SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

C/raxmaan Cali Suubiye “Muuse Suudi ayuu ahaa ninkii Kaamiradeyda u dhigay qoriga Zuuga… "

 

Guddiga daba-galka tacaddiyada suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu si kulul u cambaareynayaa falkii tahdiidka, caga-jugleynta ama shaqo hor istaagista ahayd ee lagu sameeyey Labada weriye ee kala ah Xasan Xanafi Xaaji iyo C/raxmaan Cali Suubiye oo labaduba ka shaqeeya Idaacadda IQK ee magaallada Muqdisho.

 

         

Tacadiyadii ugu  ay Ururisey Hayadda Nabada iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman Guji...

Labadaasi wariye ayaa maleeshiyo daacad u ah hoggaamiye kooxeedka Muuse Suudi shalay duhurnimadii aan sharci ahayn ay ugu geysteen falal isugu jira cabsi gelin iyo hor istaag shaqo, isla markaana waxyeello u geystay qalabkii ay ku shaqeynayeen sida bur-burinta Camero Digital ah oo ay wateen iyo Rikoorka wararka lagu duubo. Arrimahaas oo dhammaantood ka soo horjeeda xoriyadda saxaafadda iyo xor u ahaanshaha howlohooda warfaafineed ee weriyeyaasha ayaa Guddigu waxa uu ugu baaqayaa maamulka Muuse Suudi in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo celiyo qalabkaasi laga bur-buriyey weriyeyaasha, isla markaana cudur-daar iyo magdhawna ka bixiyo dhacdadaasi, isla markaana uu dhowro xoriyadda saxaafadda iyo xuquuqda uu leeyahay qofka weriyaha ah, sidoo kale dhacdo la mid ah midda lagu sameeyey labadan weriye ayaa lagula kacay gabar weriye ah oo iyana lagu magacaabo Fardowso Maxamed Cabdullaahi oo shaqeyneysay Horn Afrik.

 

Dhinaca kale C/raxmaan Cali Suubiye oo u warramayay Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah mar uu ka hadlayay dhacdadan waxa uu yiri “Muuse Suudi ayaa jeebab-keyga ka baaray Baniikol, waxaan ku iri Kaamiradan kuma shaqeyso Baniikol ee waxay ku shaqeysaa hab Digital ah, waxaan kaloo ku iri waxa Kaamirada haya Maxamed Cali Ugaas, markiiba Muuse waxa uu u yeeray Maxamed Cali Ugaas oo uu ka qaaday Kaamiradii, dabadeedna u dhigay Gaari Zuu ah”, sidoo kale Xasan Xaaji Xanafi ayaa isna sheegay in la jir-dilay lagana bur-buriyey qalabkii uu ku shaqeynayay. 

 

 

Maleeshiyooyinkii isaga soo horjeeday deegaanka Shibis iyo Bayxaani oo..

 

Maalintii shalay ahayd ayaa Guddiga nabadeynta Beelihii ku dagaallamay Waqooyiga Muqdisho ku guuleysteen in ay kala raraan maleeshiyooyinkii isaga soo horjeeday deegaanno ka tirsan Shibis iyo C/casiis.

 

Inkastoo Guddigu ay ku adkaatay kala rarista ciidammada, haddana aakhiri-taankii labada beelood ayaa waxa ay oggolaadeen in la kala raro maleeshiyooyinka, taasoo markii dambe ay isugu soo bexeen dadweyne aad u fara badan oo aad ugu faraxsanaa heshiiskaasi, waxayna marayeen goobihii laga kala qaaday maleeshiyooyinka, gaar ahaan Hotel Global.

Heshiiskan ayaa waxaa ka soo shaqeeyey Guddi uu hor kacayo Macallin Nuur Maxamed Siyaad, iyagoo muddooyinkaan ku shirsanaa Guriga Dr. Abuukar Xaaji Gacal, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay fool ka fool isu soo horfariistaan Beelihii ku dagaallamay Waqooyiga Muqdisho ee Harti Abgaal iyo Wacbuudhan.

 

Shaqaaqo ka dhacday meel dhowr iyo labaatan Km u…

 

Wararka naga soo gaaraya magaallada Jowhar waxa ay sheegayaan in tuulo 20km u jirta magaalladaasi ay shalay ka dhacday shaqaaqo u dhexeysay ciidanka Maxamed Dheere iyo nin Beeraley ah, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhintay laba ruux oo mid uu ahaa ciidanka Maxamed Dheere, kan kalena waxa uu ahaa ninkii Beerta sheegay in uu lahaa.

 

            Maxkamad ku taalla magaallada Jowhar ayaa ku xukuntay ninkaasi in uusan beerta lahayn ee ay leeyihiin dad hore u soo dacweeyey, waxaana lagu amray in uu isaga baxo beerta, hase yeeshee waxa uu ku dhaartay in uusan ka bixi doonin beerta, sidaa ayuuna dagaalku ku billowday, waxaa kale oo dagaalkaasi 2-qof oo iyana ka mid ahaa ciidammadii Maxamed Dheere.  

Siminnaar xalay lagu soo geba-gebeeyey Baydhabo

 

Habeenkii xalay ahaa ayaa Xarunta Recardo lagu soo geba-gebeeyey siminnaar socday muddo laba maalmood ah, waxaana siminnaarkaasi soo qaban-qaabisay hay’ad NGO ah oo la magac baxday Baxar Saaf oo qaabilsan dhinaca ka hortagga waxyaabaha qarxa.

 

Siminnaarkan oo ay ka qayb galeen 70-qof oo kala socday 25-NGO ayaa waxaa lagu baranayay sidii looga hortagi lahaa ama loo baabi’in lahaa waxyaabaha qarxa oo inta badan ay waxyeello ka soo gaarto dadka iyo xoolaha, iyadoo dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka ay keeneen in deegaanno badan lagu aaso miinooyin iyo waxyaabaha qarxa, iyadoo gobollada Bay iyo Bakool ay ahaayeen gobollada ay ugu badan ee ay ka dhacaan qaraxyada, iyadoo mar walbana ay ku dhimanayeen dad iyo duunyo, waxaana siminnaarkan soo xiray Guddoomiyaha Gobolka Bay Maxamed Aadan Qalinle oo u mahad celiyey intii gacanta ka geysatay simin-naarkaasi, wuxuuna sheegay in mas’uuliyiinta RRA-da iyana ay gacanta ka geysan doonaan sidii gobollada Bay iyo Bakool looga saari lahaa miinada.

 

QORSHE DIL LALA DAMACSANAA SHARON OO LA FASHILIYEY

 

            Ciidammada sirta ee Israel ayaa sheegay in ay ka hortageen qorshe dil oo lala damacsanaa Ra’iisul Wasaarahooda Arial Sharon, qorshahaas oo la sheegay in ay soo diyaariyeen ururka Islaamiga ah ee Xamaas ee Reer Falastiin.     Warbixin ay soo saartay hay’adda Sirdoonka ee Israel ayaa sheegtay in markii ugu horreysay qorshahan la ogaaday maalinnimadii dorraad ahayd, kaddib markii ciidammada Israel gacanta ku dhigeen nin dhallinyaro ah oo Reer Falastiin ah oo lagu magacaabo Xassaam Naablisi oo 48-jir ah, kaasoo ay hayeen in ka badan 2-toddobaad, ninkaasi oo ay Israel sheegeen in uu gacan ku lahaa qarixii ka dhacay Kaniisad ku taallay xaafadda Miiya ee ka tirsan magaallada Quddus.


Qore: amiinkhasaaro yuusuf
<amiinkhasaaro@hotmail.com>

 

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD