SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 

Qoraal ay Beesha Maxamuud Hiraab u dirtay Guddiga IGAD!! 

  • Ku: Guddiga Fududeynta Shirka nabadeynta Soomaaliyeed

  • Ku: Guddoomiyaha Guddiga Fududeynta shirka nabadeynta Soomaaliyeed Mar. Bathuel A. Kiplagat           

  • Ku: Dhammaan Siyaasiyiinta iyo duubabka Beelaha Hawiye

  • Og: Dhammaan deeq bixiyeyaasha shirka nabadeynta Soomaaliyeed.

Ujeeddo: Been abuurid Guddiga xallinta Khilaafaadka Beelaha Hawiye 

Mudanayaal: 

Waxaan la socodsiineynaa dhammaan Guddiga fududeynta shirka ee IGAD, Guddoomiyaha Shirka Mr. Bathuel A. Kiplagat, siyaasiyiinta, duubabka Beelaha Hawiye iyo deeq bixiyeyaasha in aysan jirin Hawiye soo magacaawday xubnihii Guddiga xallinta khilaafaadka ee laga sugayay Beelaha Hawiye.  Sidaa daraadeed annaga oo ah siyaasiyiinta, waxgaradka iyo duubabka dhaqanka Beesha Maxamuud Hiraan (Duduble) waxaan caddeyneynaa ineynaan wax ka ogeyn, ayna yihiin wax kama jiraan liisas ku sheegga aanu fahamsannahay in ay gudbiyeen dad dano gaar ah wata oo ka soo horjeeda wada jirka iyo wada tashiga Beelaha Hawiye, taas oo si cad uga soo horjeeda go’aankii ay wada gaareen Wasiirradii Arrimaha Dibadda ee Dowladdaha IGAD iyo siyaasiyiinta iyo duubabka Hawiye 22/05/2004.  Ugu dambeyntii, waxaan soo jeedineynaa in si weyn looga hortago dhaq-dhaqaaqa marin habaabinta ee ay wadaan kuwa caadeystay kooxeysiga aan sharciga ahayn, uuna dhibayo wada jirka, horumarka iyo fududeynta howlaha shirka.

Waxaa qoraalkan ku saxiixnaa:-

  • 1.     Ugaas Muxidiin Ugaas Faarax

  • 2.     Cabdulle Faarax Xirsi (Cawooleey) MP/TNG

  • 3.     Cabdi Qani Cismaan C/lle MP/TNG

  • 4.     Cabdi Wehliye Afrax (Nabadoon)

  • 5.     Mire Colaad Cawaale (Nabadoon

  • 6.     Farxaan Cali Maxamuud (CFS/CMS/MBA)

  • 7.     Drs. Sahro Ashkir Guuleed

  • 8.     Sahra Ugaas Faarax ( Civil Society delegate)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

SIMINNAAR AAN NOOCIISA HOREY LOOGU QABAN MAGAALLADA MUQDISHO OO AY QABATAY SHIRKADDA SAALIM GROUP

Maalinnimadii Talaadada ahayd ayaa hoolka weyn ee dugsiga sare ee Imaamu Shaafici waxa ka furmay Siminnaar lagu baranayay qalabka daabacaadda gaar ahaan Copy Printer, Siminnaarkan oo la soo gabagabeyn doono maalinta berri ah waxaa soo qaban-qaabiyay Shirkadda ka ganacsata Qalabka daabac-aadda ee loo yaqaan Saalim Stationery.  C/casiis Xasan Yare oo ah guddoomiyaha Shirkadda Saalim Stationery oo furitaanka Siminnaarkan ka hadlayay ayaa sheegay in hadafkoodu uu yahay sidii dadka Soomaaliyeed ee ku shaqeeya Qalabka daaba-caadda ee Copy Printer-ka u heli lahaayeen aqoon durugsan oo ku saabsan qalabkaas. Guddoomiyuhu wuxuu xusay in ay keeneen Khabiir ka socda shirkadda Riso Graph CR oo sameysa qalabyada casriga ah ee daabacaadda sida: Copy Printer-rada, Photocopy-yada iyo Makiinadda lacag tirisada ah oo ay isticmaalaan Bankiyada. Khabiirkaan oo u dhashay dalka Pakistan ayaa ka soo qaybgalayaasha oo kor u dhaafayay 25-qof siinayay duruus la xiriirta qaabka ugu habboon ee loo isticmaalo Copy Printer-ka.

“Waa markii ugu horreysay ee dalka laga sameeyo siminnaar noocan ah” ayuu yiri C/casiis Xasan Yare oo intaa ku daray in kharashka ku baxaya siminnaarkaan iyo keenista khabiirkan ay dusha u riteen shirkaddiisa. Mudane C/casiis waxa kale oo uu sheegay in siminnaarka ay qayb ka tahay in Khabiirka ka socda shirkadda Riso Graph CR uu maanta oo khamiis ah ardayda hortooda ku sameyn doono Mashiinnada ay shirkaddaasi sameysay oo cilladaysan ee magaalada yaal. Mid ka mid ah ka qaybgalayaashii siminnaarkan oo maanta la hadlayay wargeyska Ayaamaha ayaa sheegay inuu ka helay duruus aad u wanaagsan oo uusan horay u aqoon, isagoo sheegay inuu makiinaddan isticmaalayay dhowr sano Isagoo sheegay inuu makiinaddan isticmaalayay dhowr sano, laba maalmood gudahoodna uu ku helay Macluumaad uusan horay u aqoon, taasoo u fududeyn doonta hadda wixii ka dambeeya shaqadiisa. Shirkadda Saalim Stationery waxay ka ganacsataa dhammaan qalabyada kala duwan ee daabacaadda, iyadoo shirkaddani ay hadda wixii ka dambeeya ay dalka keeni doonto qalabyada ay soo saarto shirkadda Riso Graph oo ay ka mid yihiin Copy Printer-rada, iyadoo shalay hoolka daruustu ka socoto lagu soo bandhigay nooc cusub oo Copy Printer-rada ah oo aad u qiimo jaban oo ay soo saartay shirkaddani, dalka ay si joogto ah u keeni doonto shirkadda Saalim Stationery

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD