w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- MAQAAL
|
Emaaraadka Iyo Baasaboorkii Somalida
Cawl Mareero <Cawl_mareero@hotmail.com>
Dawlaadda Imaaraadka carabtu (UAE), waxay ahayd
waddanka keli ah ee
Khaliijka ku yaal ee Soomaalidu sharaf ku lahayd . Fiiso la'aan
ayaa lagu
imaan jirey. Marka Hindida, Baakistaanta iyo dad kaloo badan
suuqa laga
qabqabto si loo tarxiilo Soomalida lalama hadli jirin.
Sidii ayey Qunsuliyadda iyo Safaaraadduba u joogeen.
Qunsuliyadda oo qaabilsanayd arrimaha Baasaboorada iyo
Jaaliyaddaba waxaa
madax ka ahaa nin reer Puntland ah intii ka dambaysay
burburkiina si fiican
u shaqaynayey sharaftii Somalinamadana ilaaliyey jirey, haddii
uu wax
cunayana si hufan u cuni jirey, dadka la socon jirey odayaasha
maqli jirey,
ruuxii kharashka baasaboorka waayana u dhaafi jirey, kii tabar
yarna
awooddiisa ka qaadi jirey.somalida meel kasta oo ay ka
yimaaddana aan kala
xigsan jirin, cid ka soo cabatana aan la arki jirin.
Iyadoo badhaadhahaa lagu jiro waa tii belaayadu Carta iyo Ina
cumar Geelle
innakaga timi.
Waxaa halkaan Imaaraadka noogu yimid Xasan Abshir Waraabe oo
sheeganaya
Wasiirka Koowaad ee DKM Soamaliyeed. haddaba kaligiis ma imane
wuxuu noo
keenay wiil carab Soomaali ah oo waxay isu yihiin iyo waxay isku
samayn
jireen aanan hadda sixi karin. wiilkkii ayuu qunsuliyaddii u
magcaabay.
Wiilkii markiiba wuxuu bilaabay hawshii loo tababaray. um-dheh
dam- dheh.
waa kan Baasaboorkii iibka ugu dhaqaaqay. malaha qof Imaaraadka
jooga oo aan
haysani ma jirin. waxaa la qabtay Hindi iyo Baakistaan sidata,
Filibiin
sita, Ugaandha nacas lagu qabtay oo Basaboor somali ah sita.
dhillooyin
Ruushka laga keenay oo Baasabor somali ah sita. dadka qaarkii
dameero iyo
daayeer sitana waabay sheegayeen. waxaa nala tusay nin Maali u
dhashay oo
lix Baasaboor oo somali ah oo isagu leeyahay lagu qabatay.
iska dhaaf dawladda Imaaraadka ah e dadkayagii suuqa joogay
baaba
anfariirey. sidaa daraadeed dawladda Imaaraadka Carabtu gar bay
u lahayd in
ay baasaboorka mannuucdo. wiilkaa yari dhibta iyo sharaf dhaca
uu geystey ma
aha mid ay maydhi karayso dawlad Emabaghaati ka soo baxdaa.
Xasan Abshir in uu sidaas yeelay wax weyn ma aha oo mid ka daran
baa laga
filayey.
Dugsiyadii macalinkii kacaanka dadkii kasoo baxay wax weyn baa
innooku
dhiman. waxaabaan la yaabaa weli rag bay qoodh u yihiin Eydii
Maxamed Siyaad
Allaah ha u naxariistee adhigha raacsan jirey.
Maxamed Siyaad wuxuu ahaa sida la isku raacay nin Xiniinyo badan.
In ku dhow rubuc qarnina waddanka soomaliya wuxuu u ahaa sida
reer uu isagu
leeyahay .oo cid kale ula arrimin karin.
Wiilkii uu wax bidana xadhig buu ku hubsan jirey.
Weligii nin aan doqon ahayn wax uma dhiiban. waayo ninka qoodha
ahi diric la
xisaabtama amba la dooda wax kuma qaybsado.
nin weyn buu ahaa oo dadka si fiican u kala yaqaannay weliba
ragga ay
ciidamada soo wada mareen. waxaan muran ka joogin in uu reer
kasta uu kan
ugu doqonsan wasiir ama Janaraal ka dhigan jirey. miyuu sidaa ku
gafsnaaa?
ninka uu Maxamed Siyad sirtiisa ku aamminey amaba uu soo
dhoweystey nin uu
raganimadiisa hubsay buu ahaa.
Haddaba waxaan la yaabaa raggii uu Maxamed Siyaad wax ka dhigay
in a weli
dad qaarkiis halyeeyo u yihiin.
Ilaah igaga sarreeyee colkii Afweyne Alle ha u naxariistee
Muse Yalaxow
baa isku dhaama waayo Muse Yalaxow raganimadiisa ayuu ku soo
baxay oo cidna
ama naagtiisa ma gabadhiiisa duhur uma sii hullaabin.
Beri anigoo yar oo dibadda arday ka ah ayaan la kulmay nin
aqoonyahan ah oo
uu Maxmed Siyaad mar ku khaladamay Toddbaantakiina wasiir ka
dhigtay. in
sannad ka yar bay ahayd markii madax la isla galay ninkaasi
istiqqala uu
geystey Maxmed Siyaad Barrena ka aqbalay.
Marka ninkaasi ii sheekaynayey waan la yaabay oo nin waalan baan
u qaatay,
waayo waxaan is idhi ninkaan aqoon yahanka ah maxaa waddankii ka
keenay oo
uu dawladda ula shaqayn waayey.
sow aniga toban sano ka dib u garaabay ma aha markaan u
kuurgalay sida
xaalka dawladdu yahay.
Nabadgelyo
Cawl Mareero.
Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga u saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
|
|
|