Dawladda
faransiiska
waxey
ku
jirtaa
olole
ay
ku
muujineyso
af
faransiiska
iyo
hawsha
ka
hortagga
baaba’a
afka
faransiiska.
Haddaba walaalayaal wadamadaa
waa kuwo difaacaya astaamaha u gaarka ah ee nasiibka u yeeshay
dadyowgooda.
Somaliya nasiib wanaag waxey
ka mid tahay wadamadaa fara ku tiriska ah eel eh dadyow isku
dhaqan , af , diin , taariikh, u gaar ah , haddaba waxa waajib
ah in ay Somaliya noqoto badbaadiyaha burburka astaamhaa noo
gaarka ah haddii kale waxa dariishadda ka baxaya wax walboo la
xiriira magaca somaliya , qiimaha iyo muhiimka somaliya ku
leedahay dunidan.
Maadaama uu ihtimaamkeena ku
foorarsan yahay qalalaasaha siyaasadeed ee na heysta , waxaa sii
adkaanaya awooda aan u yeelan karno inaan hawshaa muhiimka ah ee
ka hortagga burburka magaca qaranka iyo qiimaha Somaali.
Mar la weydiiyey safiir
faransiis ah oo ku sugan bariga dhexe sababta uu dalkiisa xooga
u saarayo inuu tartan xoog leh la galo Af ingiriiska , una
halgamo inuu af faransiiska dunida ku fido , jawaabta uu bixiyey
baa cajaaib leh.
Wuxuu yiri
haddii aynu ka seexano
hawshan ah fidinta afkeena , waxaa dhici doonta iney dunida ku
soo harto in ka yar 50 qof keliya ee ku hadasha af faransiiska
. wuxuu farta ku fiiqay iney taariikhdy ilaawi Karin in afaf
badan sida Afka Sanskritka iyo dadyow hore u jiray ay maanta ka
mid noqdeen taariikh tegtay oo aan hadda jirin.
Sideynu la wada socono
baasaboorkii qaranka Somaliya waxaa meelo qaarkood looga
aqoonsaday inuu yahay warqad aan qiime laheyn , taana waxey
daliil u tahay baaba’a qiimaha qaranimada somaliyeed iyo talaab
ku sii jeeda in Somali jiritaankeeda halis galo hadaan waxba
laga qaban.
Sidaad ka war heyso magaca
Somaliya maanta wuxuu noqday mid dadyowga caalamka xasuusiya
qaxooti , dagaalo sokeeye , abaar iyo mugdi .
Waxaa la gaaray waqtigeynu
faraha ka qaadi laheyn wax walboo aan heyno oo u soo jeesano
ineynu murugoono.
Haddeynu murugoono waxa dhici
karta ineynu xal waara ah helno , kana badbaadno khatarta noogu
soo food leh.
Side bey kula tahay haddii ay
dhacdo in marka haweeney somaliyeed oo ganacsato ah ay aado
matalan dalka Turkiya , kala kulanto hotelka ay degan tahay dad
ku hadla afaf caalami ah ee dunida af Soomalina uu ku jiro?
Haddii la gaaro in dadyowga
koofu bari aasiya aaney isku qaldeenin Somaliya iyo Suudaan?
Marka aan loo baahneed in
dadyowga caalamka la tuso maabka juquraafiga si loogu sharxo
halka somaliya kaga taal.?
Dhibaatooyinka aynu manta ku
luga xiranahay ee aynu anaga mas’uul ka nahay - legdanka
siyaasadeed ee ma dhaamadaha noqday , burburka wadahadalada
siyaasadeed ee ka socda Kenya , amni xumada dalka
gudihiisa , is naceybka qabyaaladu abuurtay
dhammaan waxey ka mind yihiin calaamadaha lagu garto qaran
taariikhda ka tirtirmaya , kana mid noqonaya beelo aan laheen
waddan u gaar ah.
Dadyowga loo yaqaan
Balujistaan , kurdistaan iyo reer Tibet waa tusaale habboom
beelaha seegay qaran u gaar ah .
Walaalkeyga somaliyeed ,
waxaan ku xasuusinayaa in taa noo dambeyn doonto haddii aan
fekerin , dadaalin , sare u kicin oo aan ka hortegin khatartaa
weyn.
Waxaa kale oo taa sii dheer
iney marwalba jiraan waddamo ka faaideysta marka waddan
dariishada ka baxo.
Aynu sare u kacno maadaama
xalka gacanteenu ku jiro , ku dhaqaaqmo sideynu dhab uga dhigi
laheen riyada ah in somaliya noqoto tusaale loo soo qaato guul
iyo horumar. Marka dadyowga caalamka meel walboo ay joogaan ay
noogu daydaan karti hufan , isjaceyl , wada shaqeyn, cadaalad ,
horumar iyo daacadnimo oo dhaqanada wanaagsan aan la mataano
noqonay , marka la gaaro in dadyowga dunida , laba kastoo
balamaya ama heshiis gaaraya ay is xasuusiyaan habdhaqameedka
somalida halka ay ka dhihi jireen Bundameendo alaromaano ay
afkooda ku adkeeyaan “ (Iska ilaali ! waa habdhaqameedka
somalida ee ha goynin walaal)
Awes A.Cusmaan
thenewsomaliagroup@hotmail.com