SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo hareereeyey Magaalada Buuhodle Ee Xarunta Gobolka Cayn

  • Mucaaradka Itoobiya oo  ku baaqay in xukuumadda la rido

  • Qoxooti Ereteriyaan ah oo xadka laga raray.

  • Wadamada xaga warshadaha ku hor maray oo isku raacay in ciidamo nabad ilaalin ah loo sameeyo Afrika.

  • Banaamujii aragtida halgamaaga oo aanu kaga hadli doono taariikhaha gumaystayaasha iyo suugaan halgameed. 

Ciidamo Itoobiyaan ah oo hareereeyey Magaalada Buuhodle Ee Xarunta Gobolka Cayn 

War aanu ka soo xiganay boga Qoraxay Online, ayaa sheegaya in ay soo galeen gudaha magaalada Buuhoodle Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan .

 Ciidamadan oo ka soo kicitimay dhinaca magaaladda wardheer ee Gobolka Doollo, ayaa markii ay soo galeen isku xeeray gabi ahaanba magaaladda iyagoo go’doomiyey dadkii reer baadiyaha ahaa ee ka caraabijiray magaaladda. 

 Wararku waxay intaasi ku darayaan in mudo markay korfadhiyeen ay soo galeen gudaha magaaladda qaar ka mid ah askartaasi, waxayna durbadiiba shir la yeesheen rag soomaali ah oo la tuhun san yahay in ay u joogeen Ciidamada Itoobiya magaalada Buuhoodle, kuwaasoo warbixin dheer ka siiyey xaaladda magaalada iyo guud ahaanba Gobolku waxa uu ku sugan yahay, iyo weliba  meesha xaalmarayo, kadibna waxayna ciidamadaasi calanka Itoobiya iyo kan kililka ka taageen dhinaca Galbeed ee magaaladda. 

 Lama sheegin wax dhibaato ah oo ay ciidamadaasi gaysteen, hase yeeshee waxaa lagu soo waramayaa in dadkii halkaasi ku sugnaa ay argagax iyo cabsi ku abuurtay soo galida ciidamada Itoobiya. 

 Magaalada Buudoodle oo ku taal xadka Ogaadeeniya iyo Soomaaliya,ayaa tan iyo bur burkii soomaaliya aysan ciidamada Itoobiya si cad u degin halka ay manta calanka sudheen.

 Mana aha markii ugu horaysay oo ay ciidamo Itoobiyaan ahi si kadis ah ku soo galaan Gudaha magaalada Buuhoodle. Waxayna sidan oo kale ku soo galeen magaalada Buuhoodle dabayaaqadii sanadkii aynu soo dhaafnay, iyagoo ka qafaashay dad shacab ah oo mudo dheer ku xidhnaa magaaladda wardheer. 

 Ugu dambayntiina Ciidamadaan ayaan wax faahfaahin ah laga bixin soo gelidooda mana jiraan wax cid ah oo ay la hadleen marka laga reebo qaar lagu tuhunsan yahay in ay iyaga halkaas u  joogeen oo ay ka waraysteen xaalada magaaladu  ku suganthaay. 

Mucaaradka Itoobiya oo  ku baaqay in xukuumadda la rido. 

Kumanyaal ka mid ah taageerayaasha ururrada mucaaradka ah ee Itoobiya ayaa bannaanbax ay sameeyeen ku baaqay in loo midoobo sidii xukunka looga tuuri lahaa xukuumadda hadda Itoobiya ka talisa, waxayna codsadeen in lagu dadaalo sidii doorashada soo socota ay u noqon lahayd mid u dhacda si cadaalad ah, isla markaana ayna dawladu ku shubanin. 

Bannaanbaxan waxaa soo qabanqaabiyay ururka UEDF, oo ah urur ay ku midoobeen 15 xisbi oo mucaarad ah, kaasoo sannadkii hore loo sameeyay inuu talada dalka kula tartamo isbahaysiga EPRDF ee hadda xukunka itoobiya gacanta ku haya.

Madaxwaynaha ururka UEDF Dr. Merera, oo bannaanbaxayaasha la hadlayay, ayaa dadwaynaha Itoobiya ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay maamulka Addis Ababa u ridi lahaayeen. Wuxuuna taliska Addis Ababa ku eedeeyay inuu ku guul darraystay siyaasada horumarinta, isla markaana uu Itoobiya u horseeday saboolnimo iyo nabadgelyo xumo. 

 Qoxootiga Ereteriyaan ah oo xadka laga raray. 

 Kumanyaal qoxooti ah ayaa laga raray xeryo sanka ku hayay xadka ay Ereteriya la wadaagto Itoobiya, sidaas waxaa horraantii toddobaadkan sheegtay hay’ada Qarmada Midoobey u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR. 

Qiyaastii 2400 oo ah qoxooti  ku noolaa xeryo dhinaca Itoobiya ku yaalla oo aan sidaas uga fogayn xadka labadaas waddan u dhexeeya, ayaa hadda loo raray meel xadka ka fog oo gudaha Itoobiya ah, si nabadgelyadooda lo sugo, sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadlay hay’ada UNHCR. 

 Qoxootigan waxay halkaasi yimaadeen sannadihii 1989-2000, markii uu socday dagaalkii kululaa ee dhex maray Ereteriya iyo Itoobiya, waxayna muddo dheerba sugayeen in laga fogeeyo xadka oo nabadgelyadiisu ayna ilaa iyo hadda sugnayn. 

Qoxootigani  ayaa ku noolaa xero lagu magacaabo Wa’ala Nihibi oo u dhaw meesha lagu magacaabo Sheraro oo galbeedka gobolka Tigreega ku taalla, waxayna xadka u jirtay 20 kilo mitir oo kaliya.  

Wadamada xaga warshadaha ku hor maray oo isku raacay in ciidamo nabad ilaalin ah loo sameeyo Afrika. 

Dawladaha hodanka ah ee dhinaca warshadaha ku hormaray ee la isku yiraahdo G8, ayaa shirkooda ka soconaya Jasiirada Sea ee gobolka Goergia isku raacay in qaarada Afrika laga cafiyo daymaha lagu leeyahay.  

G8 oo ka kooban dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmal, Japan, Kanada, Talyaaniga iyo Ruushka ayaa kulankooda lagu martiqaaday dawladaha Algeria, Ghana, Nigeria, Uganda iyo weliba Senegal oo Afrika ka mid ah. Waxyaabaha la isku raacay ayaa waxaa ka mid ah in la dhiso lana tababaro ilaa 50,000 oo ciidan Afrikaan ah kuwaasoo howshoodu noqonayso la dagalaanka khilaafyada iyo deminta colaadaha Afrika ka dhaca. 

Thabo Mbeki madaxwaynaha Koonfurta Afrika, ayaa ugu baaqay Afrika in ay dhulka iska qaado oo ay aayaheeda ka tashato. "Waa in aan kari karnaa in baahideena siday u kala mudan tahay u dhigan karnaa, taasoo lagu salaynayo waaqiceena, khibradeena iyo baahideena, intii lagu salayn lahaa waxa ay doonayaan kuwa deeqaha bixiya iyo Hay'adaha gargaarka ka shaqeeya" sidaasna waxaa yidhi madaxweynaha Koonfurta afrika :Thabo mbeki. 

Waxaa kaloo shirka si wayn looga hadlay Bariga Dhexe iyo sidii Dimoqoraadiyada loogu baahin lahaa. Dawlada Maraykanka ayaa si weyn u wadata mashruuca dimoqoraadiyaynta bariga dhexe, halka Dawlada Ingiriiska ay si weyn u wadato mashruuca Afrika daymaha looga dhaafayo laguna taakulaynayo dadka faqriga ah ee qaarada Afrika. 

11.06.2004

C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Faafin: SomaliTalk.com | June 11, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh Xorriyo

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD