Daraasad
Gaaban Oo Ku Saabsan Dhibaatooyinka Soomaaliya Iyo Xallintooda
Annaga, oo ah aqoonyahanada
soomaaliyeed oo halkaan hoose ku saxiixan, waxaan baarnay xaaladda
soomaaliya. Waxaa hallaabay wax aan la koobi karin, hase yeeshee waxaan
in yar ka soo qaadanay qodobada halkaan hoose ku tixan:
· CUDURRADA SIYAASADDA
SOOMAALIYA
Dalka soomaaliya waxaa ka dhashay
cudurro siyaasadeed wax lagu tilmaami karo oo wixii ka dambeeyey
sanadkii 1969kii marba marka ka dabeeysana soo xoogaysanayay ilaa ay
keeneen burburka dawladdii dalku lahaa jiray sanadkii 1991dii, haddana
sii laba kacleeyeen markii fowdo durdurineysaa dalkii oo dhan jibaaxday.
Cudurradaas waxaa ugu waaweyn damaca waalan ee madaxtinimo; danaha
shisheeye oo ku qasmay kuwii qaranka; qeybsanaanta dadweynaha
soomaaliyeed; garaad la’aanta shacbiga; hanti shisheeye oon dalka aallin;
islaamka oo kooxo loo kala yeelay; colaad diinta loo qabo; dowlado
siyaalo kala duwan wax u raba; fashilkii UNOSOM ku dhacay; shakigii
adduunku arrintaan dambe ka qaaday; hubka dadweynaha gacanta u galay;
go’aan loo wada dhanyahay iyo qaar kale.
Haddii midba mar lasoo qaado, lana
fiiriyo bal wixii daawo u noqon kara waxaa soo ifbaxaaya arrimaha
halkaan hoose ku tixan:
1. DAMACA WAALAN.
Markii la qaatay dawladnimadii ugu
horreysay waxaa xibnihii xukuumadda iyo kuwii baarlamaanka laga dareemay
isbeddel dhaqaale iyo mudnaan bulshadeed oon horay loo aqoon, waxaana
arrintaasu abuurtay maseyr ku dhacay rag fara badan, oo indhahoodu
qabteen rag aan aqoon ama caqli ka badneyn, oo bulshada dusha uga baxay,
taasuna waxay keentay in qofkii doonaaba tartan u galo jagooyinka
sarsare ee dawladda. Waxay noqotay in xoolo iyo laaluush lagu bixiyo
doorashada xibnaha golaha shacbiga, qabiilna leysugu habar wacday,
taasoo aakhirkii keentay in leysku dilo.
Damacaasu wxuuu saameeyey madaxdii
ciidamadii qalabka siday, oon ku qancin inay ka amar qaataan raggii ay
laftoodu ugu soo shubeen waraaqaha beenta ah. Dareenkaasu wuxuu
dhaqaajiyey hawooshadi, keentay afgambigii 21-kii Oktoobar, oo askarti
kula wareegeen awooddii dalka, kadibna waxaa la galay tartan nooc kale
ah, in wax kasta lagu raalli geliyo odaga meesha heysta,
halkaasoo uu ka sameysmay kalitalis aan
soohdin lahayn, sharcina ay noqdeen wixii odagu jecelyahay, ilaa la
gaaray xad adkeysimihii dhammaadeen, gacantana laysula tegey ayadoo ugu
dambeyntii dagaal sokeeye ku dhex jajabtay dowladnimadii oo dhan.
Halkii aan sharci ka jirin qofku wuxuu
isku aaminaa hubkiisa iyo xooggiisa ama kaligii ama koox ay xigto isu
yihiin, taasuna waa midda keentay dadka wada hubeysan iyo kooxaha oo
dalkaan geys walba fadhiya, si caqli la’aan ahna marba meel isugu laaya.
Hor iyo dib waxaa dadka caqligiisa ka
baxday in hawl waluba leedahay dad yaqaan iyo in loo baahan yahay dad
nadiif ah, daacadna ah; waxaana la runsaday in qof kastaa hawl kasta
qaban karo, qof xun iyo qof san aysan kala jirin; halkaasna waxaa ka
yimid jahawareer hawl kasta oo Qaran la socon weyday, qarannimadii
lafteediina ku luntay, ayna hadda adag tahay in dib dambe loo dhiso.
Markay caadyaal noqotay in hawshii
qaranku hallawday waxaa billawday ishaaraan dhalliishiisu culustahay,
kadibna waxay ka maarmi weyday in qabiil lala kaashado, dibadeedna leys
laayo, taasoo keentay inaan qofna waxba helin, wax kastana baabe’een.
Intaasoo dhan waxaa ka sii foolxun in
shisheeye la miciinsado, oo loo noqdo dabadhilif, ayadoo leyska iloobay
inaan dawladu cidna u adeegeyn aan danteeda aheyn, laakiin ay rejo
dhalanteed ah ku adeegsan karto qof ama koox dadkoodii ka soo lumay;
waana arrin caan ku ah taariikhda adduunka in dawladuhu sameystaan
adeegayaal loo dirsado waxyeelleynta dalkooda, markii laga dhammeystana
la khaarijiyo.
Waxgaradku waa ogsoon yahay in aan
damaca xad-dhaafka ah la aqbali karin iyo inuu yahay khasaare aan
astaahilin in la taageero, ayna waajib tahay in laga digtoonaado
leyskana maareeyo ayadoo loo dhan yahay, maxaa yeelay cidna kheyr u
keeni mayo, lamana daaweyn karo.
2. DANAHA SHISHEEYE.
Laga soo billaabo qarnigii 19aad
bartamihiisii dawlado shisheeye ayaa si kala duwan u daneynayay dalka
soomaaliya. sanadkii 1884kii waxaa shir ka dhacay magaalada Baarliin
lagu qeybsaday soomaaliya, oo la gumeystay ilaa kaddib dhammaandii
dagaalkii labaad Jamciyadda Qaruumaha Midoobay, ay qaar soomaalida ka
mid ah xurnimo siisay, halka qaar kalena aysan nasiibkaas yeelan. Ha
noqoto waqtigii Soomaaliya dawladda ahayd, hase noqoto wixii ka
dambeeyey burburkii dhacay sanadkii 1990kii weli ma harin in dawladaha
adduunku, kuwa fog iyo kuwa dhow intuba, siyaalo kala duwan u
daneynayaan arrimaha Soomaaliya. Taasu waa midda ka dambeysa inay 14
shir oo leysku deyay in soomaalida la heshiisiiyo ay dhammaan u socon
waayeen aanna laga gaarin wax horumar ah, inkastoo masuuliyadda inteeda
badan soomaalidu leeyihiin, ayagoo fekerkooda ku saleeyey waxyaalo
raqiis ah, oo ka indhasaabay danihii guud ee qarannimo.
Mar haddaan xaaladda noocaas ah waxba
ku hagaageyn waxaa la gudboon dawladaha arrimaha soomaaliya faraha kula
jira inay wax ka beddelaan dhaqankooda ayna yeeshaan xilkasnimo ay ku
heshiiyaan inay dhulka ka qaadaan xigtadooda dhibaatadu haysato, ayna
saaxiib ka dhigtaan qaran nool oo shaqeynaya, kalkey ka shaqeyn
lahaayeen qeybsashada burburka.
Taasu haddii ay dhici weydo soomaalida
ayaa laga rabaa iney gartaan waxa dantoodu ku jirto, ayna tashadaan
wadajirna ugu dhaqaaqaan wixii ay uga bixi lahaayeen gunnimada iyo
baryaha marba dalka dibadda ah loogu yaacayo, la cilaaqtamayo, loo kala
baxayo kooxa shisheeye kala taageersan, kaddibna la kala tegaayo ayadoo
la sii kala fogaaday, ilaa goormaa waxaas la wadayaa, yaase danu ugu
jirtaa? Sidaas waxaa uun ku lumaya dadnimadii, islaannimadii,
waddaninimadii iyo xataa qofnimadii!
3. QEYBSANAANTA UMMADDA
SOOMAALIYEED.
Waa cudurka ugu daran ee na heysta..
dawladnimo waxaa saldhig u ah shacbi, oo macnihiisu yahay qabiillo
midowbay, oo yeeshay una shaqeynaya dano isku mid ah; laakiin intaan
qabiilladu garan iney wadaagaan dano aan qeysami karin oy ugu waaweyn
yihiin: wax la qeybsiga shucuubta kale, waxbarashada, caafimaadka,
waddooyinka, biyaha, korontada, lacagta iyo iwm, iyo inaan kala
qeybsanaan lagu gaari karin; intaan sidaas la fahmin dawladnimo la gaari
mayo, adeegyada kalena la arki mayo, maxaa yeelay qabiil waxba gaar uma
sameysan karo; waana soo marnay inaan qabiil dawlad ahaan karin,
qabiilna dawlad noqon karin! Marka caqli ma ahan in aan fikrad shaqeyn
kari weyday dul fadhinno, oon ku xiiqno iney shaqeyso; ayadoon ogsoon
nahay inay nala gudboon tahay inaan wada-shaqeyn oo kali ah dowlad ku
noqon karno iyo in ciddii qabata xilkeeda laga rabo iney dadkoo dhan
isku si ugu adeegto, oon xigtanimo ama eex laga dareemin hawshiisa.
4. SAAXIIBBO TAARIIKHEED.
Dhibaatooyinka liidashada dahqaale iyo
colaadaha sokeeye waa mid ay wada qabaan dawladaha soo koraaya, gaar
ahaan kuwooda goor dhow xuroobay, laakiin waxaa kala duwan xariirka u
dhexeeya dowladihii dalka horay u xakumi jiray iyo kuwa dhaxlay, oo
midda cusubi u baahan tahay in tii hore gacanta ka hesyo, weliba markay
khatar gasho. Soomaaliya waxay weyday kaalmihii dowladihii xariirka
taariikheed la lahaan jiray, ayadoo aragtiyo kala duwan lagu kala tegay,
markii madaxdii soomaalidu u leexdeen xagga dawladaha hantiwadaagga,
taasoon waqti dheer sii jirin lafteedu, keentayna in soomaalidu dhexda
ku luntay.
Mar haddii khibraddaas la soo dhaafay,
waayo-aragnimana laga korosaday waxaa dhinacyada la gudboon iney dib ugu
laabtaan xariirkoodii taariikheed, taasoo haddii si wanaagsan looga
shaqeeyo keeni karta in Soomaaliya dawlad loo dhiso, saaxiibna laga
dhigto. Dowrkaas waxaa laga sugayaa dawladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga,
haddey daneynayaan iney gobalka saaxiibbo ku yeeshaan. Dawladaha carbeed,
si kastoo ay ugu mushquuleen arrimaha Falastiin iyo Ciraaq, ayagana
waxaa weli laga sugayaa dowrkii ay arrinta soomaaliya ka qaban kareen,
haddey tahay Jaamacadda Carabta ama dawlad kasta gaarkeeda,
5. HUBKA.
Hubka dagaal waa ibtilada ugu weyn ee
ku dhacday dalka soomaaliya. ugu horreyntii asigaa loo adeegsaday
boobkii xukunkii madaniga ahaay 1969kii, markii ciidamada qalabka sidaa
xoogeen awooddii dalka, xirxireen dawladdii rayadka, kaddibna
cabburiyeen codka dadweynaha, ilaa ay mararkii ugu dambeysay ugu
dhaqmeen leynta shacbiga iyo burburinta hantidiisa.
Haddana markii leysu wada qaatay waxaa
loo dhammeeyay dawladnimadii oo idil iyo dad iyo duunyuo wixii meesha ku
noolaay. Waqtigaan la joogo waxaa lala hor taagan yahay in heshiis la
gaaro, si dalka dawlad loogu sameeyo, maxaa yeelay waxaa ku xiran awoodo
aan caqli iyo dana guud ka shaqeyneyn, cid looga turayo ama looga
xishoonayana aysan jirin, waxaana si joogta ah loogu gumaadayaa ummadda
iyo hantideeda, ha noqoto mid kooxo haystaan ama burcad qabiillo ku
daaban, oon cidna ka amar qaadan.
In dalkaan dawlad laga dhiso waxaa ka
horreysa in hubkaas la xereeyo, oo la geeyo meel ammaan ah, ayadoo ama
xoolo la siisanayo ama xoog lagu muqiinayaayo ama labada oo wada jira
loo adeegsanaayo. Si kastaba ha ahatee, laga samata bixi mayo haddaan
loo dejin qorshe caalami ah oo si dhab ah loo hirgeliyo. Waa
wanaagsanaan lahayd in kooxaha hubeysanu ka gaaraan heshiis hubka looga
badbaado, laakiin taasu ma muuqato, ugu yaraan, waqti dhow, sida laga
oddorasi karo jawiga guud ee siyaasadda cakiran. Intaasu waxay na
tuseysaa inay tahay lagama maarmaan in arrinka hubka laga gaaro go’aan
caalamku wada hawl geliyo, oo qalabkaas lagu arruriyo laguna ilaaliyo,
mar haddaan soomaalidu kaligeed talo iyo tabar u heleynin. Si kastaba ha
la yeelee, dowladdu kama dhismi karto dhul waxaasoo hub ah lagu hesyto,
suuragalna ma ahan in laga fekero in si raalli ah loogu dhiibo dawladda,
hadiiba,la dhiso. Waxaa laakiin suuraggal ah in la hormariyo dhismaha
dawladda, kaddibna lagu taageero sidii ay dalka u hanan lahayd, ayadoo
la siinaayo taageero xoog leh xag siyaasadeed iyo xag dhaqaale intaba.
6. MOWQIFKA JAMCIYADDA
QARAMADAMiDOOBAY
Wixii ka dambeeyey sanadkii 1994kii,
galka soomaaliya waa iska yiillay xafiisyada JQM, mana jirin cid
dhaqaajisay wixii ka dambeeyey Butrus Gaali. In arrinta Soomaaliya
dhabarka loo jeediyo, maxaa yeelay waa adag tahay, waxay ceeb weyn ku
tahay masuuliyadda Jamciyadda, waxayna dhaawaceysaa xilkasnimada
hoggaamiyeyaasha.
In badan waa la sameeyey go’aanno iyo
tusaalooyin, laakiin arrinta soomaaliya ku dhammaan meyso hadal afka
laga yiraahdo ama xaashi lagu qoro, ee waxay u baahan tahay rabitaan,
hawl iyo dhaqaale fara badan, oo u dhigma culeyska arrintu leedahay.
Go’aannada xayiraadda hubka, oo la jebinaayo ayadoo la arkaayo aanna
waxba laga qabanayn dhaafsiisan kormeer, iyo hawlaha samafalka xafiiska
Nairobi waxweyn tarimaayaan soomaaliya. Dawladaha iyo shakhsiyaadka kor
taagan in soomaaliya isbeddel ka dhaco ka baqi maayaan ciqaab uga
timaada JQM, oo waxay ogsoon yihiin inaan wax dhab ahi jirin meesha.
Sidaas darteed, waxaa talo naga ah iyo codsi in Jamciyaddu la wareegto
arrinka soomaaliya, ayna u sameyso go’aan iyo qorshe waxtar leh, oo
looga bixi karo jahawareerka muddada dheer lagu soo socday.
In la dhiso maxkamad ka shaqeysa
dambiyadii dalkaan ka dhacay waxay xooji kartaa dadaalka loo galo
xallinta arrimaha murgay ee dadka soomaaliyeed iyo guud ahaan cadaaladda
adduunka. Si kasta ha ahaatee, ma muuqato cid kale oo tabar iyo talo u
heli karta arrinka soomaaliya, oon aheyn Jamciyadda Qaramada Midoobay.
7. (CONSENSUUS) AAN QOFNA
KHILAAFIN.
Konsensuus ama go’aan loo wada dhan
yahay, oon ciduna khilaafin laguma shaqeyn karo markii dhinacyada
xaajoonayaa badan yihin. Waa suuragal in laba ama saddex dhinac gaaraan
“Consensus”, laakiin dhinacyada soomaalida oo kor u dhaafaya 40 ma
suuroobi karto inay kulligood wax isku wada raacaan, weliba marka laga
hadlaayo wax fara badan.
Arrintaasu ma ahan mid adduunka looga
dhaqmo, mana suuroobi karto in lagu guuleysto shir ballaaran oo
dhinacyadiisu wada haystaan codka diidmada qayaxan (Veto) haddii weliba
lagu kordhiyo kalsooni la’aanta ka dhex jirta hoggaamiye kooxeedyada
soomaalida. Waxaan laga maarmeyn in la sameeyo hab lagu gaaro aqlabiyad
go’aan ka imaan karo, si looga samata baxo in shir kasta hal dhinac
diidmo ku hor istaago, ama shirka ka baxo si aan meesha waxba uga dhalan,
looguna dhaqmo hubka la magac baxey” looma dhama”. Laakiin ama ha lagu
gaaro “Consensus” ama aqlabiyad, go’aan soomaalidu gaarto ma shaqeyn
karo haddaan adduunku si dhab ah u taageerin, maxa ayeelay ma jiraan
karti iyo dhaqaale soomaalidu kaligood wax ku qabsadaan. Sidaas darteed
waxaan ku talineynaa in shir soomaaliyeed laga horreysiiyo in leysla
meel dhigo barnaamijka ku saabsan sidii adduunku u kaalmeyn lahaa
ummadda soomaaliyeed, lana dhiso xafiis arrimaha dhadhaqaajiya
“mechanism” ilaa laga dhammeynaayo barnaamijkooda, lana taagayo dawlad
soomaaliyeed.
Markaas kaddib, waxaa loo baahan yahay
in la qabto shirweyne soomaaliyeed, oo degmooyinka iyo goballadu
dhammaan usoo dirsadaan wakiillo ay soo magacaabaan odayaasha beeluhu,
kana kooban ikhyaarta kala ah culumada diinta, aqoon-yahannada,
hoggaamiye-dhaqameedyada iyo qaybaha kaloo bulshada. Markii dadkaasu
dhisaan dawlad ku meelgaar ah, ayaa caalamku u hawlgelayaa hirgelinteeda
ilaa ay kaligeed shaqeyn kareyso; taasoo loo bahan yahay inay nadiif ka
ahaato cudurrada: qabyaaladda, eexda, musuqmaasuqa iwm kuwaasoo
dhaawacaya taabbagalka qarannimada, sidey tii horaba u galaafteen.
SOO-KOOBID.
Markii leysku soo duubo talooyinka
diraasaddaan ku jira waxaa loo
baahan yahay inta halkaan ku xusan:-
I) In ugu horreynta
soomaalidu la timaado rabitaan dhab ah iney taagaan qarannimadoodii
luntay, ayagoo ka xuroobaya danaha shisheeye iyo kuwa gaar ahaaneed,
nadiifna ka ah jirrooyinka bulsho oo kor ku tilmaaman.
II) In Jamciyadda
Qaramada Midoobay oo la kaashaneysa bulsahda kalee adduunku si dhab ah u
qaabilaan mushkiladda soomaaliya, ayadoo loo sameynayo barnaamij isugu
jira taakuleyn siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshadeed, fiiro gaar ahna loo
yeesho arrimaha garsoorka la xiriira wixii dalkaan dambiyo ka dhacay mar
haddii urur gobaleedyadu ku guuleysan waayeen xallinta dhibaatada
soomaaliya.
III) In xoogga la saaro
sidii hubka dagaal looga aruurin lahaa dalka oo dhan kaasoo ah dhibka
ugu weyn oo hortaagan in dawlad dalka laga dhiso, marka horana sabab u
ahaa burburintii diimoqraadiyaddii iyo dawladnimadii dalka.
IV) Xallinta iyo
taabbagelinta arrimaha soomaaliya waa in lala kaashadaa maskaxda
soomaaliyeed, qayb kastaba, dadka aqoonta u leh, maxaa yeelay dal lama
hagi karo aqoon la’aan, dawladuna ma socon karto cilmi la’aan.
V) Soomaalida waa inaan
loogu simin xallinta iyo ka shaqeynta arrimahooda taasoo ay horayba ugu
fashilmeen, waana in la sameeyo faragelin waxtar leh, laakiin isla
markaas waa in laga joojiyaa fargelinta dhibaatada wadata ee dibadda uga
imaaneysa ama ay ayagu adeegsanayaan.
WABILLAAHI TOWFIIQ
Saxeexayaasha.
- 1-Dr. C/llaahi Macallim. Qareen.
- 2- Dr. C/llaahi cosoble. Garsoore.
- 3- Prof. faarax Axmed Cumar.(Qare)
Guddo. Jaamicada Xamar.
- 4- Sh. C/Raxmaan Xuseen Samatar.(
Abuxamsa) Qareen.
Warbixintan oo ay Qalinka u
qaateen Aqoonyahano Somaaliyeed oo ay ugu hadlayaan bal sida ay iyaga
ula muuqato Xaalada Murugsan ee Dalka Somaliya ee ah Dalka ay u dhasheen
ayaa soo gaarsiiyay Warbixintan Wakiilka Somalitalk ee Muqdisho Abdi
Wali Ibraahim Aaden “Garyare”
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com