Ruwaayadii
Aduunka
ugu
dheerayd:Shirka
Dib
u
heshiisiinta
Soomaalida,
Mbgathi,
Kenya.
Hassan
salahuddin.
Global
Media
Group.
Bristol.
Uk.
Email:
salahuddin100@hotmail.com
Inta
aanan
guda
galin
mawduucan
xiisaha
iyo
xasaasiyadaba
leh,
waxaan
soo
xasuustay
waraysi
aan
waa
sii
horaysay
dhagaystay
oo
sanadkii
1990-kii
ay
sii
daysay
laanta
Afsoomaaliga
ee
idaacada
BBC-da,
waraysigaa
waxa
daadihinayey
wariye
Yuusuf
Xasan
oo
xiligaa
aan
ka
sheekaynayo
ka
tirsanaa
shaqaalaha
laanta
Afsoomaaliga
ee
BBC-da
oo
anigu
aan
u
aqaano
BEEB
BEEN
SII!
.
Barnaamijku
waxa
uu
ku
saabsanaa
xaalada
siyaasadeed,
ta
dhaqaale
iyo
ta
bulsho
ee
ay
markaa
ku
jirtay
dawladii
Somalia
ee
uu
ku
hor
kaaji
jiray
ma
naxe
Siyaad
Barre,
waxaana
la
iswaydiinayey
qaabka
u
egaan
doono
Ilaahbaa
oge
aayaha
dambe
oo
dawladii
milatariga
ahayd
oo
sanadahaa
inta
miciyihii
ay
lahaan
jirtay
dhamaadeen
ilkihiina
dhacsatay.
Dadkii
barnaamijkaa
ka
qayb
galay
waxa
ka
mid
ahaa
Professor
Ismaciil
Sheekh
Samatar,
sida
uu
wariyuhu
inoo
sheegayna
waxa
uu
professorka
culuumta
taariikhda
ka
dhigayey
Jaamacada
Ratgos
oo
ku
taala
carriga
maraykanka.
Professerku
waxa
uu
maalintaa
idaacada
ka
sheegay
hal
qabsi
caan
noqday
oo
ku
saabsanaa
hanaankii
markaa
nabad
loogu
raadinayey
Soomaalia,
kooxihii
maanofeestada
ahaa
ee
soo
baxay
iyo
yooyootankii
ku
hadoodilnaa
jawigii
siyaasadeed
ee
Soomaalidu
inuu
u
egyahay
heestii
caanka
ahayd
ee
odhanaysay
SHIMBARAYOHOW
HEESA
OO
HEESA,
HEES
WANAAGSAN
HEESA.
Taasoo
uu
ula
jeeday
in
meesha
la
isku
khuurinayo
oo
dhinacnaba
aanu
daacad
ka
ahayn
in
Soomaalida
lagu
maamulo
cadaalad
iyo
sinaan.
15-sano
oo
gaw
ah
ka
dib
barnaamijkaa
habeenkaa
ka
baxay
idaacada
oo
lagu
lafa
gurayay
maxaa
u
dan
ah
Soomaalidii
isku
daashee
ayaa
maantay
xaaladu
waxay
isa
soo
laba
rogtaba
meeshii
ugu
xumayd
taagan
tahay,
shirkii
14-aad
ee
loo
qabto
kooxaha
ku
loolamaya
xukunka
Somalia
ayaa
marti
ahaan
loogu
fadhiyaa
sanad
iyo
dheeraad
madasha
MGATHI
oo
ah
goob
u
dhaw
magaalada
Nairobi
ee
wadanka
Kenya,
riwaayada
doorkan
waxa
gadhwadeen
ka
ah
dawlada
Kenya
oo
Soomaalida
gogosha
u
fidisay
waxaanay
u
xilsaartay
inuu
hawsha
buur
iyo
banaan
kii
uu
doono
kala
durduriyo
danjire
Kipligat
oo
inkasta
oo
uu
danjiruhu
sheegto
inuu
Soomaalida
aqoon
u
leeyahay
hadana
u
muuqad
marka
la
fiiriyo
sida
uu
wax
u
wado
jareer
indho
iyo
dhaga
la
oo
aan
waxba
kala
socon
taariikhda
iyo
hab
nololeedka
shacabka
Soomaaliyeed.
Ambassador
Kipligat
waxa
uu
isku
dayey
inuu
adeegsado
xeelado
siyaasadeed
oo
aah
noocii
Africanka
lagu
maamuli
jiray
ee
ahayd
QAYBI
OO
XUKUN
waxaanu
soo
kala
dhawaystay
kooxihii
loogu
talo
galay
in
lagu
heshiisiiyo
madasha
taasoo
dhaawac
weyn
u
keentay
hawlaha
hore
u
socodka
shirka.
Ma
jecli
inaan
ka
sheekeeyo
taariikhda
iyo
heerarka
uu
shir
ku
sheegani
soo
maray
waayo
wax
macno
ah
inooma
samaynayso
maadaama
uu
intaas
oo
dhan
burbur
iyo
is
afgaran
waa
ku
soo
jiray
hase
yeeshee
waxaan
si
dulxaadis
ah
ula
amba
bixi
doonaa
akhristayaasha
aniga
aragtidayda
waxa
sababay
in
shirkii
15-aad
ee
loo
qabto
soomaalidu
uu
hagaaso
oo
dhicis
noqdo,
rajada
ah
in
shacabka
Soomaliyeed
helaan
dawlad
dawlad
caadil
ah
oo
iyaga
matashaana
ay
ku
dambayso
mid
ku
dhacday
booraan
dheer
oo
afkii
laga
qafilay.
Markii
lagu
dhawaaqay
in
dawladii
cabudhinta
iyo
cadaadiska
ee
jaale
siyaad
ay
meesha
ka
baxday
horaantii
sanadkii
1991-kii
sida
lawada
xasuusto
waxa
kooxihii
markaa
ka
jiray
dalka
Somalia
la
iskugu
yeedhay
shirkii
ugu
horeeyey
ee
la
doonayey
in
lagu
soo
dhiso
dawlad
Soomaaliyeed,
waxa
lagu
qabtay
Jamhuuriyada
Jabuuti
waxaana
shir
gudoomiye
ka
ahaa
alla
ha u
naxariistee
Mohamed
Haji
Ibrahim
Ega,
qalad
ugu
horeeyey
ee
la
galay
markaaba
waxa
uu
ahaa
in
Cali
Hudheele
oo
ahaa
ganacsade
Soomaaliyeed
kana
tirsanaa
kooxdii
la
magac
baxday
maanofeesto
loo
caleemo
saaro
madaxweyne
taasoo
si
xun
uga
cadhaysiisay
Jeneral
Maxamed
Farah
Aidid
oo
hormuud
ka
ahaa
jabhadihii
ka
dagaalamayey
koonfurta
Somalia
dabayaaqadii
sideetamaadkii,
jeneraalku
waxa
uu
isku
arkayey
in
uu
isagu
yahay
ninka
u
qalma
in
kursiga
sare
lagu
fadhiisiyo.
Dhawr
shirbaa
ka
dambeeye
shirkaa
intaba
waxa
faraha
kula
jiray
ajanabi,
ha
ahaadeen
wadamada
jaarka
ama
wadamo
shisheeye
oo
bixinayey
kharashka
ku
baxayey
shirka,
nin
shisheeye
ah
oo
doonaya
in
uu
bakhtiiiyo
gurigaagii
oo
gubanaya
maxaad
ka
filaysaa?,
waxa
qof
kasta
oo
caaqil
ah u
cad
inuu
gaasta
ku
sii
kordhinayo
dabka
holcaya,
shirkii
dib
u
heshiisiinta
kooxaha
Sooomalida
ee
ka
dhacay
magaalada
Addis-ababa
sanadkii
1993-kii
waxa
ka
soo
qayb
galay
ilaa
15-kooxood
oo
wakhtigaa
sheeganayey
inay
matalaan
qabaailka
kala
duwan
ee
Soomaaliyeed,
shirkii
shirkaa
ku
xigay
waxa
lagu
qabtay
magaalada
dalxiiska
ku
wanaagsan
ee
Nazreet
oo
ka
tirsan
sodere
waa
dalka
Ethopiyee,
shirkan
waxa
ay
kooxaha
ka
soo
qaybgalay
kor
ku
dhaafeen
ilaa
sodon
kooxood.
Ruwaayadaha
la
sheegayo
in
lagu
heshiisiinayo
soomaalida
way
iska
soo
daba
dhacayeen
sanadba
sanadka
ka
dambeeya,
laakiin
waxaad
mooodaa
in
kan
ugu
dambeeyey
oo
kooxaha
meesha
ku
shirsani
ay
bari
dhawayd
u
dabaal
dageeyen
inay
ku
jireen
sanad
iyo
bar
is
afgaran
waa
ah
ay
tahay
tii
quusta
ku
ridaysay
dad
badan
oo
ka
tirsan
shacabka
Somaaliyeed
oo
in
uu
rajo
ka
qabay
la
heli
doono
heshiis
dhex
mara
qabqablayaasha
dagaalka
ee
koonfurta
Somalia.
Shirarka
intooda
badan
waxa
gacanta
ku
hayay
wadamada
Jabouti,
Kenya,
Yeman
oo
saamayn
aan
yarayn
ku
lahayd
shirarkii
dhacayey
sanadihii
sagaashamaadkii,
wadanka
masar
oo
isna
ku
celceliya
in
danaha
siyaasadeed
ee
kaga
xidhan
Somalia
aanay
yarayn
isagoo
ka
eegaaya
dhinaca
kanaalka
suwayska
iyo
marinka
mihiimka
ah
ee
badda
cas.
Hadaba
si
kastaba
arimuhu
ha
ahaadaane
wadamada
jaarka
ah
ee
ruwaadan
dheer
ee
Soomaalida
jilayaasha
ka
ahaa
waxaad
mooodaa
inay
ku
sifoobeen
tixdii
gabayga
ahayd
ee
miisaanka
cuslayd
oo
uu
tiriyay
alla
ha u
naxariistee
QAMAAN
BULXAN
oo
noolaa
horaantii
qarnigan
aynu
ku
jirno
caana
ku
ahaa
gabay
hoyaaleedka
Soomaaliyeed.
- BAADIDA NINBAA KULA DAYDAYI DAALNA KAA BADANE
- OO AAN DOONAHAYN INAAD HESHO DAAIN ABADIKAAYE
- DADKUNA MOODI DUUL WADA DHASHOON WAX U KALA DAHSOONAYNE.
Inta
aan
akhrisyaasha
ula
durdurin
gebo
gabada
qormadan
kooban
waxaan
jeclaan
lahaa
inaan
soo
bandhigo
qaabka
uu u
socdo
shirka
dib
u
heshiisiina
Soomaalida
ee
hadda
ka
socda
meesha
loo
yaqaano
MGBATI
ee u
dhaw
magaalada
Nairob,
xarunta
Kenyatiga.
Shir
ku
sheego
waxa
uu
marayaa
wajigiisii
sadaexaad
sida
ay
ina
leeyihiin,
waxa
uu
soo
maray
heerar
kala
duwan
ilaa
intii
uu
bilaabmay
qaarkoodna
waxaabay
ku
ag
simeen
burbur,
qof
gunta
u
fadhiya
mooyaane
lama
fahmi
karo
qaabka
ay
wadahadalau
u
socdaan
waayo
maaha
wadahadalo
daacad
laga
yahay,
waxay
u
badan
yihiin
xanshashaq,
wadahadalo
mararka
qaar
sir
ah,
shirsar
gooni
gooni
ah,
inyar
baa
la
yeeshaa
wadahadalo
fool
ka
fool
ah,
markii
hore
ruyaawadu
waxay
ka
socotay
magaalada
ELDORET
ee
gobolka
RIFT-VALLEY,
gadaal
dambe
ayaa
loo
soo
raray
masraxan
cusub
ee
MBGATHI,
sababa
loo
soo
raray
waxa
sheegay
inay
ahayd
xaga
dhaqaalaha.
Wararka
ugu
dambeeya
ee
ka
imanaya
madasha
uu
shirku
ka
socdo
ayaa
tibaaxaya
in
hudheeladii
ay
ergooyinku
ka
daganaayeen
madasha
shirka
dibada
looga
soo
saaray
ka
dib
markii
ay
iska
bixin
kari
waayeen
kharashii
jiifka
iy
cuntada.
Qaabka
is
xulufaysiga
dagaal
oogayaasha
Soomaalida
ee
madasha
ku
shiraya
ayaa
isna
yaab
oo
marba
waxay
ciyaartu
saaxiib
ka
dhigaysaa
qaar,
qaarna
way
kala
eryaysaa
waxa
tusaale
inoogu
filan
Mawliid
Macaane
oo
ka
socda
beesha
JAREERWEYN
waxa
uu
dhexda
uga
ciyaari
jiray
kooxda
SRRC-DA,
hadda
waa
gool
haye
adag
oo
ka
tirsan
kooxda
Group
8.
Cabdillahi
Yuusuf
ayaa
wajiyadii
ugu
dambeeyey
ee
shirka
la
soo
baxay
miisaan
isaga
oo
is
xulufaysi
siyaasadeed
ka
dhaxeeyo
Xuseen
Caydiid.
Dawlada
ku
meel
gaadhka
ah
ee
Cabdiqasim
Salaad
oo
iyadi
inbadan
ku
hanjabtay
inay
shirka
isaga
bixi
doonto
haddii
aanay
wax
u
socon
sida
ay
rabto
ayaa
madaxdeedii
ay
si
weyn
ugu
kala
jabeen
shirka
taasoo
baabiisay
miisaankii
ay
shirka
ku
lahayd
DKMG.
Inta
uu
shirku
Kenya
ka
socdo
waxa
maalin
dhawayd
magaalada
Mogadisho
looga
dabaal
dagay
dawlada
uu
madaxa
ka
yahay
Madaxweyne
Cabdinuuir
Darmaan.
Cabdinuur
Darmaan
waa
wiil
uu
dhalay
Diblomaasi
Soomaaliyeed
oo
hore
oo
iskii
isugu
magaacabay
inuu
madaxweyne
u
yahay
dawlad
yar
oo
ku
yabyabtay
magaalada
Mogadisho.
Marka
aad
si
wanaagsan
u
fiirisid
xaalada
koonfurta
Somalia
waxa
dhawanahan
sii
xoogaystay
colaadaha
u
dhexeeya
beelaha
hubaysan
ee
Soomaalida
arrinkuna
wuxuu
u
egyahay
kud
ka
guur
oo
qanjo
u
guur.
Dhibkan
weyn
ee
haysta
shacabka
soomaaliyeedna
sida
aan
anigu
aaminsanahay
waxa
masuul
ka
ah
shacabka
Somaaliyeed
laftooda
oo
hormuud
iyo
madax
ka
dhigtay
dadka
kuwii
ugu
liitay.
Waad
salaamantihiin
dhamaantiin
Hassan
Salahuddin
Global
Media
Group
Bristol
Uk.
Email:
salahuddin100@hotmail.com
Tel:
00-44-7946174533.
Faafin:
SomaliTalk.com
| July 6,
2004
Dhicii loo
Gaystay
Shirkadda
Xawaaladda
ee Dalsan
iyo Somalida
ku nool
Magaalada
Nairobi oo
Saamayn wayn
ay ku
yeelatay
Guji Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|