1.revolving
capital
waxkhtiba wakhtiga uu ka badanyahey oo uu ganacsigu shaqeynayo
wuxuu u bahan yahey lacag lagu bixiyo mushaarka shaqalaha, raw
materialka, kirada iyo waxa lamid ah. hadaba marka badeecada
ladiyaariyo waa in suuqa lageeya si lacag loogu helo, lacagtaas
marka badeecada laga helo waa in hadana kharajka joogtada ah
lagu bixiyaa, sidaa darteed waxaad aragtaa in wareeg jiro(circle).
hadaba qeybtaan waxey ina bareysaa in markasta isbadel wareegi
ahi jir, oo matalan marka aynu badeecada cadeyno(iibino) lacagta
aynu helno hadana ganacsigi beynu kusii maal gelinaynaa.
2.regular working capital
waxaa jirta baahi joogta ah oo lacageed oo markasta lagu
kicinayo ganacsiga. hadaba lacagtaas waxaa loo bahan yahey
markasta iyo xilikasta waxaana muhiim ah in gacanta lagu hayo
lacagtaas si loogu maamulo ganacsiga, sidaa darteed qeybtaani
waa joogteynta baahidaas aan soo sheegney.
Factors effecting working capital
muhiimada aan casharkaan ka laheen waxa weeya bal in aan ogaano
wax yaabaha sameeya hantidaan joogtada ah . waloow aan Qormadi
horeeto aynu kusoo xusnay hantida shaqeysa.
hantida shaqeysa waxaa looga bahan yahey in ay ku tiirsanaato
qeybo tiro ah oo ganacsiga ah markastana lagu qiimeyo qeybahaan
soo socda:
1.Dabiiciga
ganacsiga
(The Nature of Business):
hantida shaqeysa ee shirkadeed waa muhiim in ay ku tiirsanaato
dabiiciga ganacsiga, oo uu tixgalinaayo baayomucsharka, mar mar
waxaa looga bahan yahey in hantida shaqeysa lagu maal geliyo
Stocks-ka, waxaa kaloo loogu tala galey in waxyar lagu maal
geliyo asheyda jiritaankodu fogyahey(Fixed Asset).
2.Baaxada Ganasiga
(Size of the Business):
hantida shaqeysa waxa looga bahan yahey in ay ku tiirsanaanto
baaxada iyo howgal baaxeedka ganacsi ee markaas jira. taasi
macnaheedu waxa weeye baaxada ganacsi hadii ay weyntahey wuxuu u
bahan yahey hanti badan oo shaqeysa si ay ugu fududaato
howlgalku.
3.Dhererka
wakhti waxsoosarka
(Length of Period of Manufacturing)
hadii waxsoosarka badeecadeed uu wakhti badan istaago iyadoo
markaas loo aneyn karo dhinaca warshadeed ama gadiid waxaa
markaas loo bahan yahey lacag aad utiro badan oo shaqeysa si
loola kulmo ama loogu wajaho kharajaadka wax soo saarka ilaa
inta la cadeynaayo/la iibinayo badeecada. taasina waa muhiimada
in loo dhuundaloolo wakhtiga iyo inta waxsoosarka lagu
sameenkaro.
4.Habka
ibinta iyo sogadashada badeecad
(Methods of Purchase and sale of commodities)
hadi uu ganacsigu awood u leeyahe in uu iibsado raw materialka
markasta oo markaas deyn ku iibsado, hadana uu awood u leeyahey
in uu badeecada markaas soo baxda lagu iibiyo lacag, markaas
ganasigaasu wuxuu ubahanayaa in ay yartahey hantida shaqeysa.
lakin hadii raw material ka ay shirkadu ku iibsato lacag isla
markaasna badeecada ay soo saarto ay ku iibiso deyn hadaba
markaas waxaa loo bahan yahey hantida shaqeysa in ay aad
ubadantahey.(Vise-versa).
5.Ubadalida
asheyda shaqeysa lacag
(Converting working assets into cash)
hadii ay asheydu ay yihiin kuwo markas lacag loo badeli karo,
tusaale ahaan ashey waxaa jirta markasta oo lacag loo baahdo
iyaga loo badeli karo, sidaa darteed hantida shaqeysa wax yar
baa looga bahan karta. lakin markii ay jirto baahi lacageed oo
asheyda markas jirta ay adegtahey in loo badelo lacag, markaas
waxaa loo bahan yahey hanti badan oo shaqeysa.
6.Wakhti yada kala duwan
(Seosonal Variation)
waxaa jira warshado kuwasoo iibsada raw-meterial xiliyada waxsoo
saarka sida Cotton,sidaa darteed warshadasi waxey u bahantahey
hanti badan oo shaqeysa maxaa yeelay warshado wax soo saarkeedu
wuxu ku xiran yahey seasonal(wakhti)
7.Khasaaraha
Ganacsi
(Risk in Business)
ganacsiga sida Shidaalka warshadaha soo saara waxey u dhaxeyaan
khasaaro badan.ganacsiga wuxuu awodaa ama uusan awoodin in uu
qodniin ku soo saaro shidaalka . hadaba ganacsigaani wuxuu
ubahan yahey hanti badan o shaqeysa si khasaaraha markasta loogu
wajaho.
8.Baaxada
awooda shaqaalaha
(Size of labour forces)
hadii baaxada shaqaalaha ee waxasooraadka badecadeed uu badan
yahey, ganacsigaasi wuxuu ubahan yahey hanti badan oo shaqeysa
9.Dhaqdhaqaqa
Ganacsiga wadanka
(State of Business activity)
hadii ganacsigu yahey mid mustaqbal fiican laga leeyahey waxaa
fiican in uu loo badiyo hantida shaqeysa si u ganacsigu baaxad u
yeesho.
10.Siyasada
Ganacsi
(Business Policy)
hadii ganacsiga
maliyadiisu ay kutimaado dhamaadka sanad kasta qiimo dhac,waxaa
loo bahan yahey in laga hortago qiimo dhaca maaliyada, dabcan
markaasna waxaa isbadal ku imaankaraa siyaasada ganacsiga
waxaana hubaal ah in markasina wax badan ka badalmayaan hantida
shaqeysa.
F.G
akhrista sharafta leh waxaan ushegayaa hadii uu wax ka fahmi
waayo Qormadaan ha u qaadan in uu cilmiga maliyadu
adagyahey, casharkaani wuxuu anfacayaa qofkii wax uga
bilowbanyihiin ganacisga iyo dhaqaalha.