Maandeeq
waxaa sidatan u galay Warlord aan awood lahayn, Malaga
yaabaa Warlord madaxweyne loo doortay in uu daryeelo? !!
Mohamed M Mohamed (Yooye
Kaarshe)
Warfaa2oct@yahoo.com
Waxaan salaamay dhamaan
danyarta Soomaaliyeed ee jecel nabada iyo horumarka
dhulkooda. Ka xoroobay aragtida gaaban ee Warlords-ka
loo soo dhiibay kuna dhisan kala qaybinta iyo magacyo u
kala bixinta dadka walaalaha ah een sina u kala maarmin.
Aaminsan in dhulka Soomaaliyeed aan lagu kala lahayn
qabiil, balse qof waliba uu ku leeyahay guriga uu
degenyahay iyo dhulka uu ku ganacsado sida beerta iyo
tukaanka, kuwaa oo uu u haysto warqada lahaanshaha. Ku
qiimeeya dadka aragtidooda, balse aan ku qiimeyn
deegaanka iyo qabiilka lagu tiriyo. Aaminsan in
dhibaatada jirtaa looga bixikaro diinta Allah oo la-fahmo
iyo in la tixgeliyo wixii heshiis ah ee umadu wada gasho
iyadoo laga runsheegayo. Allaah wuxuu jecelyahay kuwa
fuliya balamaha.
Akhristoow, waa wax
laga naxo lagana arga-gaxo daruufaha adag ee la soo
dersay danyartii Soomaaliyeed meel walbay joogaanba,
sida dilka iyo dhaawaca, gaajada iyo cudurka, dhaqan
doorsoonka iyo diin-ka baxa, amni darada iyo maamul
xumada, iyo aragti gaabnida dadkii ku habsatay ee ay
weli garan la-yihiin waxa sababay dhibaatadan raagtay
iyo cida ay xalka ka sugayaan.
Wax-magaratadu
(Warlords and their supporters) waxay nagu qaldeen
waryaa ree hebel ah. Kalama xisaabtano wixii bulshada
dan u ah, sida ( Nabada, waxbarashada, caafimaadka iyo
dhamaan arimaha horumarka bulshada wixii ay ka qabteen).
Waxaan nahay danbiile hadaan weydiino cida talada u
dhiibatay, inta ay hayn doonaan iyo waxa ay masuulka
nooga yihiin. Dhulkii Soomaaliyeed iyagaa dhaxal u helay,
cidaan iyaga ahayn ama aan taageere u ahayn oo talo laga
dhageystaa ma jirto, cidaan ka mid ahayn oo xalkeeni
kartaa ma-aaminsana, iyagaa saxan cidii ka hor timaadana
waxay naga dhaadhiciyeen in ay qaldanyiin, waxay nagu
yiraahdeen reerka (tolka) qof lagama arkeen hadii aan
anigu sidaa yeeli lahayn, markaasaa danyartu run moodaa
isaguna kibir iyo Allaah ka fogaad ka qaadaa.
Fiicnaan lahaydaa in
aan kala ognahay kii noo gargaaray iyo kii wax noodhimay.
Fiicnaan lahaydaa qofka in lagu qiimeeyo wax-tarkiisa
balse aan lagu qiimayn qoyska uu ka dhashay. Fiicnaan
lahaydaa xooga aan qabiilka ku difaacnay in aan beeraha
ku falano danyartana ugu gar-gaarno. Fiicnaan lahaydaa
lacagaha aan ku taageernay difaaca qabiilka in aan kaga
faa-ideysano horumarka ilaha dhaqaalaha ee wadanka.
Fiicnaan lahaydaa jacaylka aan u hayno Warlordka iyo
qabiilka in aan ku bedelno caro iyo nacayb aan u qabno
kuwa xumo falayaasha ah. Fiicnaan lahaydaa in aan is
dhegeysano si aan isku fahano wixii dan noo ahna aan
ooga wada tashano. Fiicnaan lahaydaa in aan wuxuu Allah
na faray yeelno ku qasaari meynee.
Tashan weydaye waa
laguu talin!!
Akhristoow, wax ma
garatadu (Warlords and their gov’t) markii ay nakala
qaybiyeen, dhulkii Soomaaliyeedna magacyo loo kala
bixiyay, qolo walibana meel lagu ooday, mid walibana
cadaw looga dhigay midka kale si aysan danta ka dhaxaysa
ooga wada tashan, wixii cadaw ku ah horumar koodana
aysan il gooni ah ku eegin dadkana ka baran. Intaa
markay nagu ogaadeen ayay go’aan ku gaareen in ay
aduunka aqoonsi iyo abaal marin ooga raadsadaan tacadiga
iyo darxumada ay danyartii badeen- ku faleen. Aduunkii
(United Nation) oo war mooge ahna waa ka yeelay
codsigoodii kadib markii Ethiopia u marqaati furtay,
Maraykan-kuna yiri Ethiopia run baan ku aqaan!.
Dagaal - Ooge khaa'ina
Duulkuu rigeystee
Dagay oo wareershoo
Dalow dheer ku sii wado
Kuna yiri digtoonoow
Car yaa daya hareeraha
Dijaal soo baxaan ahay
Cuqaashaan deldelayaa
Kaan iga dambeyneeyn
Dalku waa inoo iib….! (Inj. Mohamed Ali Cibaar)
Akhristow, Somalidu
waxay tiraahdaa “nin hooyadii qorax ku jiiday, sodohdii
hoos kuma jiido” hadaba waxaa caqliga bini aadamku
aqbalikarin, Warlord-kii gabay, dayacay kuwii ay ehelka
isku xigeen (deegaankuu ka yimid) oogana soo tagay
colaad iyaga dhexdooda ah oo uu isagu sabab u ahaa.
Jahli isla-weyni iyo madax adayg laga dhaxlay
aqoondarada. Horumar-la’aan ay sababtay maamul xumadiisa.
Iska daba wareeg iyo fawdo ay sababtay aqoon xumada
Warlordka iyo garasho la-aanta danyarta. Xasilooni daro
asalkeedu yahay xukun jacayl. Diin nacayb ay sababtay
shisheeye raali gelin. Intaan iyo inkaloo lagu daray
Warlordka inta uu wax ka qaban waayay raba in uu
Maandeeq xal u raadiyo sow wax lala yaabo maahan? Soo
roob da’ay oon daruuro lahayn maaha? Soo bil sadexaad oo
lagu guuray maahan? Soo dhado roob noqon weday maahan?
Soo reer loo raray meel aan loo sahmin maahan? Soo
danyar rajo dhigtay go-aankeed maahan?. Soo jug yar jug
weyn ku bedelo maahan (warlord aan awood badan lahayn
awood u yeelid). Clan Warlord to president of Somali
republic.
Dabcan, garasho yari
hadaan Soomaali nahay waa caadadeen, dagaal ooga yaashan
daruufahan adag nabaday in aan abaal ooga dhignaa (Madaxweyne,
Ra-iisal wasaare, Wasiir, Xildhibaan) wax la dhayalsadaa
maahan. Waayo waxaan danteenii u iloownay nacaybka iyo
xumaanta aan isku qabno iyaguna nagu qulaamiyeen.
We hate each other,
because we don’t know each other! (Dr. M. Luther King)
Fiicnaan lahaydaa in
aan is waraysano, waxa aan ku dagaalamaynana is weydiino.
Fiicnaan lahaydaa danyarta ku nool Hargeysa iyo danyarta
ku nool Gar-bahaarey in ay ogaadaan in ay isku dan
yihiin, wadan kuna ka dhexeeyo. Fiicnaan lahaydaa
danyarta ree Boosaaso iyo Xamar in ay gartaan in ay isku
danyihiin. Fiicnaan lahaydaa danyarta Soomaaliyeed meel
ay joogaanba in ay ogaadaan in ay isku dan yihiin,
warlord-kana dhinac ooga soo wada jeestaan waxay u
baahanyihiina ay tahay cadaalad, sinaan iyo horumar –
liberty, justice and development. Fiicnaan lahaydaa
Warlords-ku in ay ogaadaan danbigay shacabka ka galeen,
xaqna aysan u lahayn talada Maandeeq in wax laga
weydiiyo.
Allahayoow, Soomaali ma
ooga digay Warlord-kii ree Tolkay!!
Ugu danbayn, Warlords
ku hadii ay deegaankay ka imaadeen iyo dadkii ay
sheegteen in ay u taliyaan ay kaga soo tegi lahaayeen
xasilooni iyo horumar la taaban karo, waxaa suuro gal
ahaan lahayd in aan ku aamino Maandeeq taladeeda. Balse
haduu ka yimid deegaan aysan ka jirin nabad iyo horumar
toona, sow dhurwaa hilbo u dhiibo maahan? Sow ninkii
ooda qaadi waayay ee mida kale dul saartay maahan? Sow
Aabow kan yar iga celi kan weyn ii daa maahan? Allahayow,
waxaad marqaati iiga ahaataa Soomaali in aan ooga digay
Warlord-kii ree tolkay, anaguu na siray, horumarkii
nagala dagaalamay, wuxuu ina tari waayay Soomaali in uu
taraa waa waxaan la sugeyn, waa calaacal timo ka soo
baxay, wuxuu diiday in uu ka dego xilka Warlord-ka
waxaan rayo looga qabin in uu ka dego xil kaloo Soomaali
u dhiibatay kana dhaqaale iyo qiimo badan midkuu horay u
hayay.
Mohamed M Mohamed (Yooye
Kaarshe)
Warfaa2oct@yahoo.com