SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

34 kabood oo dacas ah iyo 17 funaanadood oo garanno ah!
Mohamed Shafie  mi99mosh@chl.chalmers.se


Subax aboortii markii indhaha la kala gooyey baa waxaa meel xasbi ah lagula soo
jarmaaday 34 kabood oo dacas ah iyo 17 funaanadood ee garanno ah. Qisada waxaa
nooga warramay wadaad shiikh Cabdi la yiraahdo, oo jeelkaas ku jirey muddo
saddex sannadood ah.

Shiikh Cabdi waxaa lagu xiray eed  ahayd in uu dhaawac u geystey sawir uu
madaxweynuhu lahaa oo dukaan surnaa. Dukaanka ninkii lahaa buu sawirku dhulka
kaga dhacay, waxaan isha midig ee sawirka xagey musmaar dhulka yiil, dabadeedna
wuxuu dukaanlihii ka baqay in la xiro, wuxuuna eeddaas ku masabbiday shiikh
Cabdi.

Shiikh Cabdi waxaa loo gudbiyey magaalomadaxdii, waxaana lagu xiray xabsiyada
magaalada kuwa ugu waaweyn mid ka mid ah. Dadka maxaabbiista ahi saddex
dhibaato keli ah bay qabeen. Habeenkii xoogaa jirdil ah baa lagu samayn jirey.
Xoogaa keli ah ma aha ee waa la garaaci jirey. Dhagxan baa lagu xammaali jirey.
Midda saddexaad waa in dhiig laga shubi jirey, oo dhiiggooda la gadan jirey.

Shiikh Cabdi dhiig lagama shuban oo waxaa laga baqay in ay naftu ha haaddo
haddii irbad noocaas ah lagu nuugo, waxaase la garaaci jirey saqda dhexe markii
uu habeenku kala barmo. In uu qirto denbigaas weyn oo ah in uu sawir il ka
xagtey baa laga baari jirey.

Maxkamad lama geyn shiikha, waxaana garaacii uga naxdin badnaa 34 dacas ah iyo
17 garanno ah oo aroortii hortiisa lagu daadiyey! Dhagxantii lagu xammaali
jirey iyo dhiiggii uu in laga shubto ka baqayey xataa qisadaan ayaa kala
cuslaatay.

Waxaa kabaha jawaankii ay ka buuxeen ka qubay nin gaashaanle sare ahaa, oo inta
jawaankii salka qabtay ka hurgufey 34 dacas ah, waxaana kabaha kala firdhiyey
askari kale. Funaanadihii waxaa kala firdhiyey isla askarigii dacaska kala
firdhiyey, waxaa meesha la soo dhoobay boqollaal maxaabbiis ahaa, oo isugu
jirey kuwo cagocaddaa iyo kuwo dacas qabey.

Askarigii weynaa wuxuu asaga oo kabaha iyo funaanadaha farta murugsada ah ku
taagaya yiri "Ninkii iswaala sidaas ayaa u danbaynaysa, waana in la wada
ogaadaa in ay saaka Maxamuud-Cirro shiikh Cismaan iyo raggiisii kabohoodu ka
roon yihiin"!

Hadalkii buu sii waday, oo wuxuu yiri "Tirsiga dacasku wuxuu ku labojibbaarmaa
tirsiga funaanadaha, waxaa meesha idiinka muuqata in dharkiinna iyo kabihiinna
jawaanno lagu guri doono haddii aydnaan ummadda ka mid noqon".

Waxaa caadada soomaalida ka mid ah in qofkii geeriyooda lagu yiraahdo "Alle ha
u naxariisto", laakiin subaxaas lama awoodin ducadaas. Waxay dadku awoodeen
ciil iyo murugo, qorraxduna waxay awooddey in ay cirka kor u tafto.
 

Mohamed Shafie  mi99mosh@chl.chalmers.se
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD