Emaaraadka Iyo Baasaboorkii
Somalida
Dawlaadda Imaaraadka carabtu (UAE), waxay ahayd waddanka keli ah ee
Khaliijka ku yaal ee Soomaalidu sharaf ku lahayd . Fiiso la'aan ayaa lagu
imaan jirey. Marka Hindida, Baakistaanta iyo dad kaloo badan suuqa laga
qabqabto si loo tarxiilo Soomalida lalama hadli jirin.
Sidii ayey Qunsuliyadda iyo Safaaraadduba u joogeen.
Qunsuliyadda oo qaabilsanayd arrimaha Baasaboorada iyo Jaaliyaddaba waxaa
madax ka ahaa nin reer Puntland ah intii ka dambaysay burburkiina si fiican
u shaqaynayey sharaftii Somalinamadana ilaaliyey jirey, haddii uu wax
cunayana si hufan u cuni jirey, dadka la socon jirey odayaasha maqli jirey,
ruuxii kharashka baasaboorka waayana u dhaafi jirey, kii tabar yarna
awooddiisa ka qaadi jirey.somalida meel kasta oo ay ka yimaaddana aan kala
xigsan jirin, cid ka soo cabatana aan la arki jirin.
Iyadoo badhaadhahaa lagu jiro waa tii belaayadu Carta iyo Ina cumar Geelle
innakaga timi.
Waxaa halkaan Imaaraadka noogu yimid Xasan Abshir Waraabe oo sheeganaya
Wasiirka Koowaad ee DKM Soamaliyeed. haddaba kaligiis ma imane wuxuu noo
keenay wiil carab Soomaali ah oo waxay isu yihiin iyo waxay isku samayn
jireen aanan hadda sixi karin. wiilkkii ayuu qunsuliyaddii u magcaabay.
Wiilkii markiiba wuxuu bilaabay hawshii loo tababaray. um-dheh dam- dheh.
waa kan Baasaboorkii iibka ugu dhaqaaqay. malaha qof Imaaraadka jooga oo aan
haysani ma jirin. waxaa la qabtay Hindi iyo Baakistaan sidata, Filibiin
sita, Ugaandha nacas lagu qabtay oo Basaboor somali ah sita. dhillooyin
Ruushka laga keenay oo Baasabor somali ah sita. dadka qaarkii dameero iyo
daayeer sitana waabay sheegayeen. waxaa nala tusay nin Maali u dhashay oo
lix Baasaboor oo somali ah oo isagu leeyahay lagu qabatay.
iska dhaaf dawladda Imaaraadka ah e dadkayagii suuqa joogay baaba
anfariirey. sidaa daraadeed dawladda Imaaraadka Carabtu gar bay u lahayd in
ay baasaboorka mannuucdo. wiilkaa yari dhibta iyo sharaf dhaca uu geystey ma
aha mid ay maydhi karayso dawlad Emabaghaati ka soo baxdaa.
Xasan Abshir in uu sidaas yeelay wax weyn ma aha oo mid ka daran baa laga
filayey.
Dugsiyadii macalinkii kacaanka dadkii kasoo baxay wax weyn baa innooku
dhiman. waxaabaan la yaabaa weli rag bay qoodh u yihiin Eydii Maxamed Siyaad
Allaah ha u naxariistee adhigha raacsan jirey.
Maxamed Siyaad wuxuu ahaa sida la isku raacay nin Xiniinyo badan.
In ku dhow rubuc qarnina waddanka soomaliya wuxuu u ahaa sida reer uu isagu
leeyahay .oo cid kale ula arrimin karin.
Wiilkii uu wax bidana xadhig buu ku hubsan jirey.
Weligii nin aan doqon ahayn wax uma dhiiban. waayo ninka qoodha ahi diric la
xisaabtama amba la dooda wax kuma qaybsado.
nin weyn buu ahaa oo dadka si fiican u kala yaqaannay weliba ragga ay
ciidamada soo wada mareen. waxaan muran ka joogin in uu reer kasta uu kan
ugu doqonsan wasiir ama Janaraal ka dhigan jirey. miyuu sidaa ku gafsnaaa?
ninka uu Maxamed Siyad sirtiisa ku aamminey amaba uu soo dhoweystey nin uu
raganimadiisa hubsay buu ahaa.
Haddaba waxaan la yaabaa raggii uu Maxamed Siyaad wax ka dhigay in a weli
dad qaarkiis halyeeyo u yihiin.
Ilaah igaga sarreeyee colkii Afweyne Alle ha u naxariistee Muse Yalaxow
baa isku dhaama waayo Muse Yalaxow raganimadiisa ayuu ku soo baxay oo cidna
ama naagtiisa ma gabadhiiisa duhur uma sii hullaabin.
Beri anigoo yar oo dibadda arday ka ah ayaan la kulmay nin aqoonyahan ah oo
uu Maxmed Siyaad mar ku khaladamay Toddbaantakiina wasiir ka dhigtay. in
sannad ka yar bay ahayd markii madax la isla galay ninkaasi istiqqala uu
geystey Maxmed Siyaad Barrena ka aqbalay.
Marka ninkaasi ii sheekaynayey waan la yaabay oo nin waalan baan u qaatay,
waayo waxaan is idhi ninkaan aqoon yahanka ah maxaa waddankii ka keenay oo
uu dawladda ula shaqayn waayey.
sow aniga toban sano ka dib u garaabay ma aha markaan u kuurgalay sida
xaalka dawladdu yahay.
Nabadgelyo
Cawl Mareero.
Cawl_mareero@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|