MUDULOOD DHIBAATADA KU HABSATAY MAXAA U SABAB AH
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatu
Waxaan ilaahay inooga baryayaa walaalayaal inuu naga dul qaado
dhibaatadan baahdey ee aan xalka lahayn oo noo danbi dhaafo
isagaa Qafuuru raxiim ahe.
Walaalayaal waxaan rabaa inaan ka hadlo mowduuc ku saabsan
dhibaatada haysata dadkayga gaar ahaan muddulood oo aan ka
dhashay waan ka xumahay inaan u dhaqanno sida wuxuushta oo aan
is cunno sidii xayawaanka oo kale waxaana noogu
Wacan inagoo Illaahay nagu ilhaameeyay inaan ku dhaqanno
kitaabka kariimka ah iyo sunnaha rasuulkeenii muxamad ( C.S.W)
ayaan har cad daaqada ka tuurnay inagoo markaas aan ka fekerin
waxa aynu samaynay ma sax baa mise waa khalad waxaana ka
danbeeyay dad beesha ka tirsan oo aan hadhoow aan sheegi doono
dadkaas oo dana gaara watay oo u adeegayay cadawga Islaamka oo
ay soo hubeeyeen dadkaa wax ma garatada ah laakiin ciqaabka
Ilaahay halkey ka geli doonaan ? markaasay ku andacoodeen
maxkamada wiilasheena ayay lugaha iyo gacmaha jaraysaa oo waa
naga eexday Sheikh Cali Dheere iyo sheekooyin raqiis ah oo ay
dadka ku beerlaxawsadeen sidii oo ay dantooda ka shaqeeynayaan
markasaa hubkii laga keenay xabashida loo qaybiyay bahweynta
muddulood oo layiri aan iska qabano Sheekhaan waa nagu madax
adeygaye Sheekhuna isagana si dhib yar uma dhihin idinkaa awalba
ii dhiibteene xilkaan hadaadan ku qanacsaneyn hooda iga qabsada
ee isagana shaydaan baa wax u sheegay markaasuu waxaan Ilaahay
raali ka ahayn ku kacay oo uu dagaal ooge noqday waa nasiib
darro waxaanse leenahay xasbiyallaahu wa nicmal wakiil.
madaxiina Allaha ka shubo Cali Dheeroow iyo inta ka soo
shaqeeysay in ay maxkamadeenii bur buriyaan, maxaa dhacay ka
bacdi maxkamadii oo la baabi'iyay mala qaboobay? dadkiise ku
andacoonaayay in iyaga loo darnaaday ma faa'iideen? mala
xisaabtamay bacdal maxkama wixii khasaare dhacay iyo fadeexada
naga raacday hadaan nahay Abgaal umadda Illaahay waa naga
yaabantahay maalin walba maatidiina laaya wax lagu hadlo miyaa?
waryaada saa isu dhaama oo cadaabka Ilaah ka baqa oo iska
daaya dhiigaan aad daadineysaan maalin walba iyo nimankaan aad
ka amar qaadanaysaan ee idiin dalbaya naarta jahanama Allaah
ayaan ka magan galnay ee walaalayaal Ilaahay aan cafis
waydiisano oo isa saamaxno carada Ilahey yaysan nagu dhicine
waxaadna ogaataan ineyan nimankaan wax faa'iido ah aan laga
sugaynin ee ku quus qaata Cali iyo Caydiid wixii laga dhaxlay
wixii dhaawacmay ma daaweeyeen Cali iyo Caydiid mise ku dhinteen
wax ay dhaleen maxaad la dhoohan tihiin nin walba caruurtiisa
waa uu dhoofsaday oo tacliin bay usoo baranayaan waase kuwo aan
wax laga dheefi doonin waayo dhiiga dadka ayaa lagu koriyaa ee
waxaan idiin sheegayaa inaad iska qabataan shaqsiyaadka bohosha
nagu riday oo ay ugu horeeyaan dadka waxashiinta ah ee ku naaxa
xoolaha xaaraanta ah ee aan damqan.
-
Cali Mahdi
-
Muuse Suudi
-
Maxamad Dheere
-
Bashiir Raage
-
C/qaadir Beebe
-
Cumar Finish
-
Eenoow
shaqsiyaadkaas walaalayaal iska qabta oo iska
daaya nin caabudka oo dantiina garta xusuusta dagaalkii ugu
danbeeyay ee nacasnimada ahaa maxaa kasoo baxay oo la taaban
karaa? nimanka u dagaalamayo habar Miinaay oo la ogyahay halkay
ka shaqeeysay xoolahaas iyo Bashiir tuug oo dagaalada ka hor aan
waxba ahayn Alla! habaarka haayo nimankaan weynaa Ilaahow soo
hanuuni. waryaa hadaad dhimato reerkiina ayaad ka dhimatay
aakhirana cadaab ayaa ku sugayo ee kuma damiinanayaan
xayawaaniintaas ee yaawaylakum min cadaabillaah kiinii dhaawacma
ee naafoobana cidi wax ku fali mayso ee kuwana qaata ninka
labada garab ka go'ay ee dagaalkii afar biloodka ku waayay
lixaadkiisa ee jooga sanca iyo agagaarkeeda weliba isagoo
difaacaaya Cali Mahdi markii dagaalka istaagay ee uu u tagay
oday Cali oo ku yiri: sidaan ayaa ii danbeysee wax ii qabo
difaacaadan sidaan ku naqdaye ee uu ugu jawaabay: walaal magaca
Abgaal aa u dhimanaysee aniga kuuma dirsan hadana aniga labadaas
gacmood ee kaa maqan oo kaliya aan ku dheerahay ee raali ii
ahoow wax kuuma tari karo. Marka idinkana walaalayal saas aa
idiin danbeysa iyo Cabdulaahi dhaxan nimankii uu dirsan jiray
ee uu dagaalgeli jiray mid ka mid ah oo si xun u dhaawacmay oo
xabbad sun ah kusoo dhacday isagoo uray ayuu ka waayay idila bes
silicaan ha i daaye. markii la yiri dhaqtar gee ninkaan wuxuu ku
jawaabay: iska dhaaf waa u baraayaane. Markaas ayaa qol lagu
xiray oo uu ku dhax dhintay walaalayaal isdaba qabta oo caqli
yeesha Ilaahayna aan ka baqno saas iyo nabad gelyo.)
SACADIYO MAXAMUUD XASAN
nuuneyxasan@hotmail.com
ABU DHABI , UNITED ARAB EMIRATES