MA AKHRISEY MAQAALKII SHACTIROOLAHA..?
w/q faysal cadicasiis cabdalla, mogdishu somalia
faymush@hotmail.com
31/07/2004
Maqaalka waxaa ciwaan looga dhigay: CABDIQAASIM IYO TARTANKA MADAXTANIMADA, waxaana lagu soo daabacay bogagga WEB-ka SOMALI TALK iyo Wargeyska AYAAMAHA maalinlaha ah ee ka soo baxa Muqdisho.
Waxaa qorey Maqaalkaasi Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo fadhigiisu yahay magaalada London, hase ahaatee dad badan oo wax akhriya isla markaasna akhriyey wixii uu ku falaadey ninka isku sheegey qoraaga waxa ay ku sifeeyeen inuu yahay SHACTIROOLE ISA SOO SHAAC BIXINAYEY.
Maxaa lagu yaqaanaa haddaba ninka sifadaas oo kale yeesha? Waa Beenlow, inta badan laguma kalsoonaado qoraalkiisa, waa marka saddexaadee waxaa muuqata cudur xun oo u diidaya in uu qof sameeyo horumar, wuxuu taasi ka jeclaan lahaa sharaf dhaca iyo inuu qiimo tiro qofkaasi.
Haddaba qoraaga lagu nisbeeyey SHACTIROOLAHA waxaa intaas u dheer aqoon dari, waa nin haddana ay la tag-tey caadifad qabiil iyo laab la kicid, wuxuuna isku qaldayaa danta guud iyo tan shakhsiga, waxaa ka lunsan markaasi in uu helo marka uu qof wax ka qorayo xogta dhabta ah iyo taariikh nololeedkiisa.
Intaas kaddib, markii aan akhriyey maqaalkii taxanaha ahaa ee ka qorey Md. Cabdiqaasim waxaa labadii saderba dhexdooda aan ka dheehday naceyb fog in ay ninkaasi ku aasan tahay, taasoo aan u fahmey aargoosi qabyaaladeed markii uu wax kale qaadi waayey.
Md. Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu ka mid yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaqa u leh in la doorto iyo in uu wax doorto, markaasi cidna kama qarsoona taariikhda taxanaha ah ee uu ku leeyahay dalkiisa, muddo dheerna waxa uu ku soo jirey arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, isagoo markaas door muhiim ah ka soo qaatey dhismaha dalkiisa.
Tuulada Carta
waxaa labadii kun loogu doortey inuu noqdo Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya, doorashadaasi waxaa ka dambeysey gogol
xaar badan sidii shacbiga Soomaaliyeed looga saari lahaa
mugdigii uu ku jirey, ayna horseed u ahaayeen qab qablayaal
dagaal, laakiin Md. Cabdiqaasim marna kuma sifoobin dagaal ooge
iyo khiyaamo Qaran, taariikhda ayaana caddeyneysa qof waliba
wixii uu galey.
Isma dooran ee waa la doortey, waa run markaasi in dowladdii
lagu soo dhisey Carta kaddib ay la kulantey dhibaatooyin fara
badan, waxaa ka shaqeeyey cadowga ummadda Soomaaliyeed, kooxo
Soomaaliyeed oo ku filan jalaafooyinka ayaa lug weyn ku lahaa,
waxeyna hor dhigeen caqabooyin ka hor joogsadey socodkii bilowga
ahaa ee siyaasadda KMG ah.
Md. Shactiroole, markaad qalinka kula ordeysay maqaalkii aad ku
dheeraatey aflagaadada Madaxweynaha, waxaa muuqatey in uusan
aheyn maqaal nuxur leh oo barakada qoraalka laga qaadey. Waxaad
u adeegsatey ereyo aad marna marisey malab mar kalena dacar, yaa
kaa caqli xun haddaba, wey muuqatey in ay daruufahaaga ciil baxa
ah iyo carada, laakiin ma aheyn in aad kula dul dhacdo mas’uul
sare oo bulshadiisa sharaf ku leh.
Aan is weydiinee, ama ma is weydiisey, muddadii ay dowladda ku
meel gaar ka ay jirtey in ay heshay taageerada beesha Caalamka,
ma baartey in ay dhaxashey dowladaasi dhul ka bad baadey bur bur
iyo dagaallo sokeeye, maskaxdaada maka shaqeysiisey in ay ka
badbaadey shirqoolaha diblomaasiyadeed ee xukuumadda Melles
Zenawi oo ayadu ka turjumeysa siyaasaddii fogeyd ee ABASIINYA.
Adigu ma ogid, laakiin waxaa kuu muuqda waxa xun sheegistooda oo
laga fogaado, ma waxey kula tahay Shactiroole in ganacsatada
Muqdisho iyo Hoggaamiye kooxeedyada in ay caleemo qoyan ku soo
dhoweeyeen dowladda KMG ah markii ay is tiri wax ka qabo
dhibaatada shacbiga ku dul habsatey. Ma maqal miyaa doorka ay
dowladda ka qaadatey dib u heshiisiinta..?, Dowlad maxey ku
shaqeysaa? Su’aalahaasi jawaabahooda ma baartey.
Dowlad kasta waxa ay shacbigeeda ugu adeegtaa dhaqaalaha ka soo
gala canshuuraha, dowladda KMG-na mowduucaasi uma hirgelin,
waxayna ka mid tahay caqabooyinka lagu hor gudbiyey. Waryaa yaa
ku shaabadeeyey in meelo ka mid ah dalka ay ka jiraan xeryo lagu
tababaro argagixisada.
Ii sheeg Shactiroole haddaad adigu ahaan lahayd Madaxweynaha J.S.
intaas oo dhibaato ahna aad la kulmi lahayd malaha qeyladaada
waxaa laga maqli lahaa dacalada adduunka, waxaana laguu fahmi
lahaa in aad tahay fuli daalim ah, oo gacmaha kor u taagey
isagoo leh “Waxba waan qaban waayey, waan is casiley”. Ma tihid
markaasi mas’uul ummadeed oo dulqaad leh oo la qeybsada
dhibaatada shacbigiisa.
Waxaad ku deg degtey dhaliilaha aan jirin ee Md. Cabdiqaasim,
waxbaad iska qor qortey, waad bururtey, mana ogid waxaad la
bururtey, laakiin waxaad soo gashey in nin waliba saarkiisa loo
tumo. Shacitoore ma aha mas’uuliyada qoraaga sidaasi, waa ka
fog tahay, waa qof dhaliilahiisu ay wax dhisaan, waxaa adiguse
kaa darnaadey kuwa kuu faafiyey wixii aad ku falaadey oo aan ka
fikirin in ay dib ugu soo laabaneyso.
Maqaalkii Gardarro ee aad ka qortey Md. Cabdiqaasim waxa uu ahaa
mid ka sii liitey qof aan wax qorin, waa nasiib darro markaasi
in adiguna aad xisbigaasi ku biirtey adigoo ku faanaya in aad
LONDON jooga. Dhanka kale markii aad Muqdisho soo caga dhigatey
adigoo London ka imaanshahaada kula weyn tahay waxa aad
dhaliishey waddada WADNAHA oo ku burburtey dagaalladii sokeeye,
ma laha ma tihid Muwaadin Soomaaliyeed oo dalkiisa u soo
hiloobey, waxaad u hadashey, sidii adigoo aan u dhalan dalka,
taasna waxey caddeyneysaa in lagaa siibey markii aad London
tagtey xididkii wadaninimada.
Aad baan uga xumahay, in aad ka faa-fisey Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya wax aan u qalmin, bal u fiirso waxaad
qoraalkaaga ku caddeysey in uu kugu soo dhoweeyey Madaxweynuhu
xarunta Madaxtooyada, waxaan qiyaasayaa in laguu soo dhoweeyey
si baahsan, laakiin adigu xaqiiqadu waad ka fogaatey, waxaadna
ka boodey dhammaan qodobada asaasiga u ah SAXAAFADDA, xagee bey
ku qoran tahay in anshaxa laga tago oo eex loo gudbo, taasi
micnaheedu ma aha in si KMG ah looga soo qaatey fasax saxaafadda
af lagaadada iyo qiimo dhac qof loo geysto.
Ma laha Soomaali Talk tababar saxaafadeed kuma siinin, intaan
waad dhaami laheyd, qabyaaladna kulama fogaateen. Iga raali
ahow waxaad ii sheegtaa bisha iyo maalinta uu Muddane
Cabdiqaasim booqashada ku tagey dalka Itoobiya intii aan loo
dooran Madaxweyne-nimada..?, adigu been baad ka sheegtey,
goormuu noqdey Wasiirka Waxbarashadda..? Ma kala taqaanaa
Tacliinta sare iyo Waxbarashada..?, Cakuye aqoon la’aaneey
suxuufi aan dalkiisa waxba ka aqoon laakiin ka sheekeyn kara
luuq luuqyada dalka Ingiriiska, kaasoo kale waa qasaare, iga
dhaaf ma rabo inaan ka sii hadlo qof isaguba liita ee caloosha
ka buka.
Shacbiga Soomaaliyeed, bur-burkii ku dhacey ka sokow, waxa uu
tobaneeyo sano ka maqnaa golayaasha caalamka, haddii aaney
dhicin dhawaaqii Sep-1999 ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
kaga dhawaaqey fadhigii guud ee Qaramada Midoobey isagoo ku
ballan qaadey in Soomaaliya dowlad u soo dhisi doono, haddii aan
la helin dulqaadkii xukuumadda iyo shacbiga Jabuuti, haddii aan
2800 ee ergeda Soomaaliyeed ee Carta ku shireysey isu tanaasulin,
ma dhismeen golayaasha barlamaanka iyo xukuumadda KMG ah ee
Soomaaliya lama doorteen Madaxweyne, Calankii Soomaaliyeed dib
loogama taageen Qaramada Midoobey, Soomaaliya dib uga muuqateen
golayaasha caalamka, kuwa goboleed, nasiib uma yeelateen iney ka
mid noqoto saxiixayaashii Midowga Afrika iyo kan SIIN-SAAD, ma
gartey Md. Shactiroolow.
Haddaba fidnadaada ma waxey ku tusi weysey in aad wax yar ka
xusto doorkii dib u heshiisiinta ay ka qaadatey dowladda KMG ah
iyadoo u martey wadada wadahadalka. Ma is weydiisey hal daqiiqo
in aad ka fikirto shirka haatan gabagabada maraya ee Embigati
Nayroobi cidda hal abuurkeeda laheyd..? wax waa la dhaliilaaye
ma sidaas ayaa wax loo dhaliilaa, ma tihid qoraa aqoon duruqsan
leh, maxaad ka oran laheyd danta guud, mise NATIONAL INTERESTI,
Waxaa tahay qoraa bar barad ah oo doonaya in uu ku barbarto
dadka sharafta leh isagoo doonaya inuu ku tunta xaquuqda waxaan
ku leeyahay soo barbaar Md. Shactiroole.
w/q faysal cadicasiis cabdalla, mogdishu somalia
faymush@hotmail.com
C/Qasim & Tartanka Madaxweyne:
Madaxweynaha D.K.G. waxaa
Guji
Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga u saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|