Ing
Yariisoow: Shirka Nairobi Waxaa Kamaqan Danta Guud....Waraysi
Ridwaan Haji Cabdiwali -14 June 2004

Eng. Abdirahman Omar
Osman (Eng. Yarisow) |
waraysigan
waxaanu la yeelanay Guddoomiyaha Ururka Somali Concern
Group Mudane Eng. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) isla
markaana ah mas’uul sare (Team Leader) ee waaxda Guryaha,
dowladda Hoose ee galbeedka London (Ealing), wareysigiina
wuxuu u dhacay sidan:
Ridwan:
Mudane Eng. Yarisow bal wax nooga sheeg hadafka aad u
aas-aasteen ururka Somali Concern Group (SCG)?
Eng. Yarisow:
Mahadsanid Ridwan, marka hore waxaan jeclaan lahaa inaan
kaaga mahadceliyo Howshaada Saxaafadeed. Haddaan u soo noqda
jawaabta su’aasha SCG waxaa la aasaasay 3dii Juun 2003 ka
dib markii deyro iyo natiijo xumi laga soo sheegay shirka
dib u heshiisiinta oo weli ka socda Kenya iyo inay lama
huraan noqotay in Ummadda Soomaaliyeed ay u soo jeestaan
aqoonyahanadeeda meel walba oo ay joogaan una gunta xeytaan
sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo caadil ah.
Ridwan:
Illaa iyo hadda xubnaha SCG imisa ayey dhan yihiin?
Eng. Yarisow:
Ururka walow la aas’aasay sanadkii hore, haddana waxaanu ku
shaqeyneynay hab pressure group ah oo ma jirin dastuur iyo
xubno diiwaan gashan. Ha yeeshee uruku wuxuu leeyahay
taageerayaal aad iyo aad u fara badan oo waddanka gudihiisa
iyo dibeddiisaba jooga. 2dii May 2004 ayaa xubno dhan 67 ay
is diiwaan geliyeen, ka dibna ansaxiyeen dastuurka ururka oo
muddo ka badan 3 bilood ah la tashi iyo wax ka bedelidba
lala kaashaday xubnaha oo dhan. Xubnahu waa kuwa soo kordha
maalin walba oo hadda xubno kor u dhaafay 70 ayaa noo
diiwaangashan, ha yeeshee waxaan ka codsaneynaa dhammaan
ummadda Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan inay nagu soo
biiraan oo ay nagala shaqeeyaan howlaha ummadda soomaaliyeed
u yaallo oo aan runtii yareyn.
Ridwan:
Waxyaabaha aad doonaysaan in uu qabto urarkan maxaad nooga
sheegi kartaa?
Eng. Yarisow:
SCG waa dhaqdhaqaaq bulsho oo isbeddel doon ah, kaasoo
hiigsanaya dib u soo nooleynta sharafta soomaaliyeed iyo wax
u qabadka ummaddooda, iyadoo la marayo dib u abaabulidda
bulshada lana xoojinayo xirrikooda walaaltinimo laguna
wacyigelinayo qiimaha nabadda iyo dib u heshiisiin waarta
ooo dhaxalgal ah. SCG waxey u howlgeli doontaa sidii loo
heli lahaa nidaam dowladeed oo ku dhisan sarreynta sharciga,
hufnaan, karti iyo dowlad wanaag. SCG wuxuu kaloo ka shaqeyn
doonaa isu furfuridda iyo is dhexgalka bulshada soomaaliyeed,
iyadoo la xoojinayo lana kobcinayo waxyaabaha bulshada u
dhexeeya oo ay kasbatay iyo dhameystirka waxii ka dhiman.
Waxaan kaloo taageereynaa oo aan dhiiri gelinta caddaaladda,
horumarinta, nabadda iyo abuurista jawi saamixi kara horumar
joogto ah.
Ridwan:
Xiriir mala leedihiin ururada siyaasadda soomaaliyeed?
Eng. Yarisow:
SCG muddaddii yareyd oo ay jirtay iyo dadaalka weyn oo ay ka
muujisay shirka Mbagathi iyo halkan Londonba waa lala wada
socday, runtiina xirriir heer sare ah ayaan la leenahay
dhammaan ururada siyaasadda soomaaliyeed, anagoo ujeedadeenu
tahay inaan mar walba dhexdhexaad ka noqono arrimaha jira si
loo helo isu soo dhowaad iyo is afgarad dhex mara ururada
siyaasiyiinta. Sidoo kale waxaan xirriir la leenahay ururada
rayidka ah ee ka jira waddanka, hay’adaha caalamiga ah sida
IGAD, AU, EU, UN iyo waddamada qaarkood sida UK, Masar,
South Africa, Djibouti, Kenya. Dhammaan xirriirada ururka
SCG uu la sameeyey hay’adaha kale waxey nagu dhiiri gelisay
in dadaalka aan ugu jirno geediga nabbada ummadda
soomaaliyeed inaan sii kordhino. Waxaan aaminsanahay in
siyaasiyiinta soomalida aysan si hufan u isticmaalin
xirfadahooda xirriirka iyo wada hadalka, sidaas daraadeed
waxaan xoojin doonaa sidii loo yareyn lahaa is faham
la’aanta iyo wada hadal la’aanta siyaasiyiinta hadda jirta.
Ridwan:Ururkiinu
wax maka qabanayaa dhibaatooyinka haysta soomaalida ku
dhaqan UK?
Eng. Yarisow: Haa, sidaad
la socotaba ururka xaruntiisa ku meel gaarka ah waa London,
UK. Sidaad la socoto halkan waxaa ku dhaqan jaaliyad
soomaaliyeed oo aad u fara badan, laguna qiyaasay iney kor u
dhaafeen 120,000. Sidaas daraadeed waa muhiim inaan
wacyigelinta halkan ka bilowno iyadoo aan markaas wax ka
qabanno dhibaatooyinka faraha badan ee soomaalida halkan ku
heysato, sida shaqo la’aanta, guryo la’aanta, caafimaadka oo
dhalinyaro fara badan ay hadda ku jiraan isbitaalada iyagoo
xannuun la xirriira maskaxda, waxbarashada iyo
dhibaatooyinka bulshada oo ay ka mid yihiin jaadka iyo
qoysas fara badan oo aan wada degeneyn iwm. Waan
dareensanahay in la xaliyo dhibaatooyinka soomaalida ku
heysato halkan si wacyi gelinteenu ay noogu fududaato, ha
yeeshee dhibaatada ummadda soomaaliyeed marka la fiiriyo
waxaa dhib badan soomaalida gudaha joogta, isla markaana ka
war dhowrayo wallaalahood nasiibka u helay inay dibedaha ku
noolaadaan.
Ridwan :Malaga
yaabaa in uu ururkan noqdo sida kuwo badan oo gadaal lagu
kala dareero?
Eng. Yarisow:Sidaad
la socoto ururkan waxuu shaqeynayey muddo sanad ah isagoon
markii hore laheyn dastuur iyo xubno diiwaan gashan. Waqti
dheer iyo la tashiyo fara badan ka dib, waxaa noo suurto
gashay inaan dastuur u sameynayo, isla markaana ay jiraan
xubno diiwaan geshan. Ma filaayo in SCG uu la mid noqdo
ururada aad qiyaaseyso, waayo ururka SCG si laablakac ah
laguma dhisin oo waqti dheer baan ka fikireynay. Habka aan
rabno inaan ku shaqeyno waa hab ka duwan hababkii hore loo
bartay oo waxaan sameeyney guddi howleedyo, sida xirriirka
caalamiga, arrimaha bulshada, arrimaha wacyigelinta,
qorsheynta iyo dhaqaalaha oo dhammaan xubnaha ay la shaqeyn
doonaan guddi howleedyadaas, tanoo aniga iyo guddiga
fulintaba noo suurto gelineyso inaan hab istaraateji fiican
leh ugu qorsheyno howlaha ururka. Runtii anigoo ku kalsoon
guddiga fulitna iyo xubnaha ururka waxaan aaminsanahay inaan
waxqabad dhab ah u soo jeesanno, ujeedadeenuna ay tahay
sidii ururka uu u noqon lahaa mid jira, haddaan wax
qabakeena yareynana ay xubnuhu nagula xisaabtamaan, anagana
aan aqbalno inaan xilka iska wareejino haddii waxqabadkeenu
wiiqmo. Marka aad baan ugu kalsoonahay in ururka SCG uu
noqdo mid sii jiri doono.
Ridwan: Ma
jirtaa caawimaad aad heshaan oo hayado kale ay idinku
taageeraan?
Eng. Yarisow:
Mudadii ururka uu jiray waxaan ku guuleysannay inay xubno
fara badan ay tagaan Kenya si ey uga qeyb qaataan dadaalka
geediga nabadda arrimaha soomaaliyeed, taasoo kharash badan
uu ku baxay. Nasiib wanaag kharashkaas oo dhan waxuu ahaa
mid ay xubnaha safray iyo taageerayaasha ururku bixiyeen.
Mudadii Kenya la joogay ayaa waxaa noo suuro gashay inaan
qabano xaflado fara badan oo ay ka mid ahaayeen 1da Luulyo
2003, xaflado lagu sii sagootinayey safiiradii Mareykanka, &
Masar. Xafladdii maalinta nabadda adduunka 21kii September
2003, xaflad loo qabtay Mario Rafaelli , wasiirka arrimaha
dibedda ee Talyaaniga iyo xaflado gooni gooni loogula
hadlayey mas’uuliyiinta soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamka
ee ku sugnaa Nairobi.
Kharashkaas
waxaan kaalmo ka helnay oo aan mar walbo ka codsaneynay inay
qeyb ka qaataan maalgelinteeda mas’uuliyiinta soomaalida,
hay’adaha caalamka iyo taageerayaasha SCG. Sidoo kale SCG
waxey ka qeybgaleen shirkii IGAD ee ka dhacay Kampala 22-24
Oktoobar 2003. Waxaa kaloo SCG u suurto gashay inay Abwaan
Hadrawi ku casuumaan London oo ay nagala qeyb qaateen ururka
KAAH. SCG waxey aaminsantahay inay lama huraan tahay in
Soomaalidu ay iyaga isku tashtaan ha noqoto kharash ama
kaalmo kaleba. Waa run mashruuca na horyaallo waa mid
dhaqaale u baahan, guddi howleedka qorsheynta iyo dhaqaalaha
ayaan ka sugeynaa inay mar dhow na soo hordhigaan
qorshahooda iyo sidii lagu heli lahaa maaliyadda loo
baahanyahay. Marka illaa iyo hadda waxaan ku tashanaa
kaalmada xubnaha ururka iyo taageerayaashiisa.
Ridwan:
Fikirkaaga ku aadan shirka dib u heshiisiintu muxuu yahay?
Eng. Yarisow: Falalka siyaasiyiinta ama
mas’uuliyiinta shirka u fadhiya Nairobi ma aha mid aan ku
qanacsanahay oo waxaa ka maqan aragti dheer iyo fikir ku
aadan danta guud ee ummadda soomaaliyeed oo runtii aad u
dhibaateysan. Waxaan aaminsanahay in rabitaankooda ka mid
noqoshada dowladda la dhisi doono ayaa ka xoog badan tan
danta guud. Shirku waxaad moodaa inuu bilowga ka habaabay,
marka dhameystirkiisana uma muuqato mid kalsooni ku abuuri
kara ummadda soomaaliyeed.
Dadka qaar
baa aaminsan in dowlado shisheeye oo kaliya lagu heli karo
dowlad iyo nabad, ha yeeshee aniga fikirkeyga aad buu uga
duwan yahay oo marna ma qabo inaan sugno dowladdo shisheeye
iney wax noo qabtaan. Haa kaalmo waa laga rabaa caalamka,
laakin iney noo sheegaan sidaan ku heshiin laheyn ma qabo.
Dadaalku wuxuu ku wanaagsanaa in marka hore lagu soo
heshiiyo sida loo rabo in nabad iyo dowlad lagu helo.
Tusaale ahaan hadii la isku raaco in beel loo qeybsado
baarlamaanka iyo talada guud (walow aan aniga aad uga soo
horjeedo) waxey ku fiicneyd in beel walba soo shirto oo ey
keensato mas’uuliyiin oo hoos laga soo bilaabo, si ey u
fududaato in wadahadalku uu yeesho qorshe cad oo loo wada
jeedo natiijada. Laablakac iyo qorshe xumo ma lagu dhisi
karo qaran soomaaliyeed. Waxaana loo baahanyahay ururo
soomaaliyeed oo sideena oo kale ah si aan u wada kaashano
habka ugu habboon ee aan ku soo afjari karno dhibaatooyinka
jira.
Dhamaad.
15/3/2004
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
London, UK.
ridwanhaji@yahoo.com