TOLOW
TOOKADAANNA
YAA
ORAN
DHEESHU
FIIG
MA
LEH
Sida
la
wada
ogsoon
yahay
shirar
badan
oo
gaaraya
13
shir
ayaa
Soomaalida
loo
qabtay.
Ujeedada
shirarakaas
loo
qabtay
waxay
ahayd
in
Soomaali
la
heshiisiiyo
,
dawladana
loo
dhiso.
Nacam,
shirarkaasi
kama
marneyn
ujeedooyin
hoose
oo
ay
wateen
qaar
ka
mid
ah
dawladaha
marwalba
ka
dhex
boodayey
shirarkaas.
Si
kastaba
arrintu
ha u
dhacdee
shirarkaas
wax
natiijo
ah
lagama
gaarin
waxayna
ku
dambeeyeen
nahaayo
xun
oo
isku
mid
ah
waxayna
eersadeen
dhammaantood
mabd’a
Soomaali
wiiqay
ee
kaga
lahan
badan
qaryadihii
ka
soo
gaaray
dagaalka
sokeeye,
kaasoo
ah
((
MAR
HADDII
ANIGA
LA I
DOORAN
DHEESHU
FIIIG
MA
LEH))
Yacni
Soomaalay
ama
la I
dooray
ama
daadku
idin
qaad.
Akhiristoow
bal
hadde
si
kale
u
dheh
ileyn
afkeenu
waa
hodane.
((HADDII
NIN
TOLKAY
AH
LA
DOORAN
BADDU
FIIG
MA
LEH
)).
Haddaba,
sidaan
la
wada
socono
arrinkasta
oo
qofka
soo
marta
waayo
aragnimo
(khibrad)
ayuu
kala
baxaa
,
sideedana
waayo
arag
laa'aantu
(khibrad
la'aantu)
waxay
dhaxashaa
farsamo
xumaata,
fal
kasta
oo
lagu
guuleystana
wuxuu
ka
yimaadaa
khibrad
iyo
xarfadnimo
la
kasbaday.
Laakiin
Soomaali
haddii
aan
nahay
waxaad
moodaa
inaan
wali
ka
faa’iideysan
khibradna
kala
dhex
bixin
wixii
hoog
iyo
haantooley
nagu
dhacay
ama
haddaba
wali
nagu
socda
ama
nagu
soo
food
leh
haddii
Eebbe
naga
soo
gaarin.
Marka
mar
haddii
aan
wada
ognahay
arimihii
burburiyey
shirarkii
hore
sow
inaan
ka
weecanno
waddadii
hore
ma
ahan.
Shirkaan
kuwii
hore
kama
duwana,
waxa
kaliya
uga
duwan
yahay
sidaan
qabo
waa
ka
muddo
dheer
yahay
oo
waa
kaas
labada
sano
ku
dhawaadka
soconaya
walina
faro
kama
qodna
faanoole.
Muxuu
kaloo
kaga
duwan
yahay?
Ileyn
wajiyada
is
hor
fadhiya
waa
kuwii
shirarkii
hore
is
hor
fadhiyey
(ha
ahaadeen
kuwa
la
heshiisiinayo
iyo
kuwa
wax
heshisiinaya).
Sidoo
kale
ballan
qaadyada
is
daba
dhacaya
shirkaan
sida
ciidamo
shisheeye
ayaa
la
keenayaa,
hubka
la
uruurinayaa
iyo
deeq
badan
baa
loogu
deeqayaa
Soomaaliya
horey
ayaan
uga
dharagnay
shirarkii
hore,
annaguna
gorodda
ayaan
iska
laad-laadinaynaa
oon
wax
walba
iska
rumeysanaynaa,
ninbaa
laga
sheegay
sow
sagaaro
ima
barato!!
War
wallahay
waxaanu
annagu
Soomaali
ahaan
qabsan
ineysan
ciddna
inoo
qabaneyn
ee
meesha
aan
ka
kacno.
War
Soomaali
isku
tasho
adigu
oo
Rabbi
intaad
talo
saaratid
mushkiladdaada
xilliso
adigu,
ileyn
horaad
ugu
maahmaadaye
: (hal
geel
hadday
fariisato
ninkii
leh
baa
madaxa
qabsada,
deedna
dad
kale
ayuu
u
ciirsadaa
si
ay
dabada
ula
qabtaan).
Anaga
arinteena
qaaruumo
kale
ayaa
14
sanno
madaxa
noo
haya
annaguna
madaxa
iska
daaye
xitaa
majaha
inaan
qabsano
waan
kari
weynay.
Lama
soo
koobi
karo
dhacdooyinka
in
lagu
cibro
qaato
u
baahan,
laakiinse
akhristow
fadlan
waqti
yar
sii
oo
aad
ku
akhrido
khabarkaan
deg-dega
ah
maqaalka
intiisa
kale
haddaad
doontid
ha
akhrin:
MAANTA
LAGA
BILAABO
WAXAAN
DADWEYNAHA
U
SHEEGAYNAA
RUUXII
LAGU
HELO
ISAGA
OO
WADDANKA
GUDIHIISA
GEED
KA
GOYNAYA
OO
DHUXUL
SHIDAYA
IN
LAGU
XUKUMAYO
XARIG
DHEER
IYO
GANAAX
BADAN.
WAXAAN
KALOO
OGEYSIINEYNAA
GANACSATADA
DHUXUSHA
IN
MAANTA
LAGA
BILAABO
WAX
CANSHUUR
AH
LAGA
QAADAYN
DHUXUSHA
AY
DIBADDA
KALA
SOO
DEGAAN
OO
WALIBA
LOO
HAWL
FUDUDAYNAYO.
SIDAAS
DARTEED
WAA
IN
DHUXUSHA
AAD
KA
SOO
GURATAAN
SOOMAALIYA………….
Taasi
waxay
ahayd
goos-goos
ku
jirey
shir
jaraa'id
ee
uu
qabtay
nin
madaxa
oo
lagu
soo
qorey
bogagga
ugu
horeeya
wargeysyada
ka
soo
baxa
waddankaas,
waliba
warkaas
wuxuu
ahaa
wareegto
rasmi
ah.
Rabbi
tallo
ku
filan.
La
iima
sheegine
waan
akhriyey
(Wa
leysal
khabaru
kal
mucaayanah).
Halkaas
maxaa
kaaga
baxay?
Jawaab:
In
dawlado
badan
danneynayaan
inay
Soomaaliya
sidaas
ku
abaado
oo
aysan
marna
dawlad
ka
dhallan.War
isku
yaxyaxa
oo
idinku
socotee
dhallaanka
ha
dhaxal
tirina.
Haddaba
maadaama
aan
wada
og
nahay
inay
shirarkii
hore
ku
fashil
meen
dheeshu
fiig
ma
leh
haddii
aan
la I
dooran
soo
ma
habboona
in
meel
la
isla
dhigo
sidii
laga
yeeli
lahaa
doorasho
dabadeed
ninkii
yiraahda
dheeshu
fiig
ma
leh.
Qof
baa
oran
dustoor
baa
jira
iyo
horey
baa
IGAD
uga
saxiixday
dagaal
ogayaasha
oo
idil
inay
u
hogaansami
doonaan
wixii
shirkaas
ka
soo
baxa.
Taasi
socon
mayso
oo
hadday
soconeyso
horey
u
socon
lahayd
ee
war
Soomaaliyey
idinku
hor
Illaahay
cahdi
iyo
miisaaq
kala
qaata,
intaad
dustoor
qalaad
iyo
saxiixaan
laabta
jirin
nagula
wareegeysaan.
War
Soomaali
rag
hadduu
tartamo
kolley
mid
unbaa
guuleysan
lahaa
midkuna
qabiil
buu
ka
dhashay,
haddii
la
barbardhacana
kolley
qori
tuur
ayaa
lagu
kala
baxaa,
sidaas
darted
haddii
nin
nasiib
xun
aad
noqoto
oo
madax
weyne
laguu
doorto
(Aragtiday
waa
nasiib
xun
yahay
ninkii
madax
maanta
soomaali
u
noqda)
waa
inay
inta
kale
la
shaqeyso
si
Soomaali
dhibka
uga
baxdo
ee
aan
la
oran
-
adiga
iyo
waaridkaa
alla
cadaab
bal
reer
hebel
ha
kuu
taliyo
maanta.
Qofka
taas
aaminsan
marka
horeba
inuu
madasha
shirka
tago
ma
ahan
ee
waxaa
uga
fiican
inuu
iska
jabhadeeyo
inta
noloshiisa
ka
hartay
intuu
noqon
lahaa
nimaan
qawl
iyo
cahdi
toona
lahayn..
Sidee
looga
hor
tagi
karaa
cudurkaan
dheeshu
fiig
ma
leh:
waa
in
haddeer
gurmad
loo
diyaariyo
dawrka
ugu
weyna
waxay
saarantahay
odayaal
dhaqmeedyada
waayo
ninka
markuu
waayo
xubintii
uu
rabay
orannaya
dheeshu
fiig
ma
leh,
wuxuu
isku
haleynayaa
waa
shan
wiil
oo
qabiilkiisa
ah,
qabiilkiina
waxaa
hor
boodaya
waa
oday
dhaqmeed
(khayr
allaha
siiyee).
Marka
oday
dhaqmeedkii
hawl
adag
baa
u
taal
–
Illahay
ha
la
garab
galee
–
waxaanse
ducadaas
u
raacin
lahaa
yaan
la
idin
qalin
daarin.
Waa
la
fataxaytaa
haddii
meel
yamaarug
leh
(qodax)
aad
mareyso,
yaan
la
idin
aakhiro
seejin,
qarrankana
dambi
ha
ka
galinina
idinkoo
qabiil
kalkaalinaya.
Eebbow
IGAD
ha
nagu
haleyn.
Said
Warsame
(Abu
sami)
London
- UK
bursaalah@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004
Afeef:
Qoraalkan
waxaa
leh
qoraaga
ku
saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|