Lixda
lixaad
Allaha
na
qabto
haddaad
lix
bilood
ku
darsatid
Ilaah
baa
mahad
leh.
Nabadgelyo
iyo
naxariis
Nabi
Muxamed
korkiisa
ha
ahaato.
“Gorgor
garab
ka
jaban
meelna
waa
uma
gurguurtaane
Laga
guurye
odaygiina
yaa
gurada
saaraaya”.
Allaha
u
naxariistee
waa
sheeko
uusan
Aadan
Carab
soo
gaarin.
Meeqa
jeer
baa
Ina
Cabdi
Xaashi
go’aan
soo
saaray
dabadeedna
inta
C/hi
Puntland
tagay
beeneeyey?
Isla
Aadan-Carab
wuxuu
markaanoo
kale
dhahaa:
Afartaa
inaan
dhahay
bal
yaa
igu
dhalliilaaya?
Arrintaas
aan
sheegay
yaa
shaki
uga
jiraa?
Teeda
kale
odayga
wax
qabsada
ma
la
waayey?
Muxuuse
dad
dambe
hortiis,
C/hi
dabadii
la
tegin?
Teeda
kale
haddaan
hadalkiisu
soconeyn
maxaa
waalaya,
muu
iska
fiirsado
sida
C/hi
wax
yeelo?
Yaa
hadda
u
musaafurinaya
halka
ehelkiisu
joogo?
Oo
ma
C/hi
baan
aqoon
maansada
Aadan-Carab?
See
buusan
u
aqoon!
Waxaan
filayaa
inuu
C/hi
ka
helo
tixdan
markuu
Cadde
Muuse,
Maxamed
Cabdi
Xaashi
iyo
C/Raxmaan
Faroole
haysto:
-
Siduu Xayle madax reer tolkii ugu muraaddeeyey
-
Uu kii is-muujaba xabsiga ugu malaasaayo
-
Yaa ii malowdaye intii muuqataan dilaye
-
Isaguba masuuliyad u diid reer-Mokaannniba e’
-
Ina-Mililiq buu Xabashi yidhi hooy mid ka ahoow e’
-
Iyagoo manjaha ciid ka badan ama malyuunaada
-
Inuu kaligi malabkooda cuno waydin maqashaane
-
Goortuu xanjada muudsadee miidda ka idlaysto
-
Uu waxa macaan kala baxuu murudka siiyaaye
-
Ma muddaahaneeyee haddana waa maroorsadaye
-
Anigana ninkaan mood i odhan waan maraanmariye
-
Mandheeraan idiin dirin dadyow ii musuusuqiye
-
Maqsin baan idiin furin hadhuudh lagu masruuftaaye
-
Baddaa murugtay baan moolka dhexe idin muquursiine
-
Waa idin masaafurin ilaa toban kun oo mayle
-
Haddaan Samatar meeshuu fadhiyey kaga maqnaan waayey
-
Uu Cumar markaan maagganaa moosin ila jiidhay
-
Ma cid baan martabad siinaya malaki soo maahi?
-
Runtii C/hi taas wuu ku run sheegay oo meesha isagaa diiq ka ah. Markuu Aadan yiri:
-
Ina-Mililiq buu Xabashi yidhi hooy mid ka ahoow e’
C/hi
wuxuu
Cadde
Muuse
ku
leeyahay
ninyahow
ina-boqorkaaga
ma
aqaanne
meel
cagaha
dhig
oo
dadkaas
Puntland
jooga
mid
ka
mid
ah
noqo.
Markuu
Aadan-Carab
leeyahay:
Waa
idin
masaafurin
ilaa
toban
kun
oo
mayle
C/hi
wuxuu
Puntland
ka
saaray
Maxamed
Abshir,
Xasan
Abshir
iyo
Jaamac
Cali
Jaamac.
Nimankaasi
ceeb
ma
leh
ee
cidahooda
baa
ciilay
halka
C/hi
ood
arageen
ay
ciddiisu
u
haysato
inuu
caalim
yahay,
caddaaladdana
ku
fiican
yahay.
Kaaga
daran
waxay
u
caleemo-saarayaan
inuu
carrada
(Soomaaliya)
hogaamiyo
halka
qolyahaasi
raggoodii
ay
carri
shisheeye
u
direen.
Ogaada
hadda
la
ma
joogo
waqtigii
dowladdii
kacaanka.
Qofkaan
ciddiisu
ciilin,
cidi
ma
ciili
karto.
Weligiin
ma
maqasheen
hogaamiye-kooxeed
Xamar
oo
C/Qaasim
Xamar
u
diiday?
Maya
oo
nin
qabiil
haysta
C/Qaasim
Xamar
uma
diidi
karo
laakiin
wakaas
C/hi
dadkii
wada
cayrshay.
Markuu
Aadan-Carab
leeyahay:
-
Haddaan Samatar meeshuu fadhiyey kaga maqnaan waayey
-
Uu Cumar markaan maagganaa moosin ila jiidhay
-
Ma cid baan martabad siinaya malaki soo maahi?
C/hi
wuxuu
leeyahay
haddaan
Faarax
Dheere
ku
dilay
Garoowe
dhexdiisa,
Hurrana
duhur
ku
toogtay
kala-bayr,
Gaalkacyo
dhexdeedna
rag
ku
dilay
ma
Ina
Cabdi
Xaashi
baan
u
daahayaa
oo
iga
hor
imaankara?
Maya
allaylehe
suu
toban
jeer
ka
badan
buu
qoraal
aan
micno
lahayn
soo
saaree.
Cali-Dhuux
Allaha
u
naxariistee
markuu
lahaa:
Dhambaal
lalama
yaaciyo
waraaq
sida
dhabiilleede
Horta
wixii
dhacay
dhace
laakiin
waxaan
shaki
lahayn
inay
C/hi
uga
dhammaatay
Puntland
marka
la
gaaro
31
Juulaay/Luuliyo
2004.
C/hi
wuxuu
bartay
sida
kubbad-siyaasadeedka
loo
ciyaaro
oo
wuxuu
gartay
in
loo
dhigay
ilaa
6
rigoore
marka
wuu
yaqaan
in
inta
jeer
ee
la
tuurto
rigooraha
la
yareeyo
ilaa
lakala
raynayo.
Marka
faraq
uma
dhaxeeyo
haddaad
labo
sano
sheegatid
iyo
haddaad
hadba
lix
bilood
ama
seddex
ku
darsatid
laakiin:
duq
gaboobay
iyo
wiil
yar
baa
loo
dadaa
hadal.
Qamaan
Bulxan
baa
taas
noo
dhigay.
Marka
C/hi
waxaan
xasuusinaynaa
in
horay
loo
yiri:
Toddobaatan
ruux
jira,
tunkeyguba
ma
qaadee,
tasho
baan
ku
leeyahay.
Marka
hadda
sideetankii
baad
gashaye
adna
tasho.
Sida
Soomaalidu
u
tiraahdo:
ido
indhahood
waa
riyo
marka
reer
Mudugga
ayaa
Puntland
indho
u
ahe
bal
marka
iyagu
ha
u
hor
bilaabeen
rididda
C/hi.
C/hi
annaguu
naga
yimid,
annagaana
ridayna.
Marka
Cadde
Muuse
iyo
Maxamed
Cabdi
Xaashoow,
shacabka
reer
Mudug
iyo
C/hi
mid
taageera.
cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com
| July 2,
2004
Afeef:
Aragtida
qoraalkanwaxaa
lehqoraaga
ku saxiixan.
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com