Baryo iyo baqdin
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
Xagg diinta islaamka waxaa ”baryo” iyo ”baqdin” labadaba lagu
caabudaa Rabbi, laakiin nin dhallinyaro ah, oo magaciisa la
yiraahdo Fahad Yaasiin xaaji Daahir ayaa wuxuu qoray labo maqaal
oo uu mid ku baryey Cabdiqaasim Salaad Xassan, midna uu kaga
baqay Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Inta aanan aragtiyo koobkooban ka dhiiban qoraallada wiilka
ayaan waxaan in yar ka saxayaa hababka markii dad wax loo
sheegayo wax loo tebiyo. Horta qofku labo waddo ayuu mid maraa
markii uu arrimahaan oo kale qorayo.
Midda kowaad waa in uu qoraalka oo dhan hadalka ku wajaho
akhristaha, oo uu tusaale ahaan sidaan u wado ”Cabdiqaasim wuxuu
jeclaa Maxamed Siyaad”. Midda labaad waa in uu hadalku qofka
laga qorayo toos ugu aaddan yahay, tusaale ahaanna waa sidaan
”Cabdiqaasow waxaad jeclayd jaalle Siyaad”.
Labadaas siyaalood isku maqaal gudihiis la iskuma qaso, oo waa
in mid la raaco, laakiin Fahad waxaa la moodaa in uu cusbo iyo
saliid isku soo walaaqay, oo mar wuxuu toos ula hadlayaa qofkii
uu wax ka qorayey marna wuxuu la hadlayaa akhristaha, taas oo
muujinaysa in uu mudane Fahad Yaasiin u baahan yahay in wax loo
sheego.
Waxaa laga yaabaa in ay dad badan oo ogaa in aanan dhallinyarada
internetka kula murmin ay la yaabaan in aan haatan Fahad Yaasiin
xaggiisa xoogaa ereyo ah u tuuro. Run ahaantii waa arrin
wanaagsan in dhallinyarada qaarkood marmar lala hadlo.
Ugu horraytii wuxuu Fahad hadalka ka bilaabay “Cabdiqaasim wuxuu
siyaasadda ku biiray asaga oo da’ yar!”. Haddii runta loo hadlo
wuxuu Cabdiqaasim siyaasadda Soomaaliya ku lugdarsaday markii la
abaabulayey shirkii Carta, waxayna da’diisu ahayd 62 sannadood,
filkaas oo ah cimriga ay dadka reergalbeedku madaxa la galaan
marxaladda hawlgabka.
Dadkii kacaanka la soo shaqeeyey laguma tilmaami karo in ay
siyaasad ku jireen, laakiin Maxamed Siyaad keli ah baa la oran
karaa wuxuu ku jirey siyaasad maddaama uu keligiis lahaa
dhammaan siyaasadda kacaanka. Dadka kale xataa guryohooda
ayeysan u madaxbannaanayn, oo in ay reerkooda gaar u dhaqdaan
uma uu oggolayn Maxamed Siyaad Barre.
Xubinta labaad oo hadalka Fahad waxay ahayd “Nasiib wanaag waxaa
bilawday hindisihii walaaltinnimo ee ka soo baxay madaxweyne
Ismaaciil Cumar Geelle”. Hadalkaani ma aha hadal uu Fahad asagu
leeyahay, ee waa halhayska Cabdiqaasim, waana hadal aan wax
macne ah u lahayn danaha ummadda soomaaliyeed. Maskaxda aan
bislayn waxaa lagu gartaa in ay ka buuxaan sawirro aysan ayadu
lahayn iyo in uu ka soo baxo hadaaq aysan caddayn karin meel uu
ku sal leeyahay.
Hadalladii Ismaaciil Cumar Geelle oo sidoodii ah ayuu Fahad
wuxuu ku saleeyey maqaalka uu Cabdiqaasim kaga hadlay, oo
tusaale ahaan wuxuu qoray waxyaalo ay dadku ku qoslaan sida “Waa
tii ay soomaaliyi Carta ku dhisteen barlammaan”!
Ereyga “Soomaali” waa uu og yahay Ismaaciil Cumar in uu ku
xadgudbayo, laakiin danihiisa gaarka ah ayaa ku jira in uu
sidaas u bahdilo, hase ahaato ee Fahad wuxuu iska qaatay wax uu
maqlay. Waxaa jira xaddiis oranaya “Qofka waxaa xumaan iyo shar
ugu filan in uu iska tebiyo wax allaale oo uu maqlay”. Wuxuu
xaddiiskaasi ka digey in sida Fahad oo kale la iska weriyo wax
laga maqlay Ismaaciil oo kale.
Aayad Qur’aanka ka mid ah baa waxay leedahay: “Haddii uu qof
faasiq ahi idiin keeno war cusub waa in aad hubisaan, si aysan
dad xogmoogeyaal ahi ugu kedsoomin oo aydnaan hadhow uga
qoomamoon”.
“Faasiq” waxaa ku sifoobey mudane Ismaaciil Cumar Geelle,
waxaana “xogmoogeyaal” ah dad badan oo uu ka mid yahay Fahad
Yaasiin. Sidii uu ilaahay u sheegayba waxaa qoomamooday dad
badan oo markii hore ku caasiyoobey aayaddaas Qur’aanka ah,
waxaana dadkaas aayadda khilaafay ka mid ahaa shiikh
Cumar-Faaruuq.
Yarka Fahad ahi ceeb weyn ma uu laha, oo wuxuu aayadda kaga
jiraa ereyga “bijahaalatin = xogmoogi”, isla markaas kalmadda ay
aayaddu leedahay “naadimiin = qoomamaysan” waxaa ku sifoobey dad
badan, oo haddii ay Rabbi u soo laabtaan laga yaabo in uu iska
cafiyo, maxaa yeelay naxariistiisu waa waasac.
Waxaa qoraalka Fahad ku jira ereyo sidaan ah “Dadka shakhsiyadda
Cabdiqaasim yaqaanney waxay yiraahdaan waa nin aftahan ah…..
isku daya in aad ku qanacdid fakraddiisa”! Horta dad gaar u
yaqaan loogama baahna Cabdiqaasim in la weydiiyo hadalkiisa, oo
waxaa jira idaacado badan oo asaga oo hadlaya laga maqlo.
Aftahmadu ma aha wax uu qof kastaa caadifad iyo jahli ku
jasuureeyo, ee waxay leedahay xeerar caalami ah, waxaana dareen
sare u leh dad gaar ah. Anigu waxaan weligay ahaa dadka jecel
aftahmada, waxaana jeclahay in aan ka shaqeeyo wax hadal
curintiis iyo qiimayntiis ku saabsan. Ereyada “aftahmo” iyo
“qancin” waxaan caddaynayaa in uu Fahad gef ku sameeyey, waxaana
sababay “bijahaalatin”!
Fahad wuxuu soo qoray “Waxaan ka mid ahaa dadkii diiddanaa in
laga horyimaado dawladda uu Cabdiqaasim madaxda ka ahaa”! Nebiga
CSW ayaa waxaa u yimid nin u sheegay in uu sinaystey, wuxuuna
nabigu ccw ku yiri “War armay si kale wax u dhaceen?”. Wuxuu
nebigu csw la yaabbanaa ninka weyn oo la soo taagan “Waxaan ahay
saani”! Waxay soomaalidu ku maahmaahaan “Wax ay duul xil moodaan
bay duul xarrago moodaan”.
Hadallada Fahad uu Cabdiqaasim ka qoray waxaa ka mid ah “Aad
baan ugu farxaa markii aan Cabdiqaasisow kugu dhex arko shirar
caalami ah”! Markii laga faalloonayo arrimaha Soomaaliya waxaa
fiican in dhexdhexaad laga yahay sida aniga iyo Mawliid Macaane,
ee in nin aan ummadda waxba u qaban oo hanti iyo xoolo u
harraadan lagu farxaa ma aha wax uu nin dhallinyaro ah oo maskax
furani qoraal iyo aragti ka dhigto.
Guud ahaan sida uu Fahad uga hadlay Cabdiqaasim waxaa ka
muuqatay in uu baryootamayo oo uusan lahayn aragti aan ahayn in
uu jecel yahay, isla markaas waxaa la dareemayaa in uu Fahad
dawladdii millateriga ahayd jeclaa. “I dooro aan ku dayacee!”
waa oraah miskiinnimo ah oo la moodo in nin iyo reerkiis ay
isweydaarsadeen, ee aan labo nin oo qaangaar ah ka dhexayn karin.
Intaas wuxuu nuxurkiisu ahaa qoraalladii Fahad Yaasiin xaaji
Daahir intooda baryada ahayd, waxaanna uga sii gudbaynaa intii
baqdinta ahayd. Ninka la yiraahdo Cabdullaahi Yuusuf buu wuxuu
ku tilmaamay in uusan la saaxiibin qofkii garasho iyo aqoon ku
dhaama.
Aniga laftaydu mar aan fakrad sidaas u dhow aamminsanaa baa
jirtey, waxaanse aragtidaas xooray markii aan daraasad tartan ku
sameeyey dad asaga la saaxiibka iyo kuwa uu loolanku ka dhexeeyo.
Run ahaantii dadka oo dhan baa iska liita, oo haddii loo
fiirsado kuwa asaga ka soo horjeeda laftooda waxaa la ogaanayaa
in ay xaabo kale yihiin, oo aysan saaxiibbadiis iyo
mucaaradkiisu isdhaamin. Sidaas darteed ninkii suxufi ah waxaa
la gudboon in uusan noqon tulud il la’ oo geedaha ay isha xigtaa
fayowdahay keli ah daaqda, ee waa in uu isu eegaa dadka ka soo
horjeeda iyo kuwa kale oo uu markaas caddaalad sameeyaa.
Kuwa la saaxiibka ahi waxay rabaan in uu jago iyo magac u yeelo,
oo waa uu ku yar yahay mid aragti dadnimo iyo fiiro dheer kula
shaqeeya, isla markaas kuwa ka soo horjeeda waxay muujiyaan in
ay asaga neceb yihiin ee aragti siyaasadeed oo ugu yaraan tiisa
la mid ah nama ay tusin. Siyaasi meesha uu joogo u dhashay oo
aragti dadka soo jiidan karta kala horyimid weli lama hayo,
waxaanna u malaynayaa in dadkii caqliga lahaa ay ku dhammaadeen
xabsiyadii iyo toogashadii ama dagaalladii sokeeye.
Dhammaan dadka siyaasadda ku jira haddii isha la mariyo waxaa la
dareemayaa in ay meesha ceebi ka dhacday, oo ay u badan yihiin
xoolo kale. Qaar darajooyin ciidan ama dawladeed soo maray ayaan
waxaan iskula hadlaa “Sidee qof caykaan ah loo gaarsiiyey
mansabka noocaan ah?”, haddana waxaan isku qanciyaa in ayba
arrintaasi tahay sababta kharribtay dalkii oo dhan, oo dalka
hore iyo gadaalba waxaa lagu walaaqayey xididnimo iyo xigtonimo.
Cay ma aha haddii la yiraahdo soomaalidu waa dad guud ahaanba
tayo liita, waayo qof siyaasi ah oo hadal macquul ah ku hadlay
oo soomaali ah weligay ma aan dhegaysan, mana aan arag ama maqal
siyaasi wax la taaban karo meel ay soomaaliyi joogaan ka qabtay.
Waxaan soo aruuriyey boqollaan cajaladood oo ay duubeen wadaaddo
soomaaliyeed oo loo hanweyn yahay, waxaanna ka waayey mid keli
ah oo hadalka si saxan oo fiican afkeenna ugu gudbin kara, ama
uu hadalkiisu bilow iyo dhammaad macquul ah leeyahay. Waa dad
iska durqamaya oo aan la aqoon afka ay ku hadlayaan in uu
soomaali yahay iyo in kale, isla markaas aysan inta af
soomaaliga ahi qaab ahaan iyo ereyo ahaan midna u hagaagsanayn.
Wadaad, siyaasi iyo qof kale oo arrinta uu metelayo si af fiican
iyo qaab qurxoon u sheegi kara oo soomaali ah lama hayo, isla
markaas lama hayo qof soomaali ah oo wax muuqda bulshada u
qabtay, wuxuuna qof kastaa doonayaa in la ammaano ama uu helo
wax uusan astaahilin, oo uusan fahamsanayn sidii uu ugu
guulaysan lahaa.
Maaddaama aynu dhammaanteed caaqyo nahay ayeynaan ka
faa’iidaysan karin haddii midkeen ay ajnabi aqoon baraan. Dadka
ay qofka soomaaliga ah isku jaamacadda ka baxaan wuxuu kaga
duwan yahay in uusan dadkiisa aqoonta ugu gudbin karin afkooda
si macquul ah, isla markaas wuxuu rabaa in uu dad meel gawaan ah
dhooban ugu faano shahaado uusan waxba ugu qaban. Sidaas awgeed
ilaa hadda lama hayo qof soomaali ah oo faa’iido leh, waxaana
daliil u ah sida uu dalku yahay iyo in 2 sannadood shir loo
fadhiyey oo barlammaankii qabiil lagu qaysaday. Haddana
qabiilkii in lagu heshiin la’ yahay, oo ay dad ajnabi ahi u
qabinayaan beel kasta intii ku soo aaddey iyo in ay
qabiilooyinka qaarkood rabaan in ay dalka intooda goostaan.
Hadalka Fahad waxaa ku jirta in uu nin gaar ah ku eedeeyey
jabhadihii qabiilooyinka oo Soomaaliya uga caray Maxamed Siyaad.
Anigu waxaan aamminsanahay in aysan qabiilooyinkii kacaanka
debedaha uga qaxay oo soo jabhadeeyey ku khaldanayn
dagaalladooda, waxaanna rumays nahay haddii ay wax jihaad la
yiraahdaa sidoodaba jiraan in lagu tilmaami karo dagaalladaas.
Qabiilooyinka soomaalida haddii aan dalkooda lagu cabburiyeen oo
ay xorriyad ku helaan uma ay kala firxadeen dalal kale, waxayna
ummaddu dareemeen in aysan gobannimadoodii ayaga gacanta ugu
jirin, ee madaxa lagaga taagan yahay, oo uu cadow buntukh iyo
katiinad sitaa ku hareeraysan yahay.
“Gobannimadu ma ahayn in uu, bahal garqaadaaye
Ma ahayn dhurwaa in uu la galo, god iyo booraane…
Gablama ee ka kaca waxaad tihiin, gun iyo shaashleye”.
Waxaan rumaysnahay in uusan Khaliif shiikh Maxamuud mirahaas
beenabuur iyo turufo ula jeedin, ee uu dhibaato uu dareemay kaga
jawaabey. Ninkii doonaaba ha bilaabo ee in dawladdii kacaanka
dagaal lagala horyimaado qofka diidani wuxuu diiddan yahay
madaxbannaanida soomaalida.
Waxaa jira dad aan fakarayn oo iska yiraahda “Si aan jabhadayn
iyo dagaal ahayn baa lagu beddeli karey nadaamkii cadowga ahaa!”.
Haddii lagu beddeli karey may ayagu ku beddelaan? Sidaas dadka u
hadlaa waa kuwii ahaa jawaasiista iyo kuwii ummadda cabburinayey,
waxayna afka ka dhawrayaan in ay dadka la horyimaadaan in ay
kacaankii jeclaayeen, waayo waxay og yihiin in ay meel kasta ka
buuxaan dad la soo dhibay, isla markaas waxay rabaan in
dhibaatadii nadaamkaas ka farcantay ay dusha u saaraan ummaddii
inta dalkooda lagu silciyey debedaha u firxaday.
Haddii aynu tusaale xoog badan u soo qaadanno dhibtii dadka
soomaalida loo geystey Cabdullaahi Yuusuf laftiisa waxaa la
xiray isla markii uu kacaanku dhashay, wuxuuna xirnaa sannaddo
iyo sannaddo! Haddii imminka Fahad la weydiiyo “Ma wuusan xaq u
lahayn in uu dalkiisa ku noolado asaga oo aan la dhibin?
Denbigeese lagu xiray?” ma uu helayo jawaab aan ahayn in uu
Maxamed Siyaad lahaa xuquuq ka sarraysa midda ummadda inteeda
kale oo ah in uu qofkii uu rabo dilkiisa iyo xabsigiisu u
bannaanaa!
Haddii uu qof dadka ka mid ahi xaq kuugu yeesho in uu markii uu
rabo qofkii uu rabo xiri karo ama uu toogan karo maxaa diidaya
in dalka looga baxo oo qorigii uu dadka ku taagey mid la mid ah
lagu taago? Maxaase diidaya in inqilaab lagu beddelo dhibaatada
ummadda lagu salladay iyo heesaha ciqaabeed oo aroortii dhegaha
la isaga naaray.
Xoogaa yar oo xagga taariikhda ah baan waxaan ka saxayaa hadalka
ah “Ninkii ugu horreeyey oo soomaali u jideeyey in xoog wax lagu
kala qaato iyo ninkii ugu horreeyey oo soomaali baray
keligitalisnimo waa kornaylka!”. Waxaasi taariikh run ma aha!
Maxamed Siyaad dalka xukunkiisa ma doorasho ayuu ku qabsaday?
Midda kale yaa tiriyey goorma ayaase la tiriyey gabaygii ahaa:
”Maqrib dumey sidiisii xeryaha, ma u madooyey”?
Ciwaan hoosaad ah ”Guusha ama geerida” ayaa ka mid ah qoraalka
mudane Fahad, wuxuuna uga jeedey in aannaan aniga iyo asagu
waayadaan dhimanayn, laakiin uu Cabdullaahi Yuusuf dhawaan
geeriyoon doono! Waxaa la sheegay in oday cirro badan uu
wiilkiisii ku yiri: ”Aabbow malaggii ku dili lahaa miro badan
baa sanada u soo go’aya”. Wuxuu uga geedey in ay cirradu daliil
u tahay in uu dhaqso u dhiman doodo, odaygiina wuxuu ku jawaabey
”Maandhow malaggu miraha curdanka ahna waa uu gurtaa”.
Waxaa jira hadal Cabdullaahi Yuusuf ka soo yeeray oo gef ahaa,
kaas oo uu Fahad Yaasiin ka sharqamiyey oo ahaa in haddii uu
soomaali si fiican u yaqaan uusan bilaabeen dagaalkii uu
kacaanka kala horyimid. Run ahaantii in uu Cabdullaahi waxaas ku
hadlaa waxay ahayd iska miskiinnimo, waayo jahaad ay ummadda
soomaaliyeed soo galeen in uu ka shallaayaa waxay noola muuqataa
caaqnimo ama xoolonimo.
Horta ninkii wax qoraya waa in laga dareemo in uusan qof ka
baqayn. Waxaa hadalka Fahad ku jira ereyo fuleynimo ah oo ahaa:
”I dooro aan ku dilee”. U aan malayn mayo nin maanta dil u
xiisoqabaa in uu jiro, waayo waxaa la soo wada ogaadey in uusan
dhiig soomaaliyeed oo la daadiyaa qofna u soo jiidin sharaf iyo
mustaqbal.
50-60 qof baa madaxweyne u sharraxan shirka Keenya, una aan
malayn mayo in uu ku jiro mid maanta dili lahaa Fahad Yaasiin,
waayo dilkii uu dagaallada sokeeye iyo geeridii ku timid dadkii
uu kacaanku xasuuqayba haddii uu ka badbaadey ma wuxuu ka
baqayaa shirka biduheshiisiinta soomaaliyeed iyo murraxiinta?!
Baryo iyo baqdin uusan ilaahay ku jirrabin buu Fahad asagu isku
jirrabayaa!
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga u saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|