Yooye Kaarshe
M.M.M
warfaa2oct@yahoo.com
Waxaan salaamayaa dhamaan danyarta Soomaaliyeed ee ku dhiban
dhamaan dacalada aduunyada. Waxaan Allah ooga baryayaa in uu
dhibaatada ka dul-qaado, iyo in uu garansiiyo meesha dhibku
kaga yimid...aamiin..aamiin.
Waxaan salaan qaasa u dirayaa danyarta garatay tala xumada dagaal
ooga yaasha, aaminsan in dhulka Soomaaliyeed aan lagu kala
lahayn qabiil balse qof waliba xaq dhulka ugu leeyahay
guriga iyo dhulka uu ku ganacsado ee uu warqada lahaanshaha
u haysto, dadka ku qiimeeya aragtidooda balse aan ku qiimayn
qoyska uu ka dhashay, tix-geliya ama qiimeeya aragtida qofka
kale haduu doonaba yuusan ku raacine, aaminsan in hadalka
Allah ee ku qoran kitaabka uu yahay sax, sidaa daraadeedna
cidii aan wax ku xukumin kitaabka Allah in aysan aaminsanayn
Allaha ay sheeganayaan. Sidoo kale bani aadamku wuxuu
leeyahay sharci iyo xeer ay degsadaan, hadii aysan ka hor
imaan sharciga Allah in la raacaa waa waajib kamana hor
imaanayso kitaabka raacidiisa, waa haduu ku quseeyo
sharcigaa.
Akhristow, inta aanan gudo gelin tuducda ama gogol dhiga
qoraalkan ka hadlaya General Barre iyo labada Col.C/llahi
iyo Riyaale een cinwaanka ku soo qaatay, waxaan jeclaa in
aan waxyar milicsano taariikhda taxanaha ah ee aduunku soo
maray iyo halka ay ka bilaabatay ilbaxnimada aduunka,
inkastoon la soo koobi karin hadana waxaan ka soo
qaadanaynaa in yar oon ku fahano ujeedada qoraalkan
Akhristow, aqoontu ama ilbaxnimadu waa wax guura oo hadba
meel taga. Waxay ka bilaabatay, Middle-East..Iraq.. waxay
tagtay Europe..Paris. waxay hadana aaday North America..New
york. waxay waayadan saadaaliyaan in ay aadi doonto Asia
sida China, Aqoonta aan ka hadlayaa waa mida technologyada!
ma ahan mida Diinta. Hadaba su'aashu waxay tahay ilbaxnimada
iyo xadaarada Soomaaliya xagay ka bilaabatay? xagayse ku
danbaysay? mise waliba nama soo gaarin? su'aalahan
jawaabtooda waxaan u daynayaa qof waliba iyo aragtidiisa
aqooneed halka ay gaarsiisantahay, balse ujeedadeenu waa in
aan ogaano waxa Generaalka loo diiday Col- kana loo rabo, ma
wax la xariira ilbaxnimadaa? mise waa aqoon guur astaanteed?
Soomaaliya iyo Qarniga Kow iyo labaatanaad "Warlordism
Era"
Akristow, dadka qaarkii waxay yiraahdaan Gobolada Waqooyi
Galbeed iyo Waqooyi Bari way kaga horeeyeen gobolada kale
xaga xadaarada oo ah qorista iyo akhrinta, waxay yiraahdaan
waxaa taa u daliil ah, goboladaasu waxay ka hormareen
dhinacyo badan marka loo eego gobolada dalka intii lagu
jiray xiliga Warlordismka, waxay haystaan maamul iyo kala
danbayn aan ka jirin wadanka intiisa kale, waxaa ka jira
iskuulaad ilaa heer jaamacadeed ah in kastoo aan la hubin
tayadooda aqooneed, dadku waxay u ganacsadaan si xor ah oon
cidina isbaaro aan sharci ahayn u dhigan, iyo hadii dawlad
Soomaaliyeed la helo goboladan waxay gaari doonaan horumar
la mid ah midka ka jira dunida hor martay, sababtoo ah waxay
leeyihiin dad badan oo aqoon u saaxiib ah. arimahan iyo kuwo
la mid ah waxay ina tusinayaan dadkan in ay Soomaalida kale
wax dheeryihiin.
Dad ka mid ah kuwa u dhashay labadan gobol ayaa waxay is
moodsiiyeen, in ay Soomaali iyagu ugu horeeyaan marka loo
eego xaga, dhaqaalaha, aqoonta, cududa millateri, siyaasada gudaha
iyo dibadaba, sidoo kale waxay is tuseen in Soomaali aysan
samaysan karin waxay iyagu u sameeyaan mooyee, ayna yihiin
dadkii Soomaali ka xoreeyay gumaysigii Talyaaniga iyo kii Ingriiskaba, isla
markaana ay masuul ka ahaayeen rididii dawladii dalka ka
jirtay 21-ka sano, waxayse diideen masuuliyada ah in ay
qaataan dhibaatada laga dhaxlay dawlad la aanta!
Akhristow, in badan oo kamid ah shacab weynaha Soomaaliyeed waxay
qabaan aragti ka duwan mida aan kor ku soo aragnay, oo waxay
leeyihiin, dadka ku nool labadaa gobol ma aha dad xor ah oo ka
hadli kara ama cabiri kara rabitaankooda siyaasadeed, iyagoo
tusaale u soo qaadanaya arimo badan oo ay ugu danbeeyeen
labadii dhacdo ee ka kala dhacay Burco iyo Gaalkacayo, waa
muxaadaradii Gaalkacayo laga mamnuucay iyo aqoon
isweydaarsigii ka dhici lahaa Burco. Sidoo kale: xarigii
Boqor Buur madow iyo Xassan Abshir oonan tagi karin gurigii
uu ku dhashay, in ruux kastaa oo loo arko in uu Allaah ku
xiran yahay loo gudbiyo dhinaca Ethiopia, xabsiyadii lagu
xukumay dadkii ka qaybgalay shirkii Carte, arimahan iyo kuwo
badanba waxay muujinayaan dib u dhaca siyaasadeed ee ka
jira labada gobol, dadkana lagu hayo caburin joogta ah. Hadaba
waxaa shacabku is weydiinayaa maxay tahay waxa ka xun qofku
in uu aragtidiisa xor u ahayn? mase la waayay wax dhaama
labada Col? aawayse aqoontii iyo xadaaradii labada Gobol sheegan jireen?hadiise
dan la mooday Col. maxaa loo diiday Generalkii dalka
xukumayay? malaha dad baa qaba labada Col. in ay ka
fiicanyihiin Generaalka! bal aynu eegno
Is-barbar dhigid Generaalka iyo labada Col. si aan u
ogaano waxa lagu nacay Generaalka iyo aqoonta goboladan ay
dheeryihiin Soomaalida kale.
Waxaan ku hormarayaa Waqooyi Bari Col. C/llahi,
marka la eego xaga aqoonta wax barashada, Alle ka cabsiga,
Gumeysi diidka, Wadanka oo daacad loo ahaadaa, dhawrista
hantida qaranka, daryeelka danyarta, wacyi gelinta bulshada,
illalinta iyo dhawrista dadka iyo deegaanka, dhamaan
arimahan iyo kuwo aan la soo koobi karinba Generaalkii
dalkan xukumi jiray wuxuu kaga fiicnaa ama kaga horeeyay in
badan Col.C/llahi.
Xaga qaladaadkii dhacay, Generalka wixii xukunkiisa ka
horyimid wuu la dagaalamay, sida SSDF, SNM, iyo USC. Col.
kuna sidoo kale wuu la dagaalamay wixii xukunkiisa ka
horyimid cid walibana way la socotaa dagaaladii ka dhacay
Waqooyi Bari wixii sababay. Generalka waxaa lagu eedeeyaa in
uu laayay dhawr culumo ah. Col-C/llahi wuxuu xasuuqay in ka
badan dhawr boqol oo culumo ah. Generaalka waxaa lagu xaman
jiray in uu xukun jeclaa, waxaa'se ka daray Col.
Muxuu Generaalku kaga fiicnaa Col? Generaalku taladiisa ama
go'aankiisa xor buu u ahaa, Ethiopia iyo wixii Soomaali
cadaw ku ah in uu wax u sheego mooyee wax uma aysan sheegi
jirin, xaga aqoonta iyo soomali nimada wuu kaga fiicnaa Col,
Generalku wuxuu daryeeli jiray ama tix gelin weyn u hayay
dadka laga tirada badanyahay, Col. qoyskiisa mooyee cid uu
wax u ogalyahay ma jirto, taa waxay sababtay in beesha uu ku
abtirsado ay qaybsan weyday xubnihii 61 ahaa ee ay
baarlamaanka ka heleen, kadib markuu codsaday in la siiyo ku
dhawaad 40 saami la' eg. Generaalku wuxuu xurmayn jiray
odayaasha dhaqanka, tolkiina ma layn, Col.C/llahi wuxuu
laayay odayaashii xurmada lahaa sida Suldaan Hure, sidoo
kale tolkii wuxuu ka dilay Soomaali kama aysan dilin.
Generaalku, wuxuu ka toobad keenay culumadii la laayay
markuu xukunka hayay, wuxuuna yiri waxay ahayd shirqool ay
ii dhigeen ragii daba dhilifka ahaa ee ku jiray golihii sare
ee kacaanka oo rabay in ay shacabka iga horkeenaan, iyagaa u
codeeyay in culumada la laayo, ragaa badidood waxay ahaayeen
kuwii u dhashay Gobolada Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed ee
ku jiray labadii gole. Col.C/llahi kama toobad keenin ee wuu
ku faanaa culumadii dhawrka boqol ahayd ee uu ku laayay
deegaanka uu ka taliyo, welina wuxuu u malafsanayaa haduu
talada wadanka faraha ku dhigo in uu culumo badan kurka ka
goyn doono ama Ethiopia u dhiibi doono.
Hadaan u gudbo dhinaca Waqooyi Galbeed,
Col. Riyaale iyo duqii xilka ooga dardaarmayba, marka loo
eego xaga garashada ama waaya aragnimadaba, waxaa kaga
horeeyay Generaalkii, Generaalku horumarka uu gaarsiiyay W/Galbeed ma
aysan gaarsiin Col. Riyaale iyo qolyaha la shaqeeyaa.
Generalku intuu talada hayayna wax lataaban karo ayuu qabtay, sida:
dhisida iskuulaadka, goobaha caafimaadka, wadooyinka iyo
dekedaha, abuuritaanka shaqooyinka, dhiira gelinta bulshada
in ay gacantooda wax kula soo baxaan, joojinta
mu-qaadaraadka oo lagu yaqaan gobolkan, horumarkii uu ka
hirgaliyay Gobolada W/Galbeed kama uu san hirgalin
deegaankuu ka yimid, taa waxay cadaynaysaa in uu ka Soomaali
jeclaa kana cadaalad badnaa Col.Riyaale iyo qolyaha
doortayba, Generaalku wuxuu yiri Soomaali way simantahay
dhulkuna wuu ka dhexeeyaa, Col. Riyaale wuxuu yiri
Soomaalida aan u dhalan Qabiil hebel waa in ay ka guuraan
Waqooyi Galbeed. Generaalku wuxuu aaminsanaa bigger
is better in la mideeyo dhamaan shanta Soomaali, si
ay u wada isticmaalaan qayraadka wadankooda una wada
ilaaliyaan mid-nimada iyo sharafta dhulkooda. Col. Riyaale
iyo qolada dooratayba waxay aaminsanyihiin in qabiil waliba
iskii dawlad u noqdo iyagoo taageeray taladii gumeystuhu
wadanka ku kala qoqobay.
Xaga qaladaadkii dhacay, Generaalka waxaa lagu eedeeyaa in
uu kula dagaalamay jabhadii Xabashidu soo hubaysay ee SNM
gudaha magaalada Hargeysa kuwaa oo ka horyimid maamulkiisii,
Col. Riyaale iyo Duqii ka horeeyay sidoo kale markii ay
xukunkoodii ka hor imaadeen haraadigii SNM ee uu
hogaaminayay C/rahman Ahmed Ali (Tuur) waxay kula
dagaalameen gudaha magaalada Hargeysa, Generaalka waxaa lagu
eedeeyaa in uu xir xiray dad mudaaharaad ku sameeyay ama ka
hor yimid xukunkiisa. Col. wuxuu ka dheereeyay Generaalka oo
wuxuu xabsi goor habeenima ah u diray arday gaaraysa
boqolaal, Generaalku wuxuu xurmayn jiray oday dhaqameedyada
oo inta ay maamulkiisa caayaan ayuu inta lacag siiyo ku
odhan jiray, kala saara dhaqanka iyo nidaamka dawlad
leedahay ee muusan xiri jirin, Col. Riyaale odayaashii wuxuu
ka dhigay kuwo uu xiro sida Boqor Buur-Madow iyo kuwo uu
yiri hadaad nabadayn Xamar u aadaan waan idin xirayaa.
Gunaanadkii
Generaal Barre philisophy, markuu talada la wareegay iyo
maalintuu ka tagayba wuxuu umada Soomaaliyeed kula
dardaarmayay in ay illaaliyaan midnimada iyo sharafta
wadanku leeyahay, gacan shisheeyana ka xoroobaan, in dagaal
wiil ku dhinta mooyee uusan wiil ku dhalanayn, in laga
faa'idaysto qayraadka wadanka "Biyo sacabadaadaa looga
dhargaa" in laga fogaado fadhi ku dirirka iyo huu-haada
meelaha lala taagan yahay loona soo jeesto in beeraha la
qoto, qayraadka badana lala soo baxo, in aqoon la'aani ay
tahay iftiin la'aan "Bar ama Barro".
Maxaan ka faa'idnay labada Col. iyo kuwa lamidka ah
Warlords philosophy,Talada wadanka waa in lagu saleeyaa hab
ku dhisan qabiil 4.5, dhulka soomaaliyeed waa in lagu kala
lahaadaa qaab qabiil, qabiil walibana waa in uu deegaankuu
haysto loo xalaaleeyaa, Madaxweyne waxaa iska leh Hawiye/Daarood,
Ra'iisal wasaare waxaa leh Daarood/Hawiye inta kalana
yeelkeed, dadka golaha baarlamaanka loo dooranayaa waa in
Ethiopia laga soo ansixiyaa magacyadooda lana hubiyaa in ay
san diin shaqo ku lahayn, qofkii la arko isagoo diinta sida
ay tahay u fulinayaa waa in Xabashida gacanta loo geliyaa
waayo waa argagixiso,
Somali philosophy
Dabcan, waxaan muuqan wax weyn oo Generaal Barre lagu nacay,
Col. C/llahi iyo Col. Riyaale na lagu doortay. Balse inta
badan Soomaalida waxay ula muuqataa in labadan Gobol ay
yihiin kuwo ku caanbaxay xaga qabyaalada iyo nin jeclaysiga, oo
aysan ahayn dad ka hormaray xaga aqoonta iyo in qofka lagu
qiimeeyo aragtidiisa balse aan lagu qiimayn qoyska uu ka
dhashay. Taa waxaa daliil u ah, Xassan Abshir iyo Cismaan
Jaamac Kaluun waxay doonaan ayay Xamar iyo dalka intiisa
kale ka sheegi karaan, balse W/Bari iyo W/Galbeed kama
sheegi karaan Xorna uma ahaa in ay cabiraan aragtidooda
siyaasadeed ama ay soo booqdaan eheladoodii.
Waxaa kaloo Generaalka lagu nacay!
1- Wuxuu yiri Soomali way simantahay, dadka u dhashay
Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeedna waxay la siman yihiin
Soomaali inteeda kale.
2- Wuxuu diiday in qabiil wax lagu qaybsado 4.5
3- Russia iyo America ayuu ka diiday in uu Ethiopia iyo wax
la mida ay war u sheegaan ama uu hoostago
4- Wuxuu xor u ahaa taladiisa, wuxuuna samayn jiray sida uu
u arko in ay Soomaali dani ugu jirto, wuxuu ka fogaan jiray
in uu noqdo oday qabiil, balse wuxuu ahaa oday Soomaali u
siman, qalad iyo saxna uu ka dhici karo.
Qoraalka oo igu dheeraaday awgeed, la soco qaybta danbe oo
aan ku soo qaadi doono dhinaca Koonfureed ee dalka. Insha-Allah
Yooye Kaarshe