GEERIDA HOGAANKII NABADA IYO DIB U HESHIINTA
QARANKA SOMALILAND ALLE HA U NAXARIISTEE MUDANE SHEEKH IBRAAHIM
SHEEKH YUUSUF SHEEKH MADAR.
Geeridu waa xejiya,qariya, waana fogeeya, qof kasta oo aad
jeceshahay iyo halyay kasta oo hooyo dhashay waa tii aakhirka u
jiidata xaga loo badan yahay, sida uu ku sheegay tuducaa yar oo
aan ka soo qaatay suugaanta hodanka ee abwaan Maxamed Xaashi
Dhamac Gaariye markii uu u baroor diiqayey geeridii naxdinta
lahady ee ku timid Rabi ha u naxariistee maanso yahankii weynaa
CABDILLAHI SULDAAN TIMACADE.
Geerida naxdinta leh ee ku timid mudane Sheekh Ibrahim Sheekh
Yuusuf Sheekh madar gudoomiyihii golaha guurtida Somaliland
waxay naxdin weyn ku tahay guud ahaanba shacabka Jamhuuriyada
Somaliland iyo inta jecel nabadeynta, odayaynta iyo isku soo
dhawaynta beelaha walaalaha ee dega guud ahaanba mandaqada
geeska Africa.
Alla ha u naxariistee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh
Madar waxa uu ka dhashay qoys iyo qabiil magac weyn iyo
maamuusba ku lahaa taariikhda gobolka geeska Africa, Aabihii waa
Sheekh Yuusuf Sheekh Madar oo sheekhal baladiyaha magaalada
Hargeisa ka dhaxlay ninkii budka dhigay caasimada Jamhuuriyada
Somaliand oo ahaa Sheekh Ibraahim awowgii SHEEKH MADAR, Sheekh
madar waxa uu ahaa culimadii ugu soo hordegtay magaalada
hargeisa dabayaaqadii qarnigii tagay waxaanu ka bilaabay
magaalada malcaamad quraan oo ku soo barbaarin jiray caruurta.
Sheekh Ibrahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar waxa loo doortay
inuu noqdo gudoomiyaha golaha guurtida qaranka xiligii lagu
jiray habqanka iyo dagaalada ee dabayaaqadii sanadkii 1988-kii,
waxa uu sheekhu ahaa gudoomihii golihii odayaasha ee ururkii xaq
u dirirka ahaa ee SNM oo dhulka ka xoreeyey maamulkii uu madaxa
ka ahaa ma naxariiste Maxamed Siyaad Barre.
Alle ha u naxariistee Mudane Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf
Sheekh Madar waxa uu kaalin lama ilaawaan ah ka soo qaatay hub
ka dhigistii qaranka ee horaantii sanadihii sagaashamaadkii
isagoo la soo shaqeeyey dawladihii ay madaxda ka ahaayeen
madaxweynihii ugu horeeyey ee Jamhuuriyada Somaliland
Cabdirahman Ahmed Cali, iyo maamulkii Maxamed Xaaji Ibrahim Egal.
Sheekh Ibrahim Sheekh Yuusuf Sheekh madar waxa uu sumcad,
kalsooni iyo ixtiraam kaga kasbaday kartidiisii odaytinimo iyo
nabadeyntiisii dhamaanba beelaha dega dacal ilaa dacal ee
Jamhuuriyada Somaliland.
Ugu dambayntii bahda hayada wararka fidisa ee GLOBAL MEDIA
GROUP oo fadhigeedu yahay magaalada Bristol ee wadanka
ingiriisku waxaanu tacsi gaadhsiinaynaa dhamaanba eheladii,
qaraabadii,asxaabtii iyo guud ahaanba shacabka Jamhuuriyada
Somaliland.
Hassan Salahuddin
Chairman
Global Media Group
Bristol, Uk,
Email:
globallmedia@hotmail.com
Tel: 00-44-7946174533.