SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QAAHIRA
1luulyo oo qaahiro maalintii 3aad looga dabaal degay
HAMBALYO AROOS

hambalyo habalyo hamalyo

waxaanu hambalyo iyo bogaadin udiraynaa arooska c/qani xaji ciise iyo aroosada farxiya saalax cilmi oo ka dhacay magaalada laascaanood , ee gayiga nugaal loo yaqaan, waxana tahniyadaas diraya dadkan. kala ah
c/risaaq A.cali kaneec
cawil farax dabshid
c/khaliq xasan farax
maxamed jaamac  farax {{dhulqas}}
maxamed jaamac sahal
maxaed cali qotonsade
mubarak xasan farax
cali jamac farax {{dhulqas}}
maxaed cali qambi
nimco jamac farax
xusseen jaamac farax
naciima cawil farax {{dabshid}}
saleebaan warsame ismaaciil mirre
dhamaan dadkaasi waxay tahniyad iyo bogaadinba u dirayaan c/qani xaaji ciise iyo farxiya saalax cilmi oo dhawaan ku aqal galay , magaalada laascaanood.
mahadsanidin

Waxaa qoraalk aisku dubaridey:
abdirizak adam ali kaneec <kaneec1@hotmail.com>

waxaana lagu qabtay 1/7/2001 garoonka golaha hanuuninta dadwaynaha ee magaalada qaahira ee dalka masar lagu dhigay xaflad balaadhan oo loogu dabaal degay maalinta kor ku xusan oo ah xoriyadii gobalada koonfureed iyo israacii gobaldii soomaliyeed ee waqooyi io weliba xoriyadda aanu ka qaadanay gumaystayashii ingisriiska iyo talyaaniga.

Maalinta koowda luulyo waxaa jaliyadda degan masar,ee isugu jirta jaaliyad iyo ardayba oo uu horseed u yahay safiirka soomaliya u fadhiya masar,ku ciideen habenkaas farxad aad iyo aad ubaladhan iyagoo kula ciidaayey ummada soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan, waxana ka muujiyeen halkaas cayaaro, gabayo, heeso maaweeloouin iyo is farax gelin iyo isu tahniyadeen.

xafladaas waxaa soo qaban qaabiyey safaarada soomalida ee dalka masar waxaa kaloo qayb lixaad leh ka qaaday ururka ardada soomaaliyeed ee dalka masar,iyadoo gudoomiyaha ururka ardada soomaaliyeed ee c/raxmaan cismaan {c/raxmaan gurey}halkaa soo uu kasoo jeediyey kalimado aad uqiimo badnaa wadaniyad xanbaarsanaa kadib markuu hadalkiisii dhamaystay safiirka soomaalida ee masar,

waxaa barnaamijka howlwadeen ka ahaa,c/raxmaan saylici oo inta badan looga bartay soo jeedinta habka ay usocdaan barnaamijta masar ay kawado safarada soomaalida iyo weliba ururka ardayda soomaaliyed ee dalka masar;

waxaa kaloo halkaa joogay oo yimi qunsulka safaarada soomalida ee masar,waxba yaan hadal kugu daalin

xafaladaas amase ciidkaas waxaa kasoo qayb galay marti fara badan waxana ka mid ahaa

madax sarsare oo kasocota dawladda masar katirsan.

xaawo xaaji baraako oo ahayd hooyo soomaaliyed oo usoo halgantay umada soomaaliyeed xiligiii gumaystaha oo hadal aad uqiiro badana kasoo jeedisay,

waxaa kaloo ka hadlay goobtaasi engneer,xuseen xasan sooyaan oo ah musharax dhalin yar madax tinimada soomaaliyana uga sharaxan shirka nairobi oo runtii si wanaagsan ula hadlay ardadii iyo jaaliyadii mesha isagu timi,waxaa mar qura ardadu iyo jaaliyadu si niyadu kujirto uyiraahdeen adaan kudooranay iwm

waxaa kaloo goobtaasi yimi oo kasoo qayb galay xubno ka tirsan qoyska tirsan dowalada iyo weliga somalida degan gobalada ama ardada ka ah waxaa intaas sii dheraa.

danjirayaasha dalalka soomaaliya ay walaalaha yihiin iyo kuwa saaxiibka ay yihiin iyo dublamasiyiin kale.

jaaliyadaha dalaka aan saaxiibka nahay iyo kuwa carabta

waxaa kaloo jaaliyada iyo ardadaba lagu booriyey in ka fogaadaan waxayaalaha kala fogeeya somaalida ay kamid tahay qabyaalada

c/rsaq A.ali kaneec

bariga dhexe qaahira

kaneec1@hotmail.com

Munaasabad 1da Luulyo Loogu Qabtay London, UK
Munaasibadan oo ay ka qayb qaateen Soomaali fara badan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka... Guji

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD