SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - COLUMBUS, OHIO
Soomalida ku nool Columbus Ohio oo Banaanbax Weyn Dhigay

June 17, Columbus, Ohio



Banaan bixii Somalida Ohio

Bannaan bixii Somalida Ohio

Nuradin oo Miiska madaxa ku garaacaya

Mahir Sherif: Qareenka Nurardin Abdi
Halkan ka daawo bannaan baxii

Soomaalida ku nool magaalada Columbus Ohio ayaa maanta (June 16) markey saacadu aheyd 1:00pm ama kowdii duhurnimo banaabax ku sameeyey maxkamada uu ku xiran yahay Nuuradiin Cabdi horteeda, iyo magaalada Columbus gudaheeda. Nuuradiin Cabdi oo dawlada mareykanka ku eedeysay inuu damacsanaa falal la xariira argagixisada

Banaan baxaan waxaa soo qaban qaabiyay waxgaradka, culumaa'udiinka iyo hogaamiyayaasha bulshada, waxaana ka soo qeybgalay dad cadadkooda kor u dhaafay kumanaan qof oo Soomaali iyo muslimiin kale isagu jiray runtii aad uga muragsanaa arrintaan la xariirta Nuradiin Cabdi oo lagu eedeeyey argagaxisada. Dadkaas banaanbaxayey waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin sida Patriotic Act = dadka oo leyska jir dilo leyskana xiro waqti aan la xadidin iyo Nuradiin= 100 percent innocent. [ Halkan ka daawo bannaan baxii]

Nadifa Xasan (Nuradin Hooyadiis) 
"Wiilkaygu waan aqaan. Ma ahan Argagixiso. Ma qarxin lahayn meelna. Ma ahan qof noocaas oo kale ah." sidaas waxaa tiri Nadifa Hassan oo ah Nuradin hooyadiis oo waraysi siisay ONN..
Halakan ka daawo waraysiga 
Xaaska Nuradin oo fiirineysa asagoo miiska madaxa ku garaacaya markii maxkamada la keenay Nuradin.
Halkan ka daawo

Goobta banaanbaxa ka dhacaysay waxaa ka muuqday oo warfidiyeenada la hadlayey garyaqaanka Mr. Shariif oo u doodi doona Nuraadiin Cabdi, garyaqaankaan oo ka soo duulay magaalada San Deigo, California horeyna u qabtay qadiyado (cases) arrintaan oo kale la xiriirta.

Soomalida magaalada Columbus ayaa runtii ku noqotay arrintaan lagu eedeyey Nuraadiin mid lala tacajabo maadama Nuuradiin lagu yaqiinay inuu ahaa nin ganacsade ah lehna meel taleefonada kaararka lagu gado iyo isagoo ahaa macalin quraan ee caruurta Soomaaliyeed ku dhaqan magaalada Columbus bari jirey quraanka, qeyb libaax ahna ka qaatay furitaanka Masjidkii ugu horeeyey ee Soomaali ku yeelato magaalada Columbus.

Garyaqaanka u doodayey Nuuradiin Cabdi ayaa ka codsaday maxkamada in Nuuradiin Cabdi loo raadiyo isbitaal dadka madaxa ka jiran, sidaas darteedna ay maxkamada ka ogolaatay in Nuuradiin loo gudbiyaa isbitaalada dadka madaxa ka jiran, maadaama uu maxkamada dhexdeeda uu Nuuradiin miiska madaxa ku hayay iyo isagoo kelgiis isla hadlayey sida faaladaan  ku xusan shabakada www.10tv.com [ Halkan ka daawo mudaharadaaka]

Sidoo kale shaley waxaa la jebiyay qeyb ka mid ah Mall ama dukaamada Soomalida ay ku lee yihiin bartamaha magaalada ee Morse Road oo dhagxaan lagu jebiyay muraayad ku taal meesha loo yaqaan Global Mall oo soomalida leedahay oo dadka arrintaas geystayna la garaneynin laakiinse Booliska uu raadkooda ku jiro.

Arrintaan ayaa noqotay mid Soomalida Columbus Ohio runtii ay aad u daneynayaan madaama lagu qiyaasay in ku dhowaad 30,000 Soomaali inay ku nool yihiin magaalada Columbus, Ohio.

Jamaal Afrax
Columbus, Ohio
jafrah@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com June 17, 2004

Sawirada: waxaan ka qaadnay TV-ga Ohio ee kanaalka 10.

"Baro Xuquuqdaada" Guji Halkan

Source:
Mental Check For Mall Plot Suspect
news4colorado.com, CO - 
... through a translator while surrounded by friends at Columbus' Somali Community Association ... any immigrant who escaped the clan-based war in Somalia, looking for ...
Concern for public safety heeds arrest in alleged terrorist plot - News Journal
Family Says Somali Accused Of Mall Bombing Plot Sought Better ...  - WCPO
Mother Speaks About Son's Terror Indictment
 - Ohio News Network

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD