Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
-
“Mira-tirisku goormuu muhdiyow kula macaanaadey?”
Mise “waa la jiifiyaana bannaan”?! Dad badan waxaa ka
yaabiyey sababta ay maamulka Puntland hadda, Carta iyo
sidii wax loo qaybiyey usoo qaateen!
Dhowrkii sano oo ugu dambeeyey, ayaa taageerayaasha
kornaylku na barayeen “meel libaax soo galay lo’ ma
joogayso” iyagoo ka wada meesha uu odaygu soo galo in,
madaxweynanimo iyo xubnaha ugu badan baarlamaanka uu
gacanta ku dhigi doono.
Akhristayaal maalin baa nin reer baadiye ahi soo
martiyey reer ka koobnaa: aabbo & hooyo, labo wiil iyo
labo gabdhood. Reerkii maalintaas waxay qado ahaan u
sosheen/shiisheen hal digaagad ah. Markay diyaar noqotay
ayaa ninkii reer baadiyaha ahaa la yiri noo qaybi. Reer
baadiyihii wuxuu yiri: madaxa (tunka) digaaga waxaa iska
leh madaxa reerka (ninka), dabada ugu dambaysana waxaa
leh cajuusadda (hooyadii). Labada garabna waxaa leh
labada gabdhood, labada lugoodna waxaa leh labada wiil,
intii soo hartayna waxaa iska leh ninka martida ah.
Qofkii hilibka digaagga wax ka yaqaan wuxuu fahmayaa in
laba lugood maahane, hilibkii kale oo dhan uu reer
baadiyihii qaatay.
Maalintii dambe ayaa ninkii guriga lahaa wuxuu shiilay
shan digaag ah dabadeedna markay diyaar noqdeen baa reer
baadiyihii lagu yiri noo qaybi. Ninkii reer baadiyaha
ahaa wuxuu yiri: waxaan filayaa inaydaan u bogin
qaybtaydii shalay, marka iga daaya qaybta! Waxaa lagu
yiri dhib ma lahee noo qaybi. Reer baadiyihii wuxuu yiri
ma tiro is-le’eg baan wax idiin ku qaybshaa (dhaban)
mise mid is-dheer (kisi)? Waxay dhaheen mid is-dheer (kisi)
wax noogu qaybi. Reer baadiyihii wuxuu yiri: odayga &
habarta iyo hal digaag ah waa isku seddex (tiro is-dheer);
labada wiil iyo hal digaag ahna waa isku seddex; labada
gabdhood iyo hal digaag ahna waa isku seddex; aniga iyo
labo digaag ahna waa isku seddex! Reerkii waxay dhaheen
mayee tiro is-le’eg wax noogu qaybi.
Fiicnaan lahaydaa hadday qaybtaas ku qanci lahaayeen
laakiin ninkii reer baadiyaha ahaa wuu yeelay oo wuxuu
yiri: hooyada & labada gabdhood iyo hal digaag ah waa
isku afar (tiro is-le’eg); odayga & labada wiil iyo hal
digaag ahna waa isku afar; aniga iyo seddex digaag ahna
waa isku afar. Reer baadiyihii wuxuu yiri: tirada is-le’eg
waxaan saas ahayn kuma timaaddo. Marka isagoo Ilaah ku
mahadinaya sida uu qaybta u baray buu inta seddexdiisii
digaagga ahaa dhinac ula jeestay, cunid ku bilaabay.
Hadda reer Puntalnd waxay diideen qaybtii Cali Khaliif
soo helay ilayn Cali Khaliif wuxuu yaqaannay in “raggu
wuxuu walaaloow ku dhaamo aysan jirin” wuxuu qabiiladii
kale ee Daarood ka dhammaystay in Hartigu hammuun-gorgor
qabaan ee wax loo kordhiyo dabadeedna waa ka yeeleen
iyagoo dhibsanaya arrintaas. Reer Puntland waxay
Ismaaciil ka dalbeen inay sidii reer baadiya aysan
diyaar u ahayn tiro is-dheer (tii baarlamaanka ee
badnayd) ee ay rabaan tiro is-le’eg (qaybta ka sii yar
tii Carta)!
Markii Cali Khaliif tirada intaas le’eg ka soo helay
Carta, waxaa joogay Harti yar, muddadu inta Mbagathi waa
ka yarayd, qarashkuu Cali Khaliif isticmaalayna aad buu
uga yaraa kan C/hi. Halka C/hi oo haystay waqti labo
sano ah, malaayiin doolar oo Maraykan ahna ku
khasaarshay shirkaas, boqolaal qof oo ehelkiis ahna soo
dilay, xataa suldaamo soo dilay, welibana xukunka
Puntland boos ku haysta, muxuu soo kordhiyey?
-
Inuu dadkii Soomaaliyeed nagu sii diray
-
Hantidii Puntland oo uu dhacay
-
Dadkii Puntland oo uu isku diray
-
Baddii oo uu xaalufiyey
-
Xeryihii dowladda oo uu gatay
-
Suldaamo uu dilay
-
Dagaal-oogayaashii ka soo horjeeday oo uu isu keenay
-
Xataa qabiiladii Puntland oo hadda kala irdhoobay
-
Diintii Ilaahay oo uu la dagaalay
-
Dalkiisii oo ku sheegay in la dukheeyo
-
Iyo tiro xubno baarlamaan oo tii Cali Khaliif ka yar.
Si kastaba ha ahaatee C/hi oo labo qasri ka kiraystay
Eldoret iyo duleedka Nairobi oo lacagtii Puntland oo
dhan dabka saartay hadduu caawa Puntland u keeni waayey
wixii Cali Khaliif oon taageero badan haysan keenay
haddee waa taariikh. Saasooy tahay qabiilkii xitaa Cali
Khaliif ka dhashay qaarkood baa weli C/hi halyeey u
haysta iyo inuusan jirin nin Soomaaliyeed oo ka
horreeya!
Haddaan C/hi ahaan lahaa waxaan ergadiisa ka dhaadhicin
lahaa in 27 xubnood ee Mbagathi la siiyey ay ka miisaan
culus tahay tii Carta oo intaas ka badnayd maxaa yeelay
tii Carta Xamar keliyey xukuntay laakiin tan hadda
Mbagathi ka soo baxaysa xitaa Hargeysay xukumi doontaa!
Waxaana dhici karta inay u sacabbiyaan markuu saas dhaho.
Waxaan idiin hubaa ergada C/hi iska soo hormarisay inay
taasi ka degayso.
Haddaan usoo noqdo arrinta qaybta, waxaan Soomaali u
sheegayaa horta maxaa wax lagu qaybsaday? Soow hab
qabiil maaha? Haddee sheeko qabiil is-haysi kama baxdo.
Runtii waxaa sharaf mudan dadka wixii loo qoondeeyey
iyagu qaybsaday laakiin qolyihii wax qaybsan waayey, yaa
wax u qaybiyey? IGAD dheh.
Qof IGAD wax u qaybisay ka dib markuu qaybsan waayey,
hadal ma u furan yahay? Maya runtii. Bal fiiri
Daaroodkii oo dhan baa cabanaya! Yaa la dulmay marka?
Teeda kale qolyaha leh xaq baa naga maqan oo waa nala
dulmay waxaan weydiinayaa goormaa qaybta qabiilka,
badnaan lagu saleeyey? Ma Hawiye iyo Digil & Miriflaa is
le’eg? Ma Daarood iyo Digil & Miriflaa is-le’g? Ma
Hawiye iyo Dir baa is le-eg? Ma Daarood iyo Dir baa is-le’eg?
Sidoo kalana Hawiye iyo Daarood xitaa tiro ahaan isma
le’eka. Marka wax saas loo qaybiyey cidna raaligelin
maysee qola kastaay waxa lagu siiyey iimmaanso oo danta
guud ka raac.
Anigu maqaalkeygii ahaa (gabar reerkoodii laga soo
masaafeystay, qaalliga oon muslim ahayn iyo
markhaatiyaashii oo mid keliya markhaati furi karo) oon
sanad ka hor soo qoray ayaan ku saadaaliyey sida wax
noqon karaan. Marka hadday ergada Soomaaliyeed xukunka
IGAD raali ku noqdeen haddee waa inay aqbalaan
qaybtooda.
Mar horaba Cali Khaliif wuxuu Carta ka helay ergo
baarlamaan oo badan iyo ra’iisulwasaaranimo halka ilaa
hadda C/hi ergo yar helay mana filayo in cidi u
dooranayso wasiir koowaad. Saasooy tahay, in badan oo
cidda Cali Khaliif ka dhashay weli taas ma arkaan oo
weli waxaa indhahoodu arkaan halyeey C/hi!
Marka qormadaydu waxay ku socotay reer Puntland iyo
hogaamiyahoodee waxaan ku leeyahay:
“Godashaye u yeer yeer gaanaha aad maashide”
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK.
cabdulwaxid@hotmail.com