SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAAL

 

WARQAD FURAN: SOCDAALKA ADNA AADAN DHAKHTAR EE WAQOOYIGA AMERICA IYO EUROPE

KU: SHACABKA REER SOMALILAND EE KU DHAQAN WAQOOYI AMERICA IYO EUROPE 

Mudanayaal/Marwooyin 

Sida warqad ay soo qortay wasiiradda arrimaha dibadda ee Maamulka Madaxweyne Riyaale ee Somaliland, waxay ku qeexday inay socdaal ku iman doonto dhawr dawladood oo europe ah sida waddamada Swizerland, Britain, iyo Belgium, iyo weliba dalka Canada ee waqooyiga america, hadaba waxaan jecelahay in shacabka reer Somaliland ee xalaasha ah ee ku dhaqan wadamadaasi ay u fasilaan wefdiga ay hogaaminayso Marwo Adna Aadan sida aanay uga raali ahayn Musuq maasuqa baahay ee ay dawladda ay ka mid tahay kula kaceen shacabka Masaakiinta ah ee ku dhaqan dalkii Hooyo ee Somaliland.

Mudanayaasha/Marwooyinka kor ku xusanow waxaad tahiin calaamaddii dalka Somaliland ku taagna, waxaad tahiin muraayaddii Beesha caalamku ka daawanaysay Somaliland, Waxaad tahiin dadka ay dadkooda gudaha jooga ku tiirsanyahiin, waxaad tahiin caqligii ay xukuumaddu u baahnayd inay arrimo kasta oo horyimaad kala kaashato, balse Mudanayaal/Marwooyin waxaasi oo dhami waxay meesha ka baxeen markii Maamulka Madaxweyne Riyaale uu ku tuntay distoorkii dalka u yaallay, markii uu sameeyey hanti boob laxaadleh oo ilmaha yar ee aan garaadka lahayni aqoonsanyahay, Waddankeena xuquuqul insaankiisu waxay maraysa in haweenka uurka leh inta la garaaco marka ilmahii ay uurka ku sideen laga soo tuuro hadana iyaga oo miyir la' katiinad sariirtii hospitalka loogu xidho, waxaasi oo dhami waa waxaan caqliga saliimka ahi qaadan karin, waxaasi oo dhami waa waxaynu ka dagaalanay ee dhiigii boqolkii geesi u dhinteen, waxaasi oo dhami waa waxaynu ka faraxalanay ee aynu iska cafinay, balse maamulka Riyaale u damqaayo nabaradii 13 sanno ka hor la dhayey, hadaba Mudanayaal/Marwooyin waxaan idiin soo jeedinaya baaqan dheer inaad kala hortagtaan Maamulka Riyaale wasiiro ka mid ah oo dhawaan foodda idinku soo haya.

1. Waxaa fiican inaad su'aashan wefdiga Wasiiradda Arrimaha dibaddu horkacayso halka ay mareen 16 Milyan ee Dollar ee masaakiinta Reer Somaliland cashuurta looga qaaday.?

2. Waxaad weydiisaan Wefdiga ay horkacayso Adna aadan halka ay martay dhaqankii iyo dastuurkii suubana ee shacabku isku tixgelin jireen, halka uu maray xorriyatal qawlkii (Freedom of Speech) iyo dimuqraadiyaddii Madaxweynaha ay u shaqaysa lagu doortay.?

3. Waxaad weydiisaan Dr. Adna Aadan halka uu ku danbeeyey qorshahii siyaasadeed ee ciidamada Somaliland loogu diray beriga dalka Somaliland laguna soo xeeraayey gobolada beri ee Somaliland.?

4. Waxaad weydiisaan Adna Aadan halka ay ku danbaysay qudbadii la sheegay inuu Riyaale ka jeediyey guriga House of Commons ee dalka Britain iyo taageeradii la sheegay in dalka Britain siinaayo Somaliland.?

5. Waxaad weydiisaan Wefdiga Adna Aadan halka ay ku danbaysay Dawladdii Tayada iyo aqoonta lahayd ee uu Riyaale ugu ballan qaaday shacabka Somaliland?

Su'aalahas iyo qaar kale oo badani waa kuwo u baahan inaad hor dhigtaan Wefdiga la sheegay inay horkacayso wasiiradda Arrimaha Dibadda Somaliland Marwo Adna Aadan ee ku soo beegan dalalkiina.

Waxaan si naxariisleh idiinka quudaraynaya in aydaan seegi doonin la xisaabtanka dawladda Riyaale marka uu wefdigaasi idin soo gaadho insha allah

SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO.

WALAALKIIN MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN

Mobile: 00-92-300-2600907

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

E-mail2: mabdihassan@yahoo.com

Qoraaladii Hore ee Diridhaba

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Daraasad Gaaban: Dhibaatooyinka Soomaaliya Iyo Xallintooda
Daraasad kooban oo ay soo saareen aqoon yahanno Soomaaliyed ayaa kubilowday in... Guji...  June 14

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD