SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL
MUNAASABADDA KOWDA LUULYO OO SIWAYN LOOGA XUSAY DHAMAANBA GOBOLADA PUNTLAND IYO SOOMAALIAY.

Galkacyo (Somalitalk) Sabti July 03 2004
sahrasiglan | sahrosiglan@hotmail.com

Waxaa lagu qabtay magaalada galkacyo iyo guud ahaan dalka soomaaliya xafladu lagu maamuusayey 44 guuradi ka soo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobolada konfureed ee soomaaliya isla markaana aymidoobeen koonfur iyo waqooyi.

Saakana xarunta shirarka ee gobolka mudug ayaa waxaa lagu qabtay xaflad wayn oo lagu maamuusayay kowda luulyo oo ay ka soo qayb galeen mamulka gobolka kan degmada ururada bulshada ururada dhalinyarada ururada hawaeenka iyo dadwayne aad u farabadan.

Xafladan lagu qabtgay xarunta gobolka mudug ayaa masuuliyiintii ka hadlay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha gobolka mudug C/rashiid Cali Xashi (Dhuubane) Xildhibaanad casho geele Diiriye, kuxigeenka gudoomiyaha gobolka Cabdulaahi Xirsi Qamandhari, gudoomiye kuxigeenka gudiga dhalinyarada olombikda PL, Cabdinasir Badal Khalaf (Cabdi Hanad),masuuliyiin farabadan.

Ugu horayntii waxaa khudbad ka soo jeediyay munaasabaddan gudoomiyaha gobolka mudug waxa uuna kahadlay heerarkii loo soo maray xornima u dirirkii soomaaliyeed ayna ahaayeen dadkii dhaliyay gobanimada dalka dad dhalinyaro u badan lahaana hal mabda oo ay ku midaysnaayeen kadibna ay midoobeen koofurta iyo waqooyiga soomaaliya, waxa uuna mahad balaaran u soo jeediyay dhalinyarada gobolka mudug in ay yihiin kuwo ku dadaalala sidii ay uga qayb qaadan,lahaayeen munaasabadaha iyo waliba nabada guud gaar ahaanna tan gobolka Mudug.

Waxaa iyana kahadashay munaasabaddan xildhibaanad Caasho Geelle Diiriye ahna  gudoomiyaha shabakadda u heelanayaasha danaha haweenka PL,ee (Wawa) ayna salaan diiran u soo jeedisay dhamaan dadwaynaha soomaaliaya in ay ku ciidaan sanad farxadleh gaar ahaanna waxa ay salaam u soo jeedisay ururada dhalinyarada gobolka mudug oo ah kuwa isu xilsaaray sidii ay ugala qayb qaadan lahaayeen munasabadda 1-da luulyo oo dhamaanba laga xusayo soomaaliya, waxa ayna gaar ahaan ku xustay Cabdinasir Badal Khalaf oo ah gudoomiye ku xigeenka gudiga olombikada soomaaliyed ee PL.

Intaa kadib waxaa isna kahadlay halgamaaagii waynaa ee caanka ahaa Cabdulaahi Xasan Qamandhari oo kamid ahaa ururkii xornima u dirirkii SWL ee ku sugnaa dagmada jowhar.

Waxaa isna hadalo kooban ka soo jeediyay gudoomiye ku xigeenka gudiga olombikada PL Cabdi Hanad waxa uuna soo bandhigay sawiradii ururkii dhalinyaradii soomaaliyeed ee u soo halgamay xornimada soomaaliya ay haatan haysato ee (SWL). Waxa uuna kawarbixiyay sidii daacdda ahayd ee ay u hureer naftooda halka qaar kalana ay haatan nolyihiin ayaga oo dhaawac uu ka soo gaaray sidii ay u soo celin lahaayeen gobanimo qaran iyo calanba leh, waxa uuna qaar kamida iskuulada magaalada galkacyo

gudoonsiiyay shaqaado sharaf  uu sheegay in ay ku mutaysteen sida wanaagsan oo ay uga qayb qaateen nabadda iyo midnimada shacabka PL, iyo tan soomaaliba.

Waxaana lagu soo gabagabeyay heesta calanka ayadoo ay dhamanba hoos istaageen birta calanka ee ka dulbabanayay xarunta Gobolka.

Waxa ayna soo bandhigeen galabnimadii 1-da luulyo cayaaro kubada cagta oo lagu tartansiinayay laba kooxood oo kala ah Naadiga Galkom iyo Naadiga Sixa oo labaduba u ciyaara Gobolka Mudug.

Munaasabaddan oo laga xusay dhamaanba deegaanada PL, oo ay kamid ahaayeen caasumadda PL ee garoowe Boosaaso, laascaano, buuhoodle, baran iyo kuwa kalaba.

BAARLAMANKA PUNTLAND OO LAGA HOR ISTAAGAY SHIR AY YEELAN LAHAAYEEN IYO LABA WARIYE OO LAGU XIRAY GAROOWE

Galkacyo (Somalitalk)  Sabti July 03 2004

Waxaa saaka albaadada laga xirtay baarlamanka DGPL oo doonayay in ay ku shiraan xafiiskooda oo ku yaalay xarunta caasimadda PL ee Garoowe.

Macadda sababta kadambaysa ee dhabta ah ee loogu diiday in ay yeeshaan kulankooda, wallow ay jireen go aamo laga sugayay oo uu madaxwaynuhu ku sheegay in ay soo gaaraan xal ay kaga tashanayaan mudada labada sano ee ay ku kordhiyeen xukuumadda uuna ka sugayo xal kabadalan kan labada sano oo ay horay u gaareen, balse lamahayo xaqiiqadad ay maana kawada hadli lahaayeen, inkasta oo ay saaka la kulmeen xafiiskoodii oo loo laabay abaabada.

Golaha baarlamanka oo hortaagan xafiiskooda ayaa waxaa kulan la yeeshay labo wariye oo ka tirsan wargayska shacab ee ka soo baxa magaalada garoowe, labadan wariye ayaa isku dayay in ay sawiro ka qaadaan golaha barlamanka ee laga mamnuucay shirkii ay yeelan lahaayeen, labadan wariye ayaa lootaxaabay saldhiga garoowe ayadoo lagu eedeeyay sawirda ay kaqaadayeen barlamanka majiraan warar kale ee intaa dhaafsiisan oo cadaynaya xaalada dhabta ah.

Labadan suxufi oo kala ahaa:-

  • Tafaftraha Shacab Axmed Farax Nuur (Afay). iyo
  • Cabdirashiid Qooraansay.

sahrasiglan
sahrosiglan@hotmail.com

 MADAXWAYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO SOO GAABIYAY XILLI KORDHINTII AY SAMEEYEEN GOLAHA BAARLAMANKA PL.

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2004

WARARKA KALE EE MAANTA:

Tuugo Hubaysan oo Lixdan Kun oo Doolar Ka Dhacay Xafiiska Shirkada Dalsan ee Nairobi
»
Waxaana la diley "Shiikh Nuur Ibraahim" oo ka mid ahaa waardiyayaasha Masaajidka Jamia Musque.. Guji

Affey: Dawladda Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqayaa 30 July 2004
Danjire Maxamed Cabdi Affey oo ah Safiirka Kenya ay u magacawday Soomaaliya oo waraysi siiyey Ridwaan.. Guji July 3

Madaxweynaha DMG ah oo ka hadlay maalmaaha 26juun iyo 1da luulyo
C/qaasim salaad xasan oo xaflad  ku qabtay madaxtooyada KMG.ayaa... Guji.. July 3

Cali Khaliif Galeyr oo Nairobi Soo Gaaray
”Waxaan Diyaar u ahay in aan ka qeyb qaato Dhismaha Qaranka,waana joogi doonaa ilaa… Guji July 2

1da Luulyo oo Qaahiro Maalintii 3aad Looga Dabaal Degay
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Daggan Masar ayaa Guji

Munaasabad 1da Luulyo Loogu Qabtay London, UK
Munaasibadan oo ay ka qayb qaateen Soomaali fara badan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka... Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD