Siyaasada
Qarsoon ee Madaxweyne Cabdi Qaasim uu ku soo daabulayo Ergadiisa
,iyo Hotel Cusub oo islii laga dejin doono Ergadaas.Warbixin
Xasaasi ah.
W/Q Dahir Abdulle ALasow,
Nairobi kenya
weriyahashirka@yahoo.com
Nairobi
kenya(dahiryare)
Madaxweynaha Dowladda KMG ah Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa lagu
waramayaa inuu soo daadgureeyn doono Ergo tirro ahaan kor u
dhaafeeyso 180 siyaasi kuwaas oo la dejin doono badankood hotel
ku yaal Xaafadda Somalida ku badan tahay ee ISLII.
Hotelka la dejin doono Ergadda Madaxweyne Cabdi Qaasim iskiisa u
wato oo ah Hotel Cusub oo dhawaan laga dhisay Rainbow,ka
EastLight ayaa warar Madaxbanaani sheegayaan in lacagtaasi uu
bixin doono Madaxweyne Cabdi Qaasim qudhiisa halka warar kalena
ay sheegayaan inuu Cabdi Qaasim balanqaadka dhaqaalaha Ergadaas
ka heesto Jaamaccada Carabta oo sheegtay inay bixineeyso dhamaan
Ergadiisa Taageeerayaasha ah lacagta ku baxeeyso mudada uu
shirka socdo.
Inkastoo aanan guud ahaan la xaqiijin karin cidda bixin doonto
dhaqaalaha ku baxayo 150 ergo ee Cabdi Qaasim iskiis u wato
hadana Arrintaan ayaa qeeyb ka ah siyaasada muga weyn ee uu
Ciyaarayo Cabdi Qaasim Salaad Xasan.
Madaxweyne Cabdi Qaasim oo Aaminsan in beesha caalamka iyo
bahweynta hawiye intuba ay ka mas,uul ahaayeen burburkii
Ragaadiyay dowladiisa ee ay ka dhaqaaqi weeysay 3 sano ayaa mar
kale jaleecayo Qorshe Siyaasadeed Aargoosi ah taas oo ah mid
wejiyo badan oo uu kula dabaaqayo Hogaamiyaasha kooxaha ee ka
soo horjeeday inay Meelmarto dowladiisa.
Madaxweyne Cabdi Qaasim wuxuu soo wadaa Ergo xul ah oo mid
walba beesha uu ka soo jeedo miisaan iyo Muuqaal ku leh si ay
Baarlamaanka Cadkooda uga soo qaataan ,
Siyaasadaas ayaa qeeyb ka ah qaabka qarsoon ee Madaxweyne Cabdi
Qaasim ku doonayo in Xisbigiisa dowladda uu ku helo Cod
farabadan oo beelaha kla duwan ay ka soo hooyaan ama ka soo
helaan raga ay siyaasada sxb,ka ka yihiin,waxa kale oo Ergadaan
ay cariiri gelin doonaan hogaamiyaasha koxaha oo iyagana ku
taamayay markii hore inay baarlamaanka galaan rag ku siyaasad ah
oo ay isku haleeyn karaan habeenka cod bixinta .
Siyaasada kale ee uu Ciyaarayo Cabdi Qasim Salaad Xasan hadii
ookiyaalaha Araga fog lagu eego waxaa Muuqato inuu dhawaan isu
shaacin doono inuu ka mid yahay Musharixiinta Mar kale u istaagi
doonto u tartanka Madaxweyne nimadda Somaliya isagoo huwan
Magaca Xisbiga Wadaniga ah ee Somaliyed oo u macno ah
siyaasiyiintii dowlada Carte ee Maamulkoodii la Cuuryaanshay.
Inkastoo la sii saadaalin karo inuusan mar kale Cabdi Qaasim
heli doonin Madaxweynenimo hadana waxaa iska cad oo sida bisha
oo kale u soo Muuqato inuu habeenkaas doorashada heli doono
Codad miisaan leh hadii aysan balanta uga bixin raga Maanta ku
garabka ah ee go,aanka qarsoodiga ah ay wada gareen.
Saadaasha Cabdi Qaasim laga sii bixin karaa habeenka cod bixinta
iyo siyaasadiisa hordhaca waa mid iska cad oo mugdi iyo
madmadoow ka fog marka la eego sida uu Cabdi Qaasim ugu ciil
cunsan yahay beelweynta uu ka dhashay ee hawiye hogaamiyaashooda
gaar ahaan qabiilka ugu heeybta dhaw dhinaca habargidir marka
tooshka iftiinka badan lagu sii shido ee uu ku tuhmayo inay
hogaamiyaashaas hormuud ka ahaayeen in ciida Afka loo geliyo
dowladii Carte ee Cabdi Qaasim ka soo hantay hogaanka sare.
Waxaa laga yaabaa inuu Cabdi Qaasim habeenka cod bixinta kubadda
laga sugayo inuu u soo baaso ama kula saftaa koox ku heeyb ah oo
isku haleeynayo uu u laado oo baas lama filaan ah banooniga ku
siiyo xulka kuwaas ka soo horjeedo maadaama uu dib u xasuusto
sidii shalay baalasha looga rifay markii uu lahaa power,ka ama
awooda siyaasadeed ee u hergelin kartay inuu hanto dhamaan
hogaanka sare ee Somaliya.
Inkastoo indhaha Xeeldheerayasha arkaan shaki baaxadweyn oo
beesha Caalamka Cabdi qaasim ka qabto ,hadana isaga taas uma
fadhin doono ee waxaa ka go,aan ah inuu ka faa,iideeysto
taageeradda dhinaca dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu ka
helayoJaamacadda Carabta,waxaa uuna iska dhega tiri doonaa
dhamaan xan hoosaadka iyo tuhunka Reer Galbeedka ka qabaan gaar
ahaan dowladda mareykanka oo ku xaglineeyso inuu xiriir hoose la
leeyahay Xubnaha sare ee AL Qaacido.
Inkastoo Cabdi Qaasim uu la kulmay dhamaan hogaamiyaal farabadan
oo siyaasada kaga soo horjeedaty hadana lama ogga waxa ay ku
heshiiyeen iyo heshiiskastaa oo ay wada gaaraan sida uu u
hergeli karo maadaama ay hore u jirtay hagardaamo farabadan oo
heeryadda looga qaaday Cabdi Qaasim.
Shaki iyo Madmadoow kuma jiro in Cabdi Qaasim la soo shir tegi
doono sheeko uu iska soo Turxaanbixiyay waxaase la isi sii
weeydiinkaraa labo ,sulaal oo is garabtaas kuwaas oo kala
ah,Cabdi cidna daah kama saarno inuu u ciil cunsan yahay dhamaan
intii Cuuryaamisay Mas,uuliyadii loogu Caleema saaray Tuuladda
Carto,balse Ma Cabdullaahi Axmed Cadowgii shalay Carte uga
balanqaaday la shaqeeynta dowladiisa ee ciyaarta uga baxay ayuu
ka cad goosan doonaa oo uu oran doonaa ,shalaad diiday inaan
cuna ana Maanta kaa ciideey,Mise Ciilkaas ka weeyn buu u qabaa
Hogaamiyaasha C/llahi Yusuf iyo Ina Ceydiid Horkacaayn ee
Maantana u buko inay helaan Codka garabyadda
Somaliya,Su,aalahaas haa iyo Maya midna lagama Oranka karo hada
Maadaama aan la gaarin Maalinta Xaqiiqada sheekadaas hasse
ahaatee waxaa la sii wada Eegi doono Miisaanka Cadaaladda ee
Cabdi Qasim iyo Ciilka uu Qabo cida uu kula dul dhaco.
Waxaa Qoray,Dahir Abdulle ALasow,Nairobi kenya
weriyahashirka@yahoo.com