargaysa la keenay aroornimadii talaadada ahayd, iyagoo uu
dhafoorkoodu aad u liitay, isla markaana ay dhibaato iyo rafaad aad u
badani ka muuqatay.
Maxkamad ku-sheegtaas
ayaa muddo aad u gaaban ka dib ku dhawaaqday xukunkii uu kula soo
dardaarmay maamulka bani’aadamnimada ka arradan ee ka taliya magaalada
Hargaysa.
5 ka mid ah maxaabiistaas
xaq-darrada lagu haystay waxaa lagu xukumay min 5 sano oo xadhig ah. 25
kalana waxaa midkiiba lagu xukumay 3 sano oo xadhig ah. Waxaa
maxaabiistaas maxkamad ku-sheegta la hor-keenay magiciisa laga waayay
nin ka mid ahaa dadkaas xabsiga lagu hayay, kaasoo la filayo in maamulka
Hargaysa uu gacanta u geliyay gumaysiga Itoobiya.
Maamulka Hargaysa ayaa
dhibaatooyin kala duwan soo gaadhsiiya dadwaynaha rayadka ah ee Ogadenya
u dhashay ee socotoda ku yimaada magaalooyinka Woqooyi Galbeed/
Soomaaliya. Wuxuu maamulkaasi marar badan xabsiga dhigay dadwayne aan
waxba galabsanin, wuxuu sidoo kale taliska Addis Ababa marar kala duwan
u dhiibay dad rayad ah.
Gumaysiga
Itoobiya oo cadaadis ba,an ku haya shacabka Ogadenya.
Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa Ogaadeenya keentay ciidamo farabadan
oo ay ugu tala gashay inay dadka Ogaadeenya cadaadiska iyo xasuuqa ku
sii kordhiyaan. Ciidamadan ayaa horraantii bishan billaabay inay cagta
mariyaan dadka shacabka ah ee tuulooyinka iyo magaalooyinka ku nool iyo
waliba kuwa ay meelaha miyiga ah kula kulmaan, waxayna dil, kufsi, boob
hanti iyo jidhdilba u gaysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Dhibaatooyinkii ugu danbeeyay ee ciidamadaasi ay dadka rayadka u
gaysteen waxaa ka mid ahaa:
01/06/04 meesha la yidhaahdo Odo oo Jigjiga agteeda ah waxay ku
kufsadeen 17 haween ah. Dumarkaas la kufsaday waxaa la keenay Isbitaalka
magaalada Jigjiga. Waxay sidoo kale Ciidamada cadowga Itoobiya jidhdil
ba’an u gaysteen 8 nin oo joogay tuulada dumarkaas lagu kufsaday, ilaa
iyo haddana lama garanayo meesha ay nimankaasi ku denbeeyeen.
Sidoo kale
Ciidamada gumaysiga
Itoobiya ayaa ugu yaraan 15 qof oo rayad ah ku laayay meel aan sidaas
uga fogayn tuulada Uubataale, waxay kaloo halkaas ku dhaawaceen 22 qof,
ka dib markii ay rasaas oodda kaga qaadeen baabuur rakaab ah oo halkaas
marayay. Dad goob-joog ah oo u waramay Wakaalada Wararka Ogadenya ayaa
sheegay in ciidamada Itoobiya ay si fiican u arkayeen in baabuurku uu
yahay baabuur shibil ah oo wada rakaab caadi ah, isla markaana aan
samaynin wax lagaga shakiyi karo, balse ay si ula kac ah u xabbadeeyeen.
Tuulada Miir-Khaliif oo aan sidaas uga fogayn meesha ay dadka shacabka
ah ku laayeen ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal sokeeye oo ay iskaga
horyimaadeen laba beelood, kaasoo khasaare wayn gaystay, waxaana si
fiican loo garwaaqsan yahay in dagaalkaas ay xukuumadda Itoobiya ka
dambayso, doonaysana inay iska hor-keento dadwaynaha soomeeliyeed ee
deegaankaas wada-dega. [0o[o
05/06/04 magaalada Qabridaharre waxaa lagu xidhxidhay dad badan oo ay ka
mid ahaayeen. Cabdi Budul Biixi, Deeq Biixi Xaashi iyo Xirsi Fidhiq
Oogle.
06/06/04, magaalada Dusmo dad badan oo lagu xidhxidhay waxaa ka mid
ahaa:
Buraale Shafeec,
Laba-Suul Aadan, Axmed Doolaal, Ibrahim Mahad Shariif Cabdi, Dheeh
Maxamed Goohe iyo Aamina Maxamed.
Isla
taariikhdaas (06/06/04) meel la yidhaahdo Adhisaley oo Gobolka Nogob ka
tirsan dad dagganaa ayay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku ganaaxeen
ruuxiiba 500 oo Bir. Magacyada dadka la ganaaxayna waxay kala yihiin.
1- Siyaad
Cusmaan 2. Cabdhi Mukhtar Qaasim 3.Yusuf Garane iyo 4. Kuusow.
06/06/04
Hadhaawe oo Godey ka tirsan waxay cadowgu ku kufsadeen gabdh yar oo 14
jir oo agoon ah, taasoo lagu magacaabo Wacdiya Maxamed Caydiid. Kadibna
Wacdiya waxay u dhimatay dhaawicii kufsigaas ka soo gaadhay.
08/06/04
magaalada Dhagaxbuur duleedkeeda 8 gabdhood ayey ku kufseen ciidanka
gumeysiga
Itoobiya. Siddeedan gabdhood hadda waxay yaallaan Isbitaalka Dhagaxbuur
iyagoo aad il-daran.
Ilaa iyo
billowgii bisha dadka lagu xidhxidhay magaalada Godey waxay kor u
dhaafayaan 160 qof.
Dhinaca kale
tuulooyin ay ka mid yihiin Daara-salaam iyo Dhuxun oo Gobolka Nogbeed ka
tirsan waxaa middiiba lagu ganaaxday 1000 bir.
Caddaadiska xad-dhaafka ah ee taliska
Addis Ababa uu ku hayo dadwaynaha rayadka ah ee Ogadenya waxaa ka mid ah
iyadoo dadwaynaha amar lagu siiyay inayna tuulooyinka iyo magaalooyinka
uga fogaanin meel hal saac loo codo. Waxaa dadwaynaha la gaadhsiiyay in
reerkii dega meel ka durugsan tuulada ama magaalada lagu tirinayo inuu
taageere u yahay jabhadda, isla markaana tallaabo laga qaadayo.
Waxaa kaloo cadaadiskan ka mid ah
iyadoo dadwaynaha ku dhaqan tuulooyinka iyo magaalooyinka aan loo
oggolayn inuu isu socdaan habeenkii wixii toddobada fiidnimo ka denbeeya.
Madax sare oo Itoobiyaan ah oo kasoo
horjeeday barnaamijka dib u dajinta ee Itoobiya oo shaqadii laga eryay
Madax itoobiyaan oo ka
soo horjeeday barnaamijka dib u-dejinta ee xukuumadda Itoobiya ay ka
wado meelaha qaarkood ayaa shaqadoodii laga eryay, waxaana madaxdaas ka
mid ah Mr. Abu Yidhaata, oo ka tirsanaa golaha dhexe ee ururka OPDO, oo
ah urur isku sheega inuu matalo qowmiyada Oromada, hase yeeshee
daba-dhilif u ah ururka TPLF.
Abu Yidhaata wuxuu ka mid
ahaa masuuliyiinta dib u-dajinta iyo daryeelka dadwaynaha ee kililka
Oromada. Abu Yidhaata wuxuu sheegay in ayna macquul ahayn in la
hirgaliyo barnaamijka dib u-dajinta ee dawlada Itoobiya ay wado, wuxuna
barnaamijkaas ku tilmaamay mid aan si fiican loo soo qorshaynin, isla
markaana si wayn looga soo baaraan-dagin.
”Dawladu waxay rabtaa
sidii ay siyaasadeeda u hirgelin lahayd oo kaliya, balse kama fakirayso
danta dadwaynaha”.sidaasna waxaa yidhi Abu yidhaata.
5 Kilil oo diiday
miisaaniyadii ay Itoobiya sanadkan u qoondaysay.
Addis Ababa June 17 ONA:
- Wariyaha wakaalada wararka Ogadeniya u jooga magaalada Addis Ababa
ayaa sheegaya in ay diideen 5 kilil misaaniyadii ay dawlada Itoobiya
sanadkan u qoondaysay. Shantan kilil ayaa waxay kala yihiin Kililka
Herarida, Kilika Benishangul, Kililka Canfarta, Kililka Gambella iyo
weliba Kililka Tigreega.
Waxay masuuliyiinta
kililadani saluugeen sida ay dawlada Itoobiya wax u qoondaysay, waxayna
intaa raaciyeen in ayna horumar iyo nabadgalyo keeni Karin sidan haddii
ay wax ku socdaan. Kililadaas ayaa dawlada Itoobiya ka codsaday in ay
dib u fiiriso sida ay dawladu wax u qoondaysay oo ah mid aan macquul
ahayn kana soo hor jeeda in wax laga qabto adeegyada guud ee bulshada.
Qaramada Midoobay Oo
Qoraal Digniin Ah Gaadhsiiyey Itoobiya.
War aanu kasoo xiganay
shabakada internetka ee Goobjoognet ayaa sheegaya in qoraal ka socday
golaha ammaanka ee qaramada midoobay 13kii bishan June la gaadhsiiyay
maamulka dawlada Itoobiya kaasoo looga digayo Itoobiya faragelin ay ku
hayso gudaha Soomaliya.
Golaha Ammaanka ee
Qaramada Midawday ayaa dawlada Itoobiya ku wargeliyey in aysan
ciidamadoodu faragelinta ku samaynin gudaha Soomalaiya isla markaana ay
joojiyaan hub ka soo gala wadankeeda Soomalaiya.
18.06.2004
C/Nuur Sh. Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh radio
Xoriyo