SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Halkee marayaa qaybsiga Baarlamanka ee Beelaha ka qaybgalaya shirka Mbagathi.

Canab max'ud.mumtaz.

Iyadoo ay balantu ahayd in beelah loo kal qayniyay"5" qaybood ah ay soo wada gudbiyaan xubanaha kaga soo aadaya baarlamanka shalay ayaa waxaa ku yimid dib u dhaca ka dhashay beelaha qaar oo uu wali ka dhex jiro khilaaf.
 
Balse illaa hadda waxaa soo gudbiyay sadex qaybood oo ka mid ah beelaha waxayna kala yihiin Hawiye,Daarood iyo Digil iyo mirifle.iyadoo qaybaha kalena la sugayo illaa maanta in ay soo gudbiyaan tirada la siiyay ee baarlamanka iyadoo lagu wado in"14"ka bishan la doorto Gudoomiyaha baarlamanka kadibna loo gudbo doorashada madaxweynaha somalia.
 
wasiiradda arrimaha Dibada ee IGAD ahna Howl fududeeyayaasha shirka oo kulankooda 15ka dhacaya ayaa sheegay hadii ay beeluhu dhamayn waayaan khilaafka ay guddiga xalintu soo xulidoonaan baarlamka una sheegay siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedyadaba in la soo afjaro khilafkaasi ka hor shan iyo tobanka bishan"15"aan jirno.
 
Dhawaan qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha shirka ayuu ku sheegay in wax laga badalay Qodobka"30"ee Axdi Qarameedka KMG ah.macna ahaana ay tahay sida qodobkaas loo badalay in ay dhamaan si siman u soo wada xulayaan Baarlamanka Hogaamiyayaasha siyaasada,siyaasiyiinta beelaha iyo madax dhaqameedyada qof walbana uu soo xuli karo xubnaha baarlamankan isagoo u madax banaan.
 
Dhinaca kale waxaa la filayaa dhawaan in uu kulan la yeesho madaxda shirka wasiirka arrimaha dibada ee kenya oo ah wasiir cusub oo uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Dowladda kenya kadib isku shaandhayntii uu ku sameeyay gollahiisa wasiiradda.jagadan ayaa waxaa loo magacaabay "Chirau Ali Makwere" oo ah nin islaam ah.wasiirkiirkan cusub ayaa badali doona wasiirkii hore ee arrimaha dibadda isagoo la shaqayn doona wasiiradda arrimaha dibada ee IGAD.
 
Wasiirkii hore ee arrimaha dibada kenya Mr kalonzo musyoka oo ahaa gudoomihii guddiga fududeynta ayaa soo waday shirka muddo iyadoo waxyaabihii ugu waawaynaa ee lagu xasuustana ay ka mid ahayd in uu joojiyay baasaboorka somaliga isagoo ku cadaadinayay sida laga soo xigtay warar ku dhaw dhaw wasaaradiisi hogaamiyaasha siyaasada si aysan uga tagin shirka illaa wax laga dhisayo balse dhibaato intaasi ka badan ay ka dhalatay iyadoo ganacsato badan uu ka xayiray safaradoodi dibaddaha ay ugu safri jiren baasaboorka somaliga ah.
 
ugu dambayn waxaa la saadalinayaa in shirkan ay wax ka soo baxayaan iyadoo aysan ahaan doonin sida ka muuqata mid u mira dhala sidii la rabay"sida ay qabaan dad badan" sababo badan oo jira awgood.balse waxaa la sugayaa wax qaybinta ay wadaan Hogaamiyaasha siyaasad,siyaasiyiinta beelaha iyo odayaasha iyo waliba khilaafka beelaha qaar ku dhex jira sida ay u xaliyaan Guddiga isku dhaf ah ee beelaha iyo Guddiga fududeynta IGAD iyadoo la is waydiinayo halka ay jirto kaalintii culumada,aqoonyahaniinta iyo in dheergaradka looga dambayn jiray garta iyo dhaqanka ku salaysan diinta islaamka.
 

Anab Mohamoud Abdulle <canabmumtaz@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2004

Dhicii loo Gaystay Shirkadda Xawaaladda ee Dalsan
iyo Somalida ku nool Magaalada Nairobi oo Saamayn wayn ay ku yeelatay Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD