SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GALDOGOB

Kulan dacwadeed oo lagu soo gabagabeeyey Galdogob 

Waxaa lagu qabtay Masjidka jaamica ah ee magaalada Galdogob xafladii xiritaanka  kulan dacwadeed halkudhaggiisu ahaa NOLOSHEENA AYAA KU JIRTA ISLAAMKA socdeyna intii u dhexaysey 14 ilaa 19 Jumaad Al Uulaa 1425 oo waafaqsaneyd 01 ilaa 06 July 2004.

Xafladdaas waxaa ka soo qayb galay culimada, ducaada, bahda waxbarashada, odeyaasha, ardayda iyo dadweynaha magaalada Galdogob.

Xafladdaas waxaa hadal ka jeediyey dad kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Sheekh C/naasir, Axmed Sheelare, Sheekh Xuseen, Sheekh Mahad iyo Xasan Aadam. 

Kulankaasi waxa uu bilow u ahaa kulamo kala duwan oo loogu tala galay in ay ka dhacaan deegaanada gobolada Puntland xilliga xagaaga ee sanadkan 2004. 

Kulankaasi kuwo la mid ah waxaa hore loogu qabtay magaalooyinka Bosaso iyo Garowe. 

Waxaa xusid mudan sidii wanaagsaneyd ee loo soo dhaweeyey culimadii ka qayb gashay kulankaas, iyada oo muddo dheer magaalada looga diyaar garoobayey kulankaa dacawiga ah. 

Waxaa kale oo xusid mudnaa in kulankaas aad looga faaiideystey iyada oo ay aad u soo xaadireen masaajidkii weynaa ee magaalada dadweyne fara badan oo isugu jirey rag iyo dumar, yar iyo weyn halkaas oo ahayd goobta ay ka socdeen duruustu. Waxaa ishu aad u qabanaysey dad aad u fara badan oo duubanayey duruustaas kuwaas oo gaarayey tobanaan, waxaa kale oo lagu duubanayey si maqal iyo muuqaal ah.

Waxyaabaha kale oo la tilmaami karo waxaa ka mid ahaa in dad badani uga yimaadeen meelo ka baxsan magaalada si ay uga faaideystaan kulankaas.  

Waxyaabaha indhaha sida gaarka ah u soo jiitey waxaa ka mid ahaa in ilaa afar meelood oo dadku isugu yimaado lagu xiray codbaahiyeyaal kuwaas oo dadku kala socdeen duruusta, waxaa kale oo ka faaiideysiga kulankaas qayb weyn ka qaatey shirkadaha telefoonada ee magaalada Galdogob iyada oo shirkadda Somtel ay ku xiriirinaysey duruusta iyo aqoon isweydaarsiyada shabakada telefoonada ee magaalada, nidaamkaas oo awood u leh in ka badan boqol layn in ay ka  dhagaystaan dadweynuhu iyaga oo jooga guryahooda, sidoo kale shirkadda Goltel ayaa diyaarisay layn internet oo duruusta looga baahinayey internetka kaas oo ay ka faaiideysanayeen dadka dalka iyo dibedda ku nool. 

Ujeedooyinka Kulanka: 

  • 1-   In la dardar geliyo dacwada magaalada iyo deegaanada ku xeeran.

  • 2-   In qayb laga qaato xallinta mashaakilka bulshada si waafaqsan shareecada islaamka.

  • 3-   In la xoojiyo xiriirka u dhexeeya dadweynaha iyo culimada diinta.

  • 4-    In kor loo qaado aqoonta iyo wacyiga dadweynaha.

  • 5-   In laga hortago dhaqanada xunxun ee sida doolka ah u soo galay dalkeena.

  • 6-   In la xoojiyo lana baahiyo dhaqanka isu kaalmaysiga khayrka iyo ka hortagga xumaanta.

  • 7-   In dadweynaha laga haqabtiro masaailka diiniga ah ee ay u baahan yihiin.

Duruusta iyo muxaadarooyinka:

Duruustii iyo muxaadarooyinkii laga soo jeediyey kulankaas waxaa ka mid ahaa:

  • 1-   Sharaxaadda Tiirarka Iimaanka.

  • 2-   Raacista Nabiga naxariis & nabadgalyo korkiisa ha ahaato.

  • 3-   Ka fogaanshaha xumaanta (ZINADA)

  • 4-   Tarbiyada caruurta.

  • 5-   Maxaa ka socda maanta dunida muslimka.

  • 6-   Ka fogaanshaha Qabyaaladda.

  • 7-   Ugu yeerista dadka diinta Allaah.

  • 8-   Sixidda gafafka caqiida soo gala.

Nashaadyada kale ee Kulanka dhinac socdey. 

  • 1-   Tababar macalimiinta dugsiyada Qur’aanka.

  • 2-   Barnaamij kor uqaadista aqoonta iyo wacyiga dhalinyarada iyo ardayda madaarista.

  • 3-   Barnaamij faafinta luqada carabiga oo leh farbar iyo  wixii ka sarreeya.

  • 4-    Kulamo cuqaasha iyo waxgaradka Magaalada.

  • 5-   Duruus u gaar ah haweenka.

  • 6-   Dacwada wadooyinka iyo fagaarayaasha.

  • 7-    Fataawaa (Jawaabo ay culumadu ka bixinayaan su’aalaha dadweynaha)

Culumada ka soo qayb gashey: 

Waxaa ka soo qayb galey culimo ka kala timid Bosaso, Garowe, Galkacyo, Dalka dibeddiisa iyo culimadii Galdogob kuwaas oo ay ka mid ahaayeen.

  • 1-   Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan (Jaamacadda Bosaso)

  • 2-   Sh. Jaamac C/salaam (Galkacyo)

  • 3-   Sh. Xuseen Sh.Maxamed Cusmaan (Jaamacadda Bosaso)

  • 4-   Sh. C/risaaq Axmed Sh. Maxamuud (Jaamacada Bosaso)

  • 5-   Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf (Garowe)

  • 6-   Sh. Xasan Maxamuud Takar (London)

  • 7-   Sh. C/naasir Xuseen (Galdogob)

  • 8-   Macalim Mawliid Axmed Mataan (Jaamacadda Bosaso)

  • 9-   Sh. C/raxmaan Maxamuud Warsame (Bosaso)

  • 10-Sh. Maxamed Cumar (Bosaso)

  • 11-Sh. Mahad C/laahi Maxamed (Galdogob) iyo kuwo kale.

Gabagabadii waxaa xusid mudan in kulankaas uu ku hirgalay iskaashi dhex maray jaaliyadda deegaanka ee ku nool dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo ku deeqay kharashka iyo culimada oo uga qayb qaatay waqtigooda iyo aqoontooda. Sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa dadweynaha Soomaaliyeed in ay isu kaashadaan khayrka, qof walbana uga qayb qaato wixii uu awoodo: Aqoon, waaya aragnimo, hanti, waqti IWM, taas oo lagu gaari karo horumar loogana kaaftoomi karo gacan shisheeye.  

Dardaarankii ka qayb galayaasha xafladda: 

Ugu dambayntii waxaa culimadii iyo dadkii kale ee xafladdaas ka hadlay ay dadka ku booriyeen cabsida allaah meel kasta oo la joogo isla markaasna waxa ay aad ugu mahad celiyeen dadkii soo abaabuley iyo kuwii ka shaqeeyey iyo kuwii ka qayb qaatay gaar ahaan culimada. 

Sidoo kale wax ay aad u dhiiri galiyeen in kulamada noocaan oo kale ahi ay aad muhiim u yihiin sidaas darteed ay dadweynuhu isku tashadaan oo iyagu fuliyaan hawlaha noocaan oo kale ah ee dacawiga ah.

Waxa kale oo ay ishaareen horumarka ay magaalada Galdogob ka gaartey meelo kala duwan waxana ay ku booriyeen in ay halkaas ka sii wadaan iskana ilaaliyaan wax walba oo ka hor imaanaya maslaxadda caamka ah ee ummada. 

Wabillaahi Attawfiiq 

C/salaam Aadam Suleymaan.

ibnsuleyman@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD