SOMALIA DOWLAD IYO DAWLAD LA'AAN ,
SOMALILAND WAA ISUGU MID
mahamud samatar
samatarapt@yahoo.com
Damaca Puntland ee gobolo ka mida
Samaliland , kama aha Puntland
raadis Somaliwen ama qaran
Somaliyeed , ee waa damac ku dhisan
qabiil ama beelaysi, inkasta oo ay
siyaasiinta Puntland u eekaysiiyaan damaca gobalada
Smaliland mid ay ku doonayaan
midnimada waxii la isku odhan jiray
Somalia. Iyada oo aanay cidna ka
qarsoonayan in ay Puntland tahay maamul
beeleed.
Hadaba
haddii ay Somalia dawlad ku soo
dhisato Keenya , dawladaas oo ah ama
noqon doonta mid Fedaraal ah, kana
koobanaan dawlado isku tagay , oo ku
salaysan hab beeleed , taas oo ah in
beelwaliba yeelato maamul hoosaad u
gaara , xubina ka ha dawlada Fedeeralka
, si ay fuliso danaha beesha iyada
oo la xisaabtamaysa dawlda dhexe ama
Fedaarlka ah.
Tayada ama
cududda ay yeelto dawladdaa
Fedraalka ayaa aad u yar ama aad u
yaraanaysa , aadna ay u adkaanysaa
in wax dhibaato ahi kaga timaado
Somaliland , madaama aanay jirin
meesha dawlad isku duubani oo leh
hadaf qudha ama qaranimo.Sababato oo
ah mar haddii ay dawladii fedraalku
tahay mid ku salaysan hab beeleed ,
beelaha Somalia ay badankoodu iswada
haystaan ha ahaadeen jilibyo ama
beeloba eh . Arintan ayaa aad u
adkaynaysa in ay Somaliya yeelato
ciidan xoogle, oo ay Somaliland wax
ku yeeli karto, iyada oo ay
Somaliland is difaaci karayso haddii
ay ciidamada Somalia cudud yeeshaan
iyo haddii kaleba.
Dhibaatada u dhexaysa Somaliland iyo
Puntland ayaa ah sideedaba , mid u
dhaxaysa qaran iyo beel, taas oo
habayaraatee aan isbadalayn haddii
ay Somalia dawlad dhisato iyo haddii
kaleba , sababata oo ah dawlada ka
soo naaso cad Somalia ayaa ah mid ku
dhisan hab beeleed oo aan ka
duwanayn ku hada ka jira Somalia
sida , Puntland, Jubooyinka, Hiiraan
, Jawhar, Bay iyo Bakool. Taas oo ah
haddii ay dawlad Fedraal ihi u
dhalato Somalia waxa ka muuqan doona
sumadaha ay leeyihiin kuwa kor ku
xusan.
Iyada
oo jiraan dad badan oo reer Sool ah
oo aaminsan qadayida Somaliland ee
qaranimo oo aanay ku jirin qabiil
ayaa hadana waxa jira in ku soo
barbaartay maamulkii ina Siyaad oo
waxba ka ogayn taariikhda
Somaliland, kuwaas oo ah inta uu
duufsaday in Yey ama Cabdilaahi
Yusuf.
Iskuduubnaanta qarnimo ee
Somaliland ayaa u noqon karta dawo
Somalia , ama qaran ka dhasha
Somalia. Taas baajin karta dagaal
dhexmara Somaliland iyo Puntland ,
ahna hadii ay dawladi u dhalato
Somalia ay fududayn karto in ay
Somaliland iyo Somalia isku soo hor
fadhiistaan iyaga kala ah laba qaran
khilaafkoodna ku xaliya si ay
Somalinimo ku jirto.
Somalia ayay dan u tahay in ay ku
daydaan Somaliland iyaga ku
xisaabtamaya qarnimo , inta ay ku
doodayaan midnimada Somalia waa
muqadas oo Somaliland ma gu karto,
sababta oo ah Somaliland way ka
horaysaa Somalia marka aynu eegno halka
ay kala taagan yihiin. Somaliland
waa qaran halka ay Somalia beel
walba ka tahay qaran iskii u taagan
una xisaabtamaya hab dawladeed, taas
oo adkaynaysa in ay Somalia ka dhalato dawlad
qaran.
Siyaasiinta Somalia ee ku shiraya
Keenya ayaa marka ya iska dhigayaan
ama isku eekaysiinayaan in ay
Somalinimadu ka dhab tahay ayaa waxa
ay ku meeraystaan Baasaboorka
Somalia lama joojin karo iyo
Somaliland ma gu' karto, iyaka ka
mas uula waxa Somali dhibaato
haysata ha ahaado dagaal oge ama
hogaamiye beeldba eh.
Ugu
dambayntii haddii ay Somaliland
xudeeda soo odato imika iyo haddii
ay sugto dawlad Fedraala oo ka dhalata
Somalia waa isgu mid, sababta oo ah
haddii ay Somalia u dhalto dawladi
iyo haddii kaleba , kolay dagaal
dhexmaraa Somaliland iyo Puntland waxa
uu ahaanyaa mid u dhexeeya qaran iyo
beel.
mahamud samatar
samatarapt@yahoo.com
QORAALADII HORE EE
MAXAMUD SAMATAR