IGAD iyo IPF-ta oo la kulmidoona beelaha Soomaaliyeed
maalinta Isniinta,kulankaasoo ka danbeeyay..........
....
Qoraal ka soo baxay maanta
Xafiiska Dhaqanka iyo Saxaafadda ee xerada Mbagathi, ayaa
waxaa qoraalkaas lagu shaaciyay in maalinta isniinta ah ee
14ka Juun 2004ta, Deeq bxiyaasha iyo Guddiga Howl Fududeenta
ee IGAD,ay kulan la yeelandoonaan Qabiilada Somaliyeed.
Kulanka la filaayo in ay
maalinta isniinta ay yesheen Deeqbixiyaasha iyo Beelaha ayaa
waxa yaabaha loogu hadlaayo ayaa waxa ugu weyn sidii qabiil
walba uu u soo bandhigi lahaa liiskii magacyada ee beel
kasta uga mid noqon lahaa Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo
shirguddoonkoodaba.
Sidoo kale kulaan ayaa
waxaa horay u codsaday qabiilada Somaliyeed, sida uu maanta
ii xaqiijiyay mid ka mid ah mas'uuliyiinta sar sare ee
IPF-ta , oo isagu codsaday in aan magacaiisa shaacinin.
Guddiga Fududaynta IGAD iyo
IPFtu la kulmi doonaan beel walba oo iyadu ku sugan
College-ka Mbagathi maalinta Isniinta ah,si loo helo fursad
ay kuwada hadlaan deeqbiyaasha iyo qabiilada.
....Goobta.... Waqtiga
Hawiye .....Admin.
Hall ....11.00 a.m.
Daarood .....Main
Conf. Hall .....12:00 pm
Digil -Mirifle
.....Student Center. .....2.00 p.m.
Dir .....Twiga
.....3.00 p.m.
Beesha .....5aad A5
.....4.00 p.m
Waxaana Hoggaamiyaasha
siyaasadda , siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha dhaqanka ee
beelaha laga codsaday inay ka soo qaybgalaan kulankaasi oo
aysan jirin cid ka maqnaato , Cid walba oo wax tabanaysana
waa ay IFP-ta iyo IGAD horkeentaa.
Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin) Nairobi,Kenya
nasrudiin5@hotmail.com