SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Qiil Ma Waayaan!
 Abdisaid Musse Ali-Koor <aabdisaid@hotmail.com>

 

Asbuucii lasoo dhaafay, waxaa deegaanada soomaaliya ka dhacay xasuuq aad u badan (dhimasho 25 ilaa 35), inta ugu badana ay ka dhacday Gobolka Benadir iyo Jubooyinka, dhowaanna lagu dilay rag mas'uuliyiin ah magaalada Boosaaso, dhowr qof ayaa arimahaas wax ka qoray intooda badan waxay ahaayeen rag aan horey u naqaanay sida ninka yiri beesha geesatay dilkaas foosha xun ee Boosaaso waa ;"waxaan shaki lahayn in dadkii ficilkaan geystay ay yihiin, dulli, xuunsho iyo dugaagga yaryar" Maadaama aan naqaan qofkan inuu yahay nin si xun ugu fogaaday qabyaalada iyo nacaybka soomaalida, waxaan ka garankarnaa qoraalkiisa, inuu ku sheegay beeshaas waxa ay jifadiisu ka aaminsanyihiin! (mise afkaa ka xaday!)
 
Dhamaan dhacdooyinkii ka dhacay soomaaliya kama aysan hadlin, hal qof ayaa ka hadlay gabadh lagu jirdilay magaalada Kismaayo taas oo u dhimatay jirdilkaas, qofkaas wuxuu sheegay inaan laga hadlin sheekadan, laakiinse waa laga hadlay oo si fiican ayey uga hadleen website yada qaarkood, nasiib darro, dadka wax ku soo qora somalitalk ma arki karaan sawirka guud (big picture) oo waxay ku mashquulsanyihiin xinif, iyo xisaabtan hoose taas ayaana ka indhatiraysa inay la socdaan arimaha soomaaliya....
 
Sheekadan Kismaayo, waxay isoo xasuusisey annagoo Jowhar deggan in reero deriska gabadh yar oo jaariyad u ahayd lagu eedeeyey inay xadday Silis dahab ah, gabadhii way inkirtay nasiib wanaag gabadha waxa yaqaanay waalidkeed oo la saftay yirina haddii gabadheenu tiri ma qaadin waa runteed markaas...Kadib, waxa lagu heshiiyey in nin saaxir ah la keeno oo qofkii qaatay la dhajiyo (Gambarka uu ka kici waayo inta wax lagu akhriyo) markii sidaas lagu heshiiyey ayey gabadh kale oo reerka ay qaraabo yihiin keentay Siliskii, marka laga yaabee gabadhan Kismaayo falka lagu dilay inaysan geesan!
 
Haddaan usoo noqono qolyahan qabyaaladu ku fogaatay ee basasha qubkeeda hoose maraya, marka laga hadlayo Puntland, caddaalad, miisaanka caqliga, eedeynta, iyo in lagu xadgudbo ummad kale, miyayna haboonayn, miisaanka aad wax ku cabiraysaan bal inaad hal mar isa saartaan, mise waxaan tihiin dad nadiif ah oo wanaagsan, midda kale labada amase saddexda qof ee Cabdullaahi ku fogaaday maxaa ka dhigay ma guursadayaal (ma dhalaysyo)....Taasna waxay isoo xasuusisey, nin la yiraahdo Yaasiin Dhagax oo ma dhalays ahaa ee joogay Xabsiga & Xerada Badda Baraawe, ninkaas heer uu ka gaaray Kibir, iyo xumaan wuxuu oran jiray dadka u xirxiran markaan niraahno waan tukanaynaa "aniga ii tukada"...Labadan shaqsi markaan arko xadgudubkooda waxaan soo xasuustaa Yaasiin Dhagax, waxaanse ku faraxsanahay in dulmigiina aad dibadda la joogtaan kuna egyahay qalinka...
 
Waxaad qiyaastaa qorayaashan oo qori laguugu dhiibay, amase xaakim lagaaga dhigay, waliba ogow raggan jirada qabiilku ku fogaatay waxay deganyihiin Europe e!
 
 
 Abdisaid Musse Ali-Koor <aabdisaid@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD