SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
MICKEAL MOORE IYO QISADIISA FEHRENHEIT 9/11 IYO SHUCUURTA DADKA MARAYKANKA.

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Ferenheit 9/11 waa filim dhawaan ka soo baxay dalka Maraykanka oo uu sameeyey aftahan weyn oo dalka maraykanka si weyn looga qadariyo, Mickeal Moore, iyo qisadiisa (ferenheit 9/11 documentary movie), waxay taabatay shucuub badan oo ku dhaqan dalka maraykanka meel weyn, markii uu daboolka ka qaaday xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya qoyska reer Binladen iyo qoyska Reer Bush ee uu ka dhashay Madaxweyne George W. Bush.

Sannadkii 1992-kii ayaa qisadda Mickeal Moore soo bandhigay ay diiradda si weyn u saaraysa iyo ahmiyaddii Madaxweynaha tallada dalka Maraykanka hadda haya George Walker Junior Bush, markaasi oo uu Bush Junior Madax ka ahaa Shariikad weyn oo kuwa bansiinka qoda ah oo fadhigeedu ahaa gobolka Taxes ee uu Bush Markii danbana ka noqday Badhasaabka, sida qisada Mickeal Moore ka muuqata wuxuu tilmaamay in sannadahii 1972, ay laba nin ciidamada ilaalada ee Taxes ka joojiyeen shaqada labadaasi oo midi ahaa George Bush ka kalana ahaa James C. Oberwetter’s.

 Mr. Oberwetter's wuxuu sannadahii 1970-naadii shaqo ka hellay qoyska reer Binladen isaga oo wakiil uga noqday shariikadda Binladen american Group dalka maraykanka, oo wakhtigaasi ay qoyska reer binladen ay dalka maraykanka si weyn ugu tiirsanayeen, muddo laba sanno ka dib ah ayaa Mr. Obrewetter's wuxuu mashruuc ugu yaboohay George Bush Senior, iyada oo lacag gaadhaysa 350,000,000$ dollar uu Mr. Oberwetter's ku maal geliyey George Bush, lacagtaasi oo toos looga soo qaaday qosyska reer Binladen, sidoo kale waxaa qisada Mickeal Moore diiradda saartay ninka Safiirka Sacuudi Arabiya u fadhiya waddanka Maraykanka Ammir Bandar, oo ayuu yidhi qoyska reer bush kuba naanaysaan "bandar bush" aanay u tiriyaanba inuu yahay nin ka mid ah qoyska reer Bush, isaga oo ah xidhiidhiye wanaagsan oo isku xidha qoyska dhaxalka boqortooyada leh ee reer aala sacuud iyo qoyska reer Bush, kamaradda ayaa waxay toos u qabatay George Walker Bush iyo Bandar safiirka u fadhiya sacuudi arabiya dalka maraykanka oo ku wada cashaynaaya guriga cad 13 September laba cisho ka dib masiibadii ku habsatay Newyork iyo Washington, iyaga oo labada ninba khamri badan cabay sigaarka dhaadheerna si weyn u jiidaaya (cigar), inyar ka dib ayaa kamaradda Mickeal moore waxay diiradda saartay 19 afduube ee afduubka ku sameeyey diyaaradahii masiibooyinka u gaystay Newyork iyo Washington, iyo Sami Binladen oo ah Osama Binladen walaalkii iyo George Bush Senior oo ku raxaysanaaya hotel ku yaalla magaalada Washington.

28 sanadood ka dib 1972-kii ayaa  Mr. Oberwetter's oo ahaa ninkii Bush iyo qoyskiisa maal geliyey waxaa uu Bush ugu abaal guday safiirka Maraykanka u fadhiya waddanka Boqortooyada Sacuudi Arabia.

Waxyaabahii iga yaabiyey waxaa ka mid ahaa in 13 September maalin uun ka dib qaraxyadii loo gaystay waddanka maraykanka 10 diyaaradood oo ah Saudi Royal Airlines loo ogolaaday inay ka soo dagaan gegida diyaaradaha caalamiga ah ee JFK AIRPORT, iyaga oo daad gureeyey tobanaan qoysaska reer binladen ah oo ku sugna waddanka maraykanka, iyada oo dhamaan madaarada dalka maraykanku ahaayeen qaar go'doonsan oo heegan ku jira, Mickeal Moore wuxuu isweydiiyey yaa u ogolaaday diyaradahaasi inay soo degaan JFK AIRPORT iyada oo maalintaasi kumanaan iyo kumanaan qof oo maraykan ahi ku xanbinaayeen madaarada dalka maraykanka ah, inyar ka dib ayuu soo bandhigay documents laga soo saxeexay guriga cad oo ogolanaya in loo ogolaado qoyska reer Binladen in si gaar ah ay waddanka uga baxaan.

 Inyar ka dib ayaa muraayadda laga daawanayo qisada mickeal moore madoobanaysa, dhawaaq iyo jabaq badan ayaa baxaya, oxoga ka dib ayaa toos  ayuu diiradda u saaraya ciraaq, waxaana hadalada Mickeal Moore Ka mid ahaa " a nation which never threats the security of united states, a nation which never hosts terrorism, a nation which was not behind the disaster of 9/11, bush and his colleges targeted iraq" diyaaradaha maraykanka oo si aan kala go' lahayn u duqaynaaya habeenkii 13 march sannadkii 2003 magaalada Baqdad, iyo boqolaal qof oo ku nafwaayey garaacaasi, jahawareer badan oo sameeyey Ciraaq, iyo ciidamada maraykanka oo si arxan darro ah habeenkii ugu cagajuglaynaaya shacabka reer Ciraaq.

lama soo wada koobi karo qisadaasi Mickeal Moore, balse waxaan jecelahay inaan ugu yabooho dadka jecel inay daawadaan qisadaasi (ferenheit 9/11) inay ila soo xidhiidhaan, filimka oo si fudud looga heli karo waddanka Pakistan.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD