Xijaabkii oo Noqday Dhaqan ama Caado !!!
Intaadan akhrin maqaalkan bal horta milicso maqaal hore oo uu qoray qoraagu oo lagu magacaabo (caado laga tagey carro alle ayey leedahay) !!!Soomaaliyo oo ah dawlad lagu tilmaamo 100% waa muslim ayaa waxay leedahay caadooyin soo jireen ah oo qaarkood ku dhisan yihiin diinta islaamka ,qaar kalena dhaqamo xun xun oo ka hor imaanaaya diinta sharafta leh ee islaamka.
Haddaba maqaalka hore ee (caado laga tegey carro alle ayey leedahay) waxaan ku bayaaminay caadada iyo booska ay ku leedahay diinta islaamka iyo waxa la yiraahdo ( AL-caada muxkimah) annagoo tusaalooyin cad cad u soo qaadanay kuwa xun xun ee in laga tago ay waajib tahay iyo kuwa fiican ee haddii laga tago carro alle kugu dhaceyso, ama aan si kale u iraahdo caadada ay soomaalida maahmaahyadeedu khuseyso iyo tan aysan khuseynin.
Xijaabka oo soomaaliya caado ka noqday !!!
SAAHID YUUSUF & M.DHEERE |
Qoraalladii La Qoray Maxamed Dheere Gar Kama aysan Hadlin ?!!!..
Qore Saahid
GO’AANKA MAXAMED DHEERE: WAA TIJAABADII UGU HOREYSAY EE LAGA QAADO MUSLIMIINTA SOOMAALIYA Qore Fahad |
soomaalidu waxay caado u laheyd in aysan gabadhda aan la guursan ayasan madaxa dedan ama aysan shaash qaadan amaba gobollada qaarkood ay guntiinada ka xirtaan inta laabta ka hooseysa ooysan garka ka xiran waa gobollada bay & bakool.maansooyin fara badan ayaa tilmaamaaya in soomaalida lagu garto gabdho aan madaxa dadan inta aan la aroosin, waliba ay jirto caadada shaaash saar oo gabadha loo shaash saaro maalinta ay toddobadka arooska ka baxdo.
Haweenka soomaaliyeed waxaa uu ahaa dharkooda ay suuqyadda ku maraan diric iyo garbasaar ama guntiimo iyo garbasaar ama Canbuur( toob) iyo garbasaar.Taas oo hooyooyinka waaweyni ay si asturan u xiran jireen se gabdhaha iyo hooyooyinka da'da yar uu asturkoodu liitay oo cawradooda ay banaan iska aheyd !!!
Intaas waxaan ka reebi karnaa dhaqanka reer xamarka oo caan ku ahaa in ay gashtaan shuko madoow marka ay debedda u baxayaan,ama yaqaanay caadada la yiraahdo maqbiyo !!! waxaad taas ku arki jirtay agagaarka raqayga ,,jasuurta xamar weyne iyo shangaani, koodka iyo via Roomo, xafadda aw aweyska ,sukunda liido iwm.
Taas aysan culumaa,udiinku reebin jirin ee aheyd caado adag oo xataa ayadoo shiikhu kitaabkiisa ka akhrinaayo fasirka aayaadka suuratu axzaab ama Al-nuur aysan haddana macnaha xijaabku uusan dhaqanka soomaaliyeed ku soo degdegi jirin.Soo ifbixii xijaabka soomaalida:
Dhexdhexaadkii todobaataneeyadii ayaa culumadii ka soo qalin jabisay jaamacadaha sacuudi carabiya ay bilaabeen in ay casharada ku akhriyaan in ay waajib tahay in la is asturo, markaas ayaa waxaa bilowday dhallintii la oran jiray akhwaanul muslimiin ama waxdada sida looga yaqaanay waqooyi galbeed.
gabdhahaasi waxay qaadan jireen guntiino isku laab ah oo madax iyo luquntaba, dhagahaba ku qarin jireen , waxyna bilaabeen markii danbe in ay xirtaan goyaal waaweyn oo qaro adag oo la oran jiray ( la jacuur) !!!
Gabdhahaasi waxay iskuullda ku tagi jireen shaati gacmo dheero ah taas oo lagu aqoonsan jiray in gabsdho akhwaanu- muslimiin tahay !!!Dawladii maxamed siyaad aad ayey ula dirirtay shaatigaas gacmao dheeraha ah ,waxaan marmarka qaarkood laga soo eryi jiray iskuuladda ama jaamicadaha.
Bilaawgii sideetamaadkii waxa si suulay guntiinooyinkii ama la jacuurkii waxaanna bilaabmay xijaabka aan haatan naqaano oo aad u shabaha shukaddii reer xamarka se ka adag, taas ayaanna caado u noqotay gabdhaha wadaadada ah oo kaliyah se gabdhihii kale amaba shacabka badankiisa waxay ku koobnaayeen madaxii feydnaa iyo guntiinadii dhinaca qaawaneyd ama diric kaligii la gashto oo cawrada muujiya,khafiif ah oo ama garbosaar jilicsan oo aan waxba qarineynin.
Xijaabkii oo soomaaliya dhaqan & caado u noqday:
Shan iyo toban sano kadib ayaan soomaaliya ku noqday khaasatan soomaalida kiinya(NFD) seddex usbuuc oon joogay Nairoobi xaafadda (eastleigh) Islee iyo waliba socdaal aan ku kala bixiyey magaallda caasimaada gobolkaas ee Gaarissa iyo waliba xeryaha qoxootiga ee xaduuda kiinya soomaalida la wadaagto ee xagardheer,Ifo , Dhadhaab iyo dhagaxleey oo aanan yada tegin ayaan waxaan ku soo arkay in xijaabkii uu noqday dhaqan ama caado soomaaliyeed !!!
taas oo igu bixisay in aan akhristayaasheyda la qeybsado dhacdo aysan maleysan karin dadkii ku noolaa soomaaliya intii ay dawladda aheyd iyo waliba noloshii reer miyiga ee aan caadada u laheyn.Akhristaheygiiyoow waxaan waayey haween da,weyn ama dhexdhexaad ama carruur oon ku shaqlaneyn xijaabka islaamiga ah ee aan naqaano !!! taas oo igu bixisay in aan islee ku magacaabo maqaalkii ( Islee dhalaal Iyo dhooqo) dhalaal xijaab iyo jidad burbursan.
Tusaale aan goob joog u ahaa:
Gabdho Soomaali ah oo Xijaabkooda Muran Ka Dhaliyey Sweden... Guji... |
Mar aan u kala gooshaayey xerrrada qoxootiga ee xagardheer ayaan isla raacnay shirka baabuur Toyota ah siible haweeney aan da'deeda ku qiyaasay 60 jir oo cunug yar wadata oo xijaab fiican ku asturan, waxaan markiiba fursad u helay in aan weydiiyey inta ay xijaabkan gashaneyd waxayna iigu jawaabtay lix sano ,waxaan u raaciyey ka waran dhaqankan iyo kii hore ee soomaalida waxayna iigu jawaabtay kan ayaa fiican oon asturan nahay kii hore islaami ma aheyn oo qaawanaan ayuu ahaa.
Dhacdada labaad soo noqodkeygii ayaan xaafadda Islee ee nairobi kula kulmay meel lagu buuqsan yahay markaan u kuur galay waa gabdho diricyo qabo oo lagu buuqsan yahay sababtuna tahay in ayasan xijaab qabin ,waa lagu orinayaa ,waana la hagardaameynayaa waxaan maqlaayey nin leh bal day dad baa sidaas ku soo deystay!!!.
Dhibaatooyinka Kala Duwanaanshaha Manaahijta Dugsiyada Muqdisho waa sidee? Dugsiga Sare ee Ablaal oo aanu warbixin ka soo diyaarinay Guji... |
dhacdada ugu danbeysa waxan tegey Hoteel weyn oo (downtown)Nairobi ku yaal oo ay dagan yihiin qaar ka mid ah wufuudda Soomaalida ee shirka dib u heshiisiinta ka qeyb galaaya oo la yiraahdo ( sixtyeighty) halkaas ayaan kula kulmay koox siyaasiyiin ah oon qaar ka aqaanay ,waxaa noo timid gabadgh xijaaban se siyaasiyad ah oo raggii iskala shabkaxsatay ,xataa ay ku xifaaleeyeen in hadeey siyaasiyad tahay ay ragga jaad u qaado oo marfash gogosho, wey xijaaban tahay se dhaqankeedu waa soomaali caadi ah oon wadaad aheyn,hadalkeeda, saloolashadeeda,kaftankeeda iwm.
hadda akhristoow maxaa gabadhaas xijaabka u geliyey?!!! waa dhaqanka xijaabka,
ku arki meysid nairobi iyo magaalooyinka kale aan maray ruux dumar ah oon xijaabneyn.
waa socotaa qeybta labaad.
mahadsanidiinSahid maxamed yusuf
eastligh( Islee ) nairiobi.