SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hadba  kii hub wacan baad libaax hanada mooddaaye

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK.

cabdulwaxid@hotmail.com 
 

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Horta maan tuducdii ugu dambaysay ee gabaygaas idin soo gaarsiiyo si aannu u garanno halka uu Aadan-Carabka Allaha u naxariistee u golleeyahay. Waa taas tuducdii: 

  • Raggana jeer hoyaad lagu mutiyo subaxda hiirtaanyo
  • Hadba kii hub wacan baad libaax hanada mooddaaye
  • Hitlerba ugama rayn gaaladuu holay dagaalkiiye
  • Geesiga hamaankaa cashada la is halaa feedho
  • Iyo fulaha heeryada madoow lagu ham’ siin doono
  • Midna nabaddu hoos uma riddee hadiyad weeyaane
  • Allow yaa hu’geenna aan qabnee ina heshiisiiya.

Weligay ma arag wax iskaga caqli dhow qofka reer baadiyaha ah  iyo askariga jaahilkaa. Ani ahaan  reer miyiga iyo reer baadiyuhu waa ii kala duwan yihiin; waxaan reer baadiye u aqaan inta calooshooda la ciyaarta ee reer miyiga ah. 

Hadduu askariga jaahilkaa isla helo dhowr qori iyo barbaar waxaad mooddaa inuu adduunka u sarreeyo oo aysan jirin wax hor istaagi kara ama la hadli kara. Reer baadiyahana waxaa tusaale naga siiyey Cilmi Boodhari Allaha u naxariistee; markuu ka hadlayey reer baadiye wuxuu yiri: 

  • Haddii deeq Ilaah shubo oo duni barwaaqoowdo
  • Oo doobi caanaa  riyaha looga dalafsiiyo
  • Oo  rodol uu doon-doon ku helay kaga dambaysiiyo
  • Isaga iyo duqdiisii markaas dowlad la ismoodye
  • Doqonnimo waa wixii cadkiis doc uga muuqdaaye
  • Maalintaas ninkii dan ka lahoow deyso hadalkaaga.

Aadan-Carab Allaha u naxariistee wuxuu muujinayaa inaysan geesinimadu ahayn xooggaa hub ah ood heshid. Wuxuu sheegay in Hitlerba wuxuu hub hayey  wax ku tari waayey markii ay taladii seegtay oo uu ku soo baxay kaligi-taliye macangag ah. 

Waxaan uga danleeyahay, been Ilaah baa caayeye, in Maxamed Cabdi Xaashi, madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu nambarkiisii xagsaday. Sidee? Waa ninkii markii waqtigii hore ka dhamaaday is kaga tegay waddanka si uusan uga qaybgelin dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Puntland. Waa ninkii markii C/hi xalaal iyo xaaraanba wuxuu heli karay ku qabsaday Boosaaso; inta diyaarad soo raacay yiri: qaybtaydii halkaas dhig. Waa arrinta kaliya ee C/hi Yuusuf ka yaabisay. Wuxuu is yiri: ninku waa oday miskiin ahe meesha ka riixo laakiin taasi ma dhicin. 

Allaylehe haddii reer Puntland cidi geesi ka tahay Maxamed Cabdi Xaashi baa geesi ah. Imisa jeer buu C/hi ka hor yimid? Maxamed wuxuu sheegay inay gaarayso 29 jeer. Waxaan markhaati ka nahay inta jeer ee C/hi diyaarad Nairobi ka soo raacay isagoo ka cabanaya hor-is-taagga Maxamed Cabdi Xaashi. Waa kuma qofka kale ee C/hi saas ula hadli kara, gurigiisa hortiisa (ilayn Puntalnd waa guri C/hiye). Soow suuljaawin siyaasiyiintii reer Garoowe hal maalin, C/hi kama saarin Nugaal? Qolyihii mucaaradka sheeganayey ee intaas oo ciidan isu keenay oo weliba ciidankoodu Puntland joogo, yaa hal mar C/hi hadal ku soo ceshay? Weligiinse ma aragteen Maxamed Cabdi Xaashi oo boorso u noqday C/hi oo siduu waardiye u yahay meel kasta u raacaya? Lama hayo. Maxamed wuxuu ka helaa in isaga iyo C/hi labo meelood kala joogaan. Waana arrin xikmad ku fadhida laakiin doqontu waa moogtahay. Doqontu waa midda qofka ehelkiis dila u taqaan dagaal-yahan. Doqontu waa midda ninka dabo-dhilifka u ah Amxaarada u aragta hogaamiye. 

Maxamed waa ninka kaliya ee qaddiyad aamminsan; waa ninka ku sigtay in Garoowe dhexdeeda lagu dilo laakiin weli aan ka noqon wuxuu aamminsanaa. Caga-juglayn diid odaygu. Intayada kale ee reer “Puntland” ah haddii la isku daro waxaa naga karti badan Maxamed maxaa yeelay waa ninka intaas oo jeer C/hi dhuunta u galay. Kaaga darane waa ninka keliya ee saxaafadda waddanka gudihiisa iyo dibadiisaba ka sheega wuxuu aamminyahay ee ah khilaafka ku dhex jira isaga iyo C/hi. Waa ninka keliya ee aan munaafaqayn ee si toos ah u sheega wax la isku haysto. 

Anigu saan talo hore ugu soo jeediyey waxaan oran lahaa Maxamed Cabdi Xaashi ha iskaga tago Garoowe si aan xafiiskiisa loogu diidin inuu galo sidii ku dhacday guddoomiyaha wakiillada baarlamaanka iyo wakiilladii oo xaruntoodii laga xirtay oo laga hor istaagay haddana C/hi u yeertay oo raba inuu ka dhamaysto wuxuu doono. Haddaan gabayga aqaan waxaan oran lahaa: 

  • Ninka yiri xurmaan leeyihiyo xil iyo maamuuska

  • Oo la yiri ma xaadiri kartaan xarumahiiniiye. 

Sidaan marar badan xusay Puntland dowladi kama jirto; qofkii qabiilkiisu ciilo cidna kor uma qaado. Siyaasiyiin caan ah oo badan waxaa garabkooda ka baxay qabiilkoodii iyagoo quud dhaafsaday laakiin ilaa hadda ma arag waxay ka heleen raggoodii suuqa laga saaray ee aan ka hadli karin meel Soomaali isagu timid. Hogaamiyayaasha Xamar jooga taasi ma qabsan; waa waxaad u maqlaysid, hebel baa la sugayaa. Ma aragteen cid aan C/hi ahayn oo Puntland la sugayo? Ma aragteen cid wax xallin karta markuu maqanyahay? Haddaba ninka kaliya ee dhiibtay wuxuu aamminsanyahay ee Puntland jooga waa Maxamed Cabdi Xaashi. 

Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu dheeryahay siyaasiyiintii Puntland laga ceyrshay, inuu weli joogo laakiin ma aqaan wuxuu ku dambayn doono. Waxaan oranlahaa Maxamedoow “inta dhogortaadu dhantahay dhowrso”. 

Waxaan kusoo xirayaa Aadan-Carab geeraarkiisii: 

  • Intaasoo duq la sheegay

  • Iyadaan ku duraayey

  • Leego waa dalanbaabbi

  • Ama waa duddun ciirtay

  • Dunidiina ogaatay oo

  • Buuhoodloowgu dambeeyoo

  • Waynnagaa ka dareerray

  • Odayaashan daciifaye

  • Hadba loo dewaraayiyo

  • Intii Dool la itaaliyo

  • Habrii daacaddu reebtaye

  • Sulubow da’ yarayd iyo

  • Nacaskii demmanaaye

  • Dareen-mooge ahaa iyo

  • Dumarka tii ka xumaataye

  • La dalaaqay shan goor iyo

  • Daraawiishtan gabowdaye

  • Dalladdii isticmaarkiyo

  • Duubka cawllan hagoogtaye

  • Diinteennii kala geysey iyo

  • Tobankii dulmilow e

  • Dadka dhiigga ka nuugaye

  • Na dillaali ogaa;

  •  

  • Intaas ha isku dareen oo

  • Haku daawo-baxeene

  • Rag Alloow dibitaati

  • Maku dooran karaan?

 

Geeraarkaas Aadan-Carab wuxuu kaga dabaakhayey mid Cali Cilmi Afyare ku ammaanay xisbigii Leegada. Labada gabyaaba Allaha u naxariisto. Hadda waxaadan arag Cadde Muuse oo C/hi la safan iyo Maxamed Cabdi Xaashi oo si toos ah oo geesinimo ku jirto uga soo horjeestay C/hi. Marka kordhinta C/hi, lix bilood ha ahaato ama labo sanee waxay noqon doontaa “wood khasaaro” Ilaahay idanki. 

Marka ama inta C/hi yiraahdo Maxamed Cabdi Xaashi waan cayrin oo waxaan keenin Xaabsade iyo rag la mid ah dabadeedna reer Sool sidaas ha yeelo. 

C/Waaxid C/hi Khaliif;

London, UK.

cabdulwaxid@hotmail.com 
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD