Alle ha U Naxariistee
Shalay Galab waxa Geeriyooday Suldaan-kii Nabada Ee
Somaliland Suldaan Mohamed Suldaan Farah oo Ahaa Nin
Door weyn ka Ciyaaray Nabadda Iyo Horumarka Somaliland
Suldaan Mohamed Suldaan Farax waxa Lagu Xasuusan Doona
isku Keenistii Maleeshiyooyinka Hubaysan Ee Hargeysa
Sanadii 1994 ...
Suldaan Mohamed Suldaan Farax oo Beelweynta ARAB ee
Degta Koonfurta Hargeysa Ilaa Ethiopia Suldaan Guud u ah
..waxa Uu Taladda Suldaanimo uu hayey 60 Sanadood ..waxa
Uu Ahaa Nin haybadd leh oo Umadda Somaliyeed oo DHan ay
Ku Taqaanay Nabad u Olloleeyen waxa Uu Ahaa Hogaamiye
Nabadeed .

Sawirka Suldaanka
Geeriyooday ..Midig-ninka Taagan Actor-ka Reer
Scotland,iyo ninka Fadhiya Wiil-ka Suldaanka
Geeriyooday uu Dhalay ee Loo Caleema Saaray
Suldaanimadda Maanta |
Suldaan Mohamed Suldaan
Farax waxa uu ka Geeriyooday Bahada Jecel Nabada iyo
Horumarka .
Hadaba Suldaan Mohamed
Suldaan Farax .oo wax laga waydiiyay xaaji Cabdi waraabe
oo ah Isaguna Hogaamiye Nabadeed Oo ka Tirsan Golaha
Guurtidda Hargeysa Ayaa Yidhi wuxuu ahaa Nin daacadda ..Anigaa
qoray Ciidamadda . isagoo 17 jir ah ..xaaji Abdi waraabe
waxa uu ku tilmaamay Nin Nabad Jecel.
Alle ha u Naxariistee Suldaan Maxamed waxa shalay galab
uu ku geeryoodey gurigiisa, magaalada Hargeysa, isaga
oo 83 jir ah, kadib markii uu in muddo ah u jiifey
xanuun. Waxa uu ahaa suldaanka ugu Faca-Weyn Uguna
da'da weyn saldanadaha Somalida , isaga oo ka dhaxlay
aabihii Suldaan Faarax.
Aaska Marxuumka waxaa ka
qaybgalay Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Riyaale
Kaahin iyo Kuxigeenkiisa, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,
Madaxda Saddexda Xisbi, mudanayaasha labada gole ee
Baarlamaanka, Wasiirro, Salaaddiinta beelaha Somaliland
iyo dadweyne aad u fara badan.
Madaxweynaha Somaliland
mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa tacsi u diray qoyskii,
eheladii iyo Ummadda Somaliland geerida ku timi Marxuun
Suldaan Maxamed Faarax.
Dhinaca kale, waxa isla
galabta loo caleema-saaray suldannada uu ka baxay Alle
ha u naxariistee Suldaan Maxamed, wiilkiisa Cumar
Suldaan Maxamed Suldaan Faarax. waxaana damaashaadka
suldaanka cusub laga dareemay magaalada Hargeysa oo lagu
soo wareejiyey suldaanka la caleema-saaray oo lagu
gelbinayey baabuur fara badan.
Qore: abdiaziz ahmed
abdiaziz2@hotmail.com
SomaliTalk | India
<><><>
Abshir cadami
oo Ku Geeriyoodey Boosaaso
TACSI
Waxaan tacsi u direynaa eheladii iyo qaarabadii uu ka
geeriyoodey (Abshir cadami) marxuumkaas oo ku
geeriyoodey magaalada Boosaaso taariikh markey aheyd
8.06.04 anaagoo kale ah.
- 1 Ahmed cali
kaarad (koongo)
- 2. Mahamed cali
baasnood
- 3. Diiriye salaad
xidig (Duceysane)
- 4. Idiris mire
saalax
- 5. xuseen
cabdiraxmaan Daarood
- 6. C/risaaq muuse
cabdulaahi
- 7. Suudi salaad
Ahmed.
wexeyna ilaaheyn iga
rajeynayaa marxuunka inuu janadii fardowsa digaan uga
dhigo. Eheladiisii iyo qaraabadiisiina uu samir iyo
iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin aamiin.
Walaal osman intaan
ayaan kaa codsanayaa inaad iigu qortid website hadaad
awoodid haddii aad codsigeygaan ii tixgelisana waan
kaaga mahadcelinayaa si wanaagsan. Waad mahadsan tahay
walaal.
Qore: ahmed
kaarad
Boosaaso, Soomaaliya