Gunaanadka Qawaniinta
Taariikhda iyo Gafka Soomaali Gashay
Taariikhda banii’aadamka
waxaa la yirahdaa waxaay ka soo bilabataa wakhtiguu
banii’aadamku bartay sida wax loo qoro. Dadku haddii
ayan ka duulin taariikhda waa habaabaan, god bay ku
dhacaan ilaa waayuhu u caqli-celiyaan ama u garnoqaan.
Qawaaniinta taariikhdu waa kuwo ahaaday dabiici, cidna
ma raali geeliyaan ama ha jeclaato ama nebcaatee.
Tariikhdu waxaay leedahay dhowr qawaaniin oo qofka
yaqaan uma gafo:
(1) Dadka
dhulkaa dega waxay u kala baxaan seddex (a) mid
taariikhda qora (b) mid taariikhda dhacaaysa eegta (c)
iyo markay dhacdo yiraahdo “maxaa dhacay”
(2) Dadka dhulkaa dega
hadday kala diin yihiin, laakiin isku tol yihiin,
dhacdona in ay hal mabda’a oo siyaasadeed hoos
yimadaan aakhirka waxay ku damayaan inay kala guuraan oo
kala go’aan; tusaale, wixii ka cay Bosniya, waxaa
dhacaya Naygeriya, Hindiya iyo Sudaan.
(3) Dadka dhulka dega
hadday isku diin (dhaqan iyo ilbaxnimo) wadagaan,
laakiin ay dhacdo in mabda’a siyaasadeed kala ooday,
goor ay ahaataba aakhirka waxay ku damayaan kuwo midooba;
tusaale, dhagixii la kala dhexdhigay dalka garmalka.
(4)In dadka dhulkaa dega le yihiin cadow
shisheeye iyo dagaallo aan dhamaan;
tusaale dhow; cadoowga Soomaaliya ma yahay mid ka
nastay khayraadka dheeriga ee dhulka Soomaaliyeed le
yahay, waxaa tusaale noogu filan khudbadii wiilka uu
awoowaha u yahay Hayla Salaase (Ermias Sahle-Selassie
Haile-Selassie) ka jeediyey Jamacada Florida
International University (USA) bishii April 8, 2004,
wuxuu yiri “Madaama ay gacanteena ka baxday xeebta
Eratereya waxan ku han-weynahay xeebaha Soomaaliya,
su’aasha aan isweydiinayno waxaa weeye sidii aan u
difaaci lahayn markaan hanano oo gacanta ku dhiigno”
ujeeddada socdaalkiise wuxuu ahaa sidii looga
dhacdhacsiin lahaa reer galbeedka in faa’idada ugu jirto
Itoobiya kala go’aanta Soomaliya.
(5) Haddii ay dhacdo in
dad ilbaxnimo hore haystay lagu khasbo ama lagu
muquuniyo ilbaxnimo kale, mar ay ahaatoba dadka wuu iska
turaa heeryadaa gumaystaha; tusaale, gumaystayaashii
reer galbeedka, muquuniska maanta diidan tahay Baqdaad,
shuucigii iyo Soomaaliya .
(6) Adduunka dadka ku nool
kama baxsana shantaan ilbaxnimo oo dhaqankoodu ka soo
jeeddo; Ruuska ( dad haysta mad-habta Kiristanka
Orthodox sida Giriiga iyo Itobiya ) , Yuurub (reer
galbeedka iyo inta la wadaagta mad-habka Kiriistaanka
Catholiga iyo wixii ka sii farcaymay sida Protestant) ,
China (diimaha iyo dhaqanka laga haysto Eeshiya oo la
wadaagto India) , Japan oo iyadu dhaqankeeda iyo
ilbaxnimadeedu gaar ku tahay iyo wadamada Islaamka oo
dhulka u dhexaya min Moroko ilaa Intunuusiya.
Bal aan eegno taariikhda iyo
hoggaamiyaasha Soomaali; kuwa Soomaali soo hoggaamiyey
iyo kuwa hoggaamiya, dadkoodu waxay u arkaan hoogayaal habaar-qabayaal
ah oo hanaqa gooyey, halka ummada kale qaar u arkaan
hoggaamiyaashooda waayeel waajib iska saaray dhibka
ilaalinta ummadaa; tusaale, Madaxweynihii Bakistaan
1876-1948 khudbooyinkiisa waxaay u badnaayeen sidaan “Dodyohoow
anigu doonimaayo inaad faan iyo mahadnaq aad shahaado
igu sii saan…waxba salaan iyo sacab ha iigu mahadniqina…dhimashadayda
ka dib buggagaagta taariikhu ha qirto, Jinnah wuxuu ahaa
caaddil, difaacay, ka turjumay, horumariyey ilbaxnimada
iyo dhaqanka ummadan” khudbadii Madaxweynaha Jinnah,
the All India Muslim League session, 1939. Buggaagta
taariikhdu waxay qiirtay inuu ku jiro dadka taariikh wax
ka bedelay, waxayna ledahay sidaan; “Few individuals
significantly alter the course of history. Fewer still
modify the map of the world. Hardly anyone can be
credited with creating a nation-state. Mohammad Ali
Jinnah did all the three.” halka dadka dhulka
Bakistaan ku nool afkood ugu yeeraan kuna xusuustan
Qaid-i-Azam
[Great Leader].
Waxaa isweydiin mudan
su’aalahaan inata aan laga murmin midnimadeena iyo
xornimadii 1960;
(1)
Xerada
Soomaali degto (Itelian Somaliland, British Somaliland,
NFD, Ogadenia iyo Djabuti) ma lahayeen xuduud
gumaystayaasha ka hor?
(2)
Dadkii
xornimada soo hoyey ma ahaayeen kuwo ka turjumay (qoray)
tariikh?
(3)
Burburkii
iyo kala guurkii Soomaaliya ka dhacay ma ahaa mid la
xiriiray burburkii caalamiga ee shuuciiga?
(4)
Ma shacabka
baa ka masuul ka ahaa hurgankii Hargeysi-iyo holocaust-gii
Baydhabo mise masuuliyiin loo adeegsaday shacabka
Soomaaliyeed?
(5)
Soomaali oo
aan inkirsanayn cadaawada dowladaha xuduud la leh, ma
faa’idaa ku jirta midnimada konfor iyo waqooyi?
Jabaabtoodu ma aha kuwo
fuduud, buggaag baa laga qoray, Soomaali weli ma
fahansana wax ku dhacay, dakhar weyn ee ay sidato ma
garan cida gaarsiisay.
Geeka Afrika mudo 20 sano
ah waxaa ka dhacayey qiyaame, waxaa dumay qar, iyada oo
weli qaafilo jiifto ( dhiig daadanayo). Soomaali waa
isdishay, waa kala caraartay iyada oo isdiidan.
Laakiinse, weli garaadkeedu ma u kala cadayn sida dantu
ugu jidho, marka haday taariikhdu u gar noqi weyday (ku
garaadsan waayeen) waayahaa Soomaali u garnaqaya. Iyada
oo aan faraha laysku taagin ama middi-middi ku taaga
layska ilaalinayo, bal adiga oo maankaaga garaadkaaga
adeegsanaya qadarinaya xornima u fekerka (iska ilaali
lab-la-kaca iyo qadarinta qabiilkaaga), ka jawaab
su’aalahaan.
?Dowlad goboleedka,
diyaarado raaca, dal kala googayta, doorashada beenta,
doqonku runmooday, qaranka dayeysan (laab-lakac)
dariiqii ka leexdey, dantii garan waaga, qabiilo u
doodka, dofaartiyo gaalka irsiqa u doonka… Maxaa ka
damaya?
? Cadow shisheeye,
daalimka (dagaal-ooge) iyo gaalka sirtooda dahaaran
dalkeena ku aadan, in layna dulaysto, dadkeena la laayo,
layna dabargooyo, intaan dayi weeyney dantii garanwaaga…
Maxaa ka damaya?
?Kuwii dadka laayey,
degaankiiyo beesha, dagaalka ku qaaday, haddaan lala
doodin, warkooda la diidin, qabiilka la dayrin, dad
weyne israacin, dowladnimadeeni doraato haloowday aan
haatan la doonin…Maxaa ka damaya?
Dhibkasta waa laga baxa,
dadka garaadsay waxaa lagu yaqaan waxay ka waayo
aragnimo qataan dhibkaa dhacay iyada oo laga cashar,
cibro iyo cabir qaadanayo, si ay dib dame ugu soo noqon
caaqiba xumidaas. Marka aan gaarno garaad aan ku
maansoonkarno maankeena, waxay noo suurta gelinaysaa,
inaan ka tashano masiirkeena mustaqbalka. Waxaan nahay
ummad aan wax-akhrin, waxay markaa sababtay inaan wixii
dhacay iyo waxa dhicidoona ka indho-la’aano. Qiimaha iyo
muhiimada ay leedahay inaan diintena (ilbaximadeena) iyo
tariikhdeena AKHRINO, maaha mid oraah lagu soo koobi
karo “waa laasim lagama maarmaan ah, haddii aan
doonayno inaan ka baxno baalka mugdiga ee taariikhdeenu
ku jirto.”
-
Akhri nin aqoonla
ogaan uma qoslee waa ilko cadayse
-
Akhri nin aqoon leh
adduun wow sicir sareyaaye
-
Akhri akhris la’aan
waa indho la’aane
-
Akhri ikhraa Ayad u
horayse
-
Akhri adaa sidii aar
libaax ooda soo jebine
-
Akhri adaa ummad oo
idil sidii Owr hogaaniyine
-
-
Akhri wax kaa maqan
wale kii arkaad noqone
-
Akhri talaad amar ku
soo gonyne
-
Akhri aakhiro imaan
wax akhrin lama amaanayne
-
Akhri yuu Amxaar
adoonsi ooda soo geline
-
Akhri adigoo arkaaya
yaan faraha lagu iibsanine
-
Akhri urugada akhris
la’aantu waa uur ku taalada e
-
-
Akhri dulinimada
goortaan arkaan qulub wareeraaye
-
Akhri yaan gocasho
owgeed ilmada kaga goboc layne
-
Akhri naclad baa ku
taal umminimo waa indho la’aane
-
Akhri nin aar doonayaa
uur nugayl malehe
-
Akhri qalin baa ummada
ku aflexeen odayadoodiiye
-
Akhri tariikh la qoray,
tusmo toosan iyo talo abwaan baa leh
-
-
Akhri dhalinyaranimo
wixii kaga tegay waa aqoon xumo e
-
Akhri nin aflaxay,
aqoon yahay mahdiyey waa abaal sare e
-
Gayigeen ka gees iyo
gees waxaa gaaray godobo waa weyne
-
Ummad weliba waxaay ku
hormartaa waa halyey hadaf la soo baxa e
Waa maqaal aan ugu
talagalay inaan kaga qayb galo “Dood-cilmiyeed Maalmihii
xornimada iyo midnimada Soomaaliyeed” oo dhacday
24/07/04, soo qabanqaabiyeen Ururka Daadihiye.
Middlesex University, London, UK
Ismail Mohamoud (Jeenihaar)
Jenihar18@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|