Argagaxisada somalia joogtaa waa qabqablayaasha dagaalka
zayid cumar cabdilahi
<zayidcumar01@yahoo.co.uk>
salaamu calayku w . r . w.
b........
ilaahay ayaa mahadleh s.w t.
sida aad ka wada dharagsantihiin waxa mudo dheeer ka socda
dalka kenya shirkii kooxaha somalida oo ay bulshada rayidka ahi in badan ka
dhursugaysay inuu noqdo shirki soo gababayn lahaa dhibaabatada ka tagan
dhulka hooyo ee xalka loo waayay.
waxay dad waynuhu iyo beesha caalamkuba is waydiinayaan
meesha ay sartu ka qudhuntay ee ay nimankan sheeganaya hogaamiyayaasha anigu
waxaan odhan lahaa caqli laawayaasha'e ay u heshiin la yihiin dhawr iyo
tobanka sano .
umada somaliyeed gudo iyo dibadba waxay ka dharagsanyihiin oo
ay barteen kalmadaha mac macaan ee eed ka cararka ah ee ay qabqablayaashu
markay waraysiyada bixinayaan ay ku hadlaan iyaga oo og ama ku balamay
inayna waligood heshiin.
laba nin ayaa bari colaad xumi dhex martay markaasaa in badan
laysku dayay in la heshiisiiyo .marka arintaa la soo qaadaba mid ayuunbaa
wax dheerad ah taban jiray. in badan ayaa lagu guul daraystay in la
heshiisiyo maalintii dambe ayaa la yidhi bal labadooda fool ka fool ha la
isugu keeno iyaga ayaa heshiin doonee.meel banaan oo cid la ah ayaa laysugu
geeyay oo ay ku faqeen. dadkii oo dhami waxay muujiyeeen niyad sami markay
labadii nin sheeda ka arkeen iyaga oo wada hadlaya waxay saadiliyeen inay
hesiin doonaan. in yar ka dib ayaa xagii dadka ay u soo dhaqaaqeen iyaga oo
dhoola cadaynaya . dadkii way sii rumaysteen in heshiis waara uu dhex maray
labadii nin ee inta badan colka ahaa.
marki ay dadkii soo gaadheen ayaa la waydiiyay oo la yidhi ma
heshiiseen markaasay yidhaahdeen (waanu heshiinay)
dumarkii ayaa mashxarad iyo rayn rayn ku dhawaaqay dadki oo
dhamina way soo dhaweeyeen. oday wax garad ah ayaa ku yidhi hadad heshiiseen
maxad ku heshiseen.
waxay yidhaahdeen( waxanu ku heshiinay inaanan waligayo
heshiinin).
si markaad ka eegto labadas nin way heshiiyeen dhinac markaad
ka eegtana may heshiinin oo colaadii waa halkeedii.
waxaan uga socdaa dadka ka sugaya shirka kenya heshiis sal u
noqda nabad waarta oo ka aslaaxda somalia inay rajadoodu aad u liidato
ilaahay kama dhiga 'o marka aynu ka saadaal qaadano kuwan umada somaliyed
argagixisada ku noqday ee hogaamiyayaasha sheeganaya waxay soo saari doonaan
wax heshiis ku sheeg ah lakin ka dhigan heshiiskii labadaa nin dhex maray oo
ah inanay waligood heshiin.
umada somaliyeed gaar ahaan dadwaynaha xamar dagan iyaga ayaa
ka masuul ah dhibta umada somaliyeed soo gaadhay inteeda badan .shirki carta
waxa laga soo saaray dawlad somali oo dhami dooratay oo loo hanwaynaa oo
waliba madax wayne uu u yahay nin reer muqdisho ahi. intii aan cid kalaba
wax ka sheegin dadki ugu horeyay ee ku mucaarada iyaga ayay ahaayeen.meesha
kaliya ee somalia wali dhiig ku sii dadanayo 15 sano dawladii somalia
burburkeedii ka dib xamar ayaa jirta .waxan maqlaa mudaharad nabadeed oo ka
dhacay muqdisho .lakin waxaan leeyahay mudaharad nabadeed waxba idinma soo
kordhinayo oo meesha dhinacyo badan ayaa ku dagaalamay mid walbaaba kan kale
ayuu isu nabayaa .waxa laydinka doonayaa kacdoon shacbi(public revolution)oo
ah kii ruushka iyo faransiiska ka dhacay oo kale .waxa laydin ka doonayaa
inaydun meel walba oo aad maraysaan dhagax tuurtaan oo aad ku qaylisaan oo
aydu niyada ka nacdaan qabqablayasha ,inaydun cadadis saartaan oo aydun
xataa guryahooda hortooda is tubtaan si ayna suuqa ugu bixin.lakin imika
waxay u muuqataa inay reer muqdisho raali ka yihiin sida arimuhu u socdaan
waayo dadki maanta fadhiyi lahaa maaha, iyaga ayay ka dhasheen kuwan
hogamiyaasha sheeganayaa ee samada kamaysoo dhicin nin walbaaba odayaal iyo
sulaadin ayuu reerkoodu leeyahay oo xidhe u ah.ciidamada la socda nin walba
aabo ayaa dhalay oo ina hebel weeyaan .waxaan leeyahay reer muqdisho fadhiga
ha ka kacaan somalia iyaga ayay u cadilnaan doontaa 15 sano oo kale hadii
ayn sidan soo dhaamin ilamaha aniga in kenya iyo ethiopia oo cadawga somalia
ahi inay dawlad soo dhisayaan oo waxad ku tusaale qaadataan waraysigii
daneil arab moi.
somalia cidina uma maqna ceelna uma qodna hadii ayna dadkeedu
tashan oo ayna hurdada ka kicin.
reer somaliland hadaanu nahay anagu waanu tashanay oo cid
aanu la gorgortano ayaanu sugaynaa puntland iyadana arinteedu nin kaliya
ayay ka godaa .
meesha kaliya ee xalka laga sugayaa waa caasimadii umada
somaliyeed .
waxan leeyahay halki laga odhan jiray somaliyeey toos toosoo
isku tiirsada .
(muqdishoy toos toosoo isku tiirsada )
ilama aha shirkii carta shir ka wayn ayay somali isugu iman
doontaa .ilama aha dawladii carta dawlad ka aqoon badan ayay ethiopia soo
wadaa .shirka ergadiisii cuntada loo diiday waxay somalia ka sugto ayaaba
iska yar .
waxan kaloo dadwaynaha xasuusin lahaa in ayna nimanka
hogaamiyaasha sheeganaya ee ay xalka ka sugayaan caafimadkooduba
haagaagsanayn oo ay bukaan sida aynu ka aragno wararka caalamka .
waakii abwaan sangub lahaa inu iyaga u jeeday ayaan filayaaye.
(dhiigoodaaa aad u badan maskaxdu way wada buktaaa maskaxdu
way wada buktaa)
dad aan miyir qabin dadka wax ka sii sugaa iyagaa ka sii
daran.
waxaan ku si rumaystay inayna miyir qabin hogaamiyaasha
kooxuhu .shirki carta waa tii la dhaariyay shaati guduud oo uu dhaarta maray
oo uu baarlamanka lagu daray markii baydhabo u tagay ayuu ka baxay dawladi
waraysi aya laga qaaday oo waxa la yidhi sowdigi dhaartay maxaa kugu dhacay
.
wuxu ku jawaabay heeso ayay nagu asqaysiiyeen.
nin wayn oo masuul ah is bad badalka intaa leeg haduu sameeyo
waxay muujinaysaa inuuna miyir qabin.
xalka umada somaliyeedna haduu kuwaas ku xidhmo anigu garan
maayo arintu siday noqon.
waxa kale oo aan idin xasuusin laha ninka muuse suudi la
yidhaaa ee lahaa hawiye aya somali madaxwayne u ah isaga oo gabood ka
dhiganaya hawiye si uu u diido waxa ka soo baxa shirka kenya ayna ka aheen
hawiye jacayl.hadii uu hawiye wax la doonayo cabdi qaasim ayuu tageeri lahaa
oo uu isagu sabab u aha ridida dawladii kumeel gaadhka ahayd.
waxaan ku so gababaynayaa .
(canaano daatayba dabadood la qabay ,somaliyeed dib u
dhiskaagiyo midnimaan kula doonayaaa,umada way daalantahay difaac qaran bay
rabtaa ,daryeel dhaba bay rabtaa.hogaan isku dubo ridiyo dhisme iyo dawlad
bay rabtaa)
Afee:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com June 17, 2004Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|