Tigidhada Cadaabta
Lagu Tago oo Qaaliyoobeen!! (Taqi)
Ugu
horeen waxay mahadi usugnatay Allaha abuuray samada
iyo dhulka waxa kujira muddo lixmaalmood gudahooda,
naxarisi hayeelo subanaheena mohamad(csw) aamin
Waa
yaabee!! Waxaa isweediin mudan maxay yihiin
tigidhada naarta lagu galaayo? hadaba waxaan muran
kujirin in meel kastoo lagaleeyoo ubaahan tahay
tigidh ama ID card oo cadeen inaad ruqsad uleedahay
meesha aad galeeso –sidaa silamida ayaa ruux kasta
looga baahan yahay maalinta qiyaamo inuu heesto
tigidh ama ID card uu kugalaayo 2da daarood midood
waa janada iyo cadaabta, waayo waxaa waaradiyeeyo
daarahaas askar aan laqiyaami karin oo foojar lagu
siri karin!!
Tigidhaha cadaabta lagu galo waan noocyo badan
yihiin midkastaana qiimo gooni ayuu leeyahay.
Waxaana kamidaa tigidhada lagu galo rubaayahada,
fashion display, shineemooyinka, garoomada munkarka
lagu ciyaaro iwm dhamaan tigidhadaas qiimahooda waan
garan karnaa intay joogan iyo helididooda dhibka
loomaro. Tusaale ahaan hadaad dooneeso inaad daawato
rubaayad cusub si aad kuhesho kursi waa adagtahay
waxayna kugu qaadan waqti dheer. xitaa hadaad hesho
tigidh inaad dhaqso ugaarto goobta waa waxaan sahal
aheen- waayo isdiyaarinta iyo isku qurxinta ayaa ah
qarash kale oo indirect kuu galaayo -dhanka kale
waxaaba suura galaa in daawashada ruwayadaas loogu
safro wadan ama magaalo kafog meesha aad joogto –marka
ilaah ayaan kugu dhaarshee waqti iyo maal intee
la,eg ayaa kaaga lumay shaygaas munkarkaa misana
cadaabi kaaga danbeeso – waxaabo yaab sii leh marka
dadku maqlaan in film ama rubayad cusub soobaxeen
aad layskugu dhibo inay galaan habeenka ugu horeeso
oo qarshkeedu kabadan yahay habeenka xiga –ujeedaduna
waa inaan looga siisheeken munkarkaas oo cidina uga
hormain –subxaana laah! hadal heenta munkarkaas waa
waxaan dhahahaagu kajiifi karin oo warbaahinta ayaa
kugu soocelcelin habeen iyo dharaar halka ay suura
gal tahay in muxaadarooyinka diiniga mar iyo labo
lasheego- waxaana kuu cadeen kara taasi –hadda
magalada London waxaa kasocdo muxaadarooyin diiniyaa
oo culimada islamka kuwooda ugu aqoonta iyo dadaalka
badan jeedinayaan aduun iyo aaqiyo waxtar kuuleh-
Radio, VT, journal, ama wibesite sheegay majiro
midka ugu roon halmar ayuu sikooban uga hadlay
waliba maalinta ay bilaabatay kahor masheegin –balse
muxaadarooyinka munkarka aysoo jeedinayaan
fanaaniinta hore ama danbe nus sanad kahor ayaa
maqli xiliga iyo goobta iyo qiimaha muxaadaradooda
yaa ilaahii!! sidda cadceeda qofkastaa ugu iftiimiso
ayaa laysku dayaa in qofkasta loogu iftiinsho
munkarada. Ruuxa wanaaga dadka fara 2 ajir ayuu
leeyahay oo ah sheegida iyo qofka aad usheegtay
wanaaga haduu sameeyo adna waa laguu qori ajir
isagoon laga nusqaamin dhanka ajirka xumaantana waa
lamid ee ogsoonoow!!
dhanka zinada (dhilaysiga ) oo ah tigidhka ugu weyn
ee cadaabta lagu galo shirkiga kadib heerka uu
dunida maantay kajooogo waa heer aad udaran haday
noqon laheed sameenteeda ama daawashadeeda –TV-yada,
book-ta webside-yada shineemooyinka ugu deqliga
badan waa kuwo ugu soodeen badan zinada xitaa
actor-ka ama actress-da jaazada waxaa lagu siiyaa
hadba intay xumaataas film-keeda kusoo bandhigto
filciyaado bilaah!
dhanka muqaadaraadka wadankeena waxaa looga iibsadaa
naf aadamiyaa macnaa, hadii ruuxa muqadariistaha uu
waayo lacag uu ku,iibsado wuxuu udilaa naf muslimaa
oon wax galabsan –mayara inta aad maqashay hebel
isbaraa lagu dilay! Ruuxa waxdilaayo baahi cunto
maheeso ee baahi muqaadaraad ayaa heeso sidaa darted
2 tigidh oo cadaab ayuu ku,iibsaday muqadaraadkaas –qofka
ugu roon waa kan intuu sooxamaasho misana dib
nafsadiina ucadaaba oo maandoriye kugata wuxuu kusoo
dhibtooday intaan Ilaah cadaabin ayuu iscadaabay
waayo wax dheef oo kujirto malahan muqaadaradka.
Ilaahay caadil sanaa oo baarisanaa!! Nimcada uu
ubalan qaaday adoomadiisa wanaagsan waa lacag la,aan,
(bilaash)waqti tiro badan kaagamo lumaayo –Tusaalo
ahaan salaada ugu dabnaan qofku 10 daqiiqo ayuu
kugutaa halkii salaad 5ta salaadood waxay kugu
qaadan 50 daqiiqo 24saac gudahood maasha alaah sidaa
ayuu eebe ugu fududeeyey adoomadasiisa acmaasha
janada qarash kaagamo baahna aad kusoo iibsato
iimaan saalaxaa mooyee –basle shaydaanka dhibka uu
kuugu yeeraayo oo ah naarta waxay kaaga baahan tahay
tigidhka lagu galo lacag adag (hard currency) iyo
waqti badan.
culimada economics- waxay sheegeen inaysan jirin
shay bilaashaa waxaan ka,aheen hawada dadku
kuneefsado wixii kasoo haraa waa qarash. Waxay
moogyihiin in Ilaah wax kastoo heesano bilaash nagu
siiyey uusan naga dooneen wax charges ah—marka
aqristoo shaydaanku wuxu kuleeyahay wax xumaan oo
bilaash majiraan xitaa daawashadeeda ayuu charges
kaaga qaadan halka Ilaah wuxu kugu yeeraayo bilaash
yihiin tusaale ahaan ninka iyo naagta isqaba markay
isku galmoonayaan oo dhibka shahwo iska soosaarayaan
2 xasanaad ayey helayaan mid aduun iyo mid aaqiro
waa haday ajir niyeestaan maasha ahaal midka aduun
waa dhib kuhaayey oo lagaafududeeyey kan aaqiraa waa
ajir aad uqiimo ween ayaa lagaaga qoraa shahwa
kastoo dibada iskaga soosaarto marka adigay kujirtaa
sidaad ukala dooran laheed shayga bilaasha ooilaah
kuugu yeeraayo iyo dhibka ibliiskuugu yeeraayo
aduunka aaqina cadaab kaaga siidanbeeso
Haweeneey kamid aheed qoomkii nabi nuux(cs) ayaa
loosheegay in umada nabi Mohamed(csw) uu cimrigoodu
yahay 60-70 sano waxay kucalaacashay maxaam uga mid
noqon waayey umadaas? waayo cimrigeega oo dhan
waxaan kubilaabi lahaa kuna dhameen lahaa sujuud –
intaas doonto joog aduun, waxad doonto kuheeso aduun,
waxaad doono cun,cab xiro waxaa shaki kujirin in
maalin un aad katagi adigoo usocdaali meel aan
kategid laheen -adiga iyo garaadkaa ilaah
adoomadiisa madulmiyo wax kasta waa kala cadyihii.
Ogoonoow: waxaa shaki cidina uga jirin natiijada
cuntada lacunaayo waxay kudhamaan macnaa ruuxa
waalan, caqliga leh, ciyaalka, wayeelada, muslim iyo
gaal, cadaan iyo madoow waxaa lawada ogsoon yahay
shaykastoo lacuno inuu aaqirkii kudhaam saxaro(xaar)
hadaad cunto shayga ugu qaalisan, ugu raqiisan, ugu
carafta badan aaqirkii adigaa sanka kaqabsan
urkisiisa –marka aduunku waa sidaa ruuxii kaweecda
wadada toosan sidaa ayaa maalinta uu geeriyooda
muqluuq-yada Ilaah sanka uga qabsan halka markiisii
hore ay kaheebeesan jireen intuu dunida kunoolaa-
aduunyo wuxuu daar uyahay qofaan daan aaqiro
kulaheen marka dhamaanteen waxaan isku dardaarmeenaa
in ilaah laga cabsado intii la,awoodi karo, wixii
aan kuqaldamayna ilaah ayaan saamaxaad weediisan,
waadna mahadsan tihiin walaahu waliyul mutaqiim,
wabilaahi toowfiiq wasalamo calaikum.