JANAAY, JANAAY! JAHANAMA, JAHIIMA! JANAAY,JANAAY EBED!
Qore: Ridwan Bay zamzam66@yahoo.com
Iila dheel, Iila kood, Iila baashaal! Waxay ka mid yihiin farxada iyo riyaaqa aan suureysanayo iyadoo ay la socdaan buunkii, sacab, cago ka cayaar iyo Shambal. Waxaan u farxay si aanan weligey u farxin markii ay isku biireen labadii garab ee wax iska caabinta RRA si dhamaan Arlaadi ay nabad ugu soo noqoto.
JANAAY! JANAAY!
Gobolku wuu ka dib dhacay dhamaan gobolada Soomaaliyeed oo dhan waxaana ugu wacan colaad dibada iyo gudahaba uga socotay muddo dheer. Dadka Gobolkani waxay ahaayeen dadyowga farakutiriska ah ee jarmaada subixii si ay u soo shaqaystaan. Lama arki jirin dad afka kala haya oo tuban makhaayadaha hortood sida magaalooyinka kale ee waxay ahaayeen dad muruq maal ah oo soo saara soorta iyo badarka laga cuno dhamaan geyiga Soomaali degan tahay.
Wuxuu ka mid ahaa gobolkani gobolada ay Soomaalida aan u dhalani hamuunta iyo hunguriga u qabtay in ay qabsadaan, qaybsadaan oo ku amartaagleeyaan barwaaqada iyo kheyraadka Eebe ku manaystay awgeed. Waxaa kale oo sii caawiyey doonistooda in loo yaqaano Dadka gobolka dad ehlu diin ah oo aan dhib badnayn oo deris wanaag iyo marti soor fiican, hubkana aan aqoon u lahayn. Muddo ayay ciidamadii Xamar ka soo duulay ee Caydiidkii Amuuday uu ku tamashleynayey Maayafuulka, Afaridoodka,Gerbida, Salaamay, Boonkay ilaa Madhayti Moora Gaabay.
JAHANANA!, JAHIIMA!
Waxaa xusid mudan sida xun ee dadka Digil iyo Mirif ay ula dhaqmeen huwantii is bahaysatay ee Daarood iyo Hawiyaba lahayd. Waxaa la boobay kheyraadkii iyo Bakaarihii buuxay, Ceelashii ayaa la sumeeyey, Geelii dhaadheeraa ee Soomaalidu ku faani jirtay baa miino baadh laga dhigay, Faraxumeynta dumarka warkeeda daa, Waayeelka iyo carruurta la warjeefay, Waanta waala iyo Erdaasha la nolol aasay, Subi Quraan-kii Miinada la dhex dhigay. Waxaa dhacday in dadkii ay qaxaan iyagoon loo reebin mood iyo maal midna. Waxay taasi sababtay in dunida laga arko muuqaalo dad u eg aanse ahayn macaluusha, rafaadka, gaajada iyo dhibaatada dadkaa soo gaartay awgeed.
Waxaa dunidu isweydiisay in bini’aadam nool uu sidaa noqon karo, waxayna isbarbardhigeen quruxda, xooga iyo muuqaalkii wanaagsanaa ee dadkaasi kaga caansanaayeen wadanka intiisa kale intaan dhibaatadani ku habsan!.Janaay ayaa waxay isku bedeshay Jahiima, Jahanama! Iyo Magaaladii geerida iyo dhimashada!
Waxaa xusid mudan in uu gobolka ka soo baxay magaca Haddaa Kooyni oo ah kacdoonkii lagu doonayey in dawladii hore haraageedii iyo qaxootigii ka soo qulqulay Muqdisho lagaga saaro gobolka. Waxaase nasiib daro ahayd in dad badan oo shicib ahaa oo aan gobolka u dhalan si xun loogu galay agagaarka, bartamaha iyo hoosta Buundooyinka waaweyn ee Baydhabo!. Waxaa uu kacdoonkaasi sameeystay buug ay ku qoran yihiin ciqaabo kala duwan oo markii lagu qabto aad ku nasiibsanaysid tii kuu soo baxda: Daldalaad, Musbaar laga dhex dusinayo madaxa, Miig u xirid iyadoo silig ama caygeri la isticmaalayo, Saliid ama Biyo karkarayo oo lagu dhex geliyo, in lagugu xiiro ama lagugu jeex-jeexo quraarad ama midi, Toogasho, Saliibin, Karbaashid, Baabuur ku kala jiidid iwm.
Waxaan filayaa in ay ahayd meesha laga raacay gobolka oo masiibadu ugu habsatay waayo Illaahay waa caadil, Cidna ma dulmiyo, Haddaysan iyagu is dulmin!.
Waxaa markiiba yakaha u rogay ciidamadii ugu sheekeeyey isbahaysi baanu nahay ee Xamar ka yimid si gobolka looga caabiyo kuwo careysnaa oo doonayey in ay Gedo ka soo rogaal celiyaan.
Gobolku wuxuu inta badan eersaday wadada dheer ee Xamartii hore ka iman jirtay ee soo maraysey Shantaraale, Afaridoodka ilaa Magaalada laga baxayo oo sii qabanaysay Boonkaay iyo ka sii shishe. Waxaa wanaagsan in mustaqbalka wadada aadasa Gobolada Gedo iyo Beledxaawo laga leexiyo Cadaada ama Maayafuulka ama meel dhexe oo aan Bartamaha magaalada ahayn si dhib badan looga dhowro Farsmagaalaha magaalada! Waayo ciidamadii is baacsanayey ee doonayey Xamar iyo Gedo in ay kala qabsadaan waxay soo qaadayeen jidka dhex mara Magaalada taasoo keentay burbur farabadan iyo in saldhigyo laga dhigto gudaha beledka!
Waxaa Eebe qadaray in dhibtii iyo halaagii la soo mariyey Gobolka iyo dadkiisu ay u soo baxaan xoog ay Soomaali oo dhami ka baqdo kadib markii Caydiidkii yaraa barqo laga caydhsaday Janadii uu ku jiray, dibad joogna laga dhigay. Damaashaad, Allabari, Alalaas, Farax-ooy iyo waxaan laga sheekeyn Karin ayaa ka dhacay meel walba oo Doy, Bay iyo Sarmaanba ah.
Waxaa rumowday rajadii Arlaadii, waxaa soo noqday kala danbayntii iyo deris wanaagii, waxaa loo jarmaaday beerihii iyo shaqooyinkii, waxaa la aqoonsaday oo meel walba laga dareemay awooda iyo quwada ay Arlaadi leedahay, waxaa si sax ah u hirgalay afkii dadku lahaa ee May-ga, waxaa dhacay iscafin iyo sabeen isku xir!
Sharaftii Arlaadi lahayd iyo Xoogii uu dagaal ooge kasta ka baqayey waxaa u qayilay niman yidhi Arlaadi intaad moodeen maahee waa ilaa Xamar iyo Kismaayo, markaa waa in dhamaan Dagaal oogayaashu xarun ka dhigtaan magaaladan soo ifaysa ee barwaaqada ah halkaasna laga dagaal galo!. Kuwii shalay na rafaadiyey baanu u sabcinay oo marti noo ah sabuulka iyo soortana u dubnaa! Sow dadow wax lala yaaba maaha!
Markii ay taasi dhacday ayaan qoraal u qoray walaalkey C/fataax oo soo saari jirey Joornaalkii Reeghay ee Janaay ka soo bixi jirey, waxaanan ku idhi sidan
Wed, 1 Aug 2001 20:40:46 -0700 (PDT)
QALFOOFTII DUNIDA KA ILMEYSIISAY!!!!
Waxaan la yaabanahay nacasnimada Rahanweyn ee ay weliba
malaaqyadoodu ku raaceen. Holicost baa nalagu
sameeyey, waa nalabaabi'iyey sixunbaa naloo galay,
dadkeenii baa qalfoof laga dhigay, magaaladayadii
baydhabo Janaay baa dunidu u taqaanaa MAGAALADII
DHIMASHADA(THE CITY OF DEATH).
Maxaa nagu dhacay!!Waxaa nagumaaday Caydiid iyo Dadkiisa!!
Maalin dhoweydna anagoo farxsan baanu caleemo qoyan
kusoo dhaweynay:HADHAWAW! GEESIGII UNIJEELAAYNI
HADHAWOOW, BELEDKA BELEDKAA WAA HADHAWAAW!!!!!!!
Raxanweyn dhibaatada Caydiid gaarsiiyey waxaa ka sii
daraaneysa ta ay u soo wadaan dadkan meesha la soo dejinayo ee Morgan iyo xulufadiisa ah! Hadhow Raxanweyn oo isjafaysa waa la arki doonaa!Col.Tafasena waa iska tegi doonaa!Allow yaa yiraahda maskaxdiina isticmaala oo malaaqyadu sidii looga bartay u dhaqma!!!!!!!Maxaa saadaashu ku xuntahay, maxay Magaaladii dhimashadu rimantahay, Maxaan waxbadan ogahay!!!!!!!
REEWIIN: DOQONYAHAY KA KAC MEESHA DACAYDA HA LAALAADIN!!!!
C/Fatax iima soo jawaabin! Waan ku warceliyey
- From: ZACKRIDWAN zamzam66@yahoo.com
- To: re.......................
- Subject: HAATOOY
- Date: Thu, 9 Aug 2001 11:50:24 -0700 (PDT)
EELAAYOW MAXAA KU HAYSTA!!!!!!!!
MAGAALADAADU TELEFON MA LEH TAAR MA LEH DADKAAGII
MAALINBA MID BUU TAFASE KU DILAA MAGAALADA!.
NABAD IYO CAANAAD KU JIRTEENE MALAAQYADIINII MA
IDIN EEDSIIYEEN!!!!!!!!
HAATOOY, HAAATOOY MEEL HA IDINKA SOO SAARTO
FADLAN ADIGAA WAX QOREE DADKAAGA U BAYAANI DANTA MEESHEY KU JIRTO(LAAKIIN MAGAALADII AAD U DHALATAY BAA
LAGUGU GUMEEYSTAAAA) MASKIIN! INTAAD DHUL KALE KU DOODAYSAAN MAGAALADIINA XOREEYA. MORGAN IYO CABDI WARSAME IDINKA MAAHA CIIDANKII RAXANWEYNA WAA KASOO CARAREEN DHAMAANA WAY ISDHIIBEEN.
SOW HORE KUUGUMA SHEEGIN DADKU ISKU DAD MAAHA OO
NIN WALIBA SIRTIISA WAA U QARSOON TAHAY(MEE MORGAN & ABDI WARSAME)!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
WAR KA TASHTA DANAHIINA OO ISKA SAARA NIMANKA
QALFOOFKA IDINKA DHIGAY EE IDINKU DHEX JIRA AMA
SIDA DUMARKA ASAY XIRTA!!!!!!!!!
SOO JAWAAAAAAB RUNTANA KA HADAL YAY CAADIFAD KU QAADIN
C/Fataax oo aan ahayn sidaan dareemay nin hadal badan ayaa ii soo qoray
- Date: Fri, 10 Aug 2001 15:35:29 -0700 (PDT)
- From: A/fitah ......................
- Subject: Re: Akaaga suubso Eelaay waa tii Hoyadaa wastey adna ku waseysaa Paster
To: " ZACKRIDWAN"
zamzam66@yahoo.com
Waxaan ugu jawaabay
MEEL XUN ALLE KU DHIG. WAAR HA CAAYIN HOOYOOYINKA OO ASLUUBTA ILAALI. ISXOREEYA WAAKAA ASAAGIIN ISKA XOREEYEEN
C/LLAAHI. MALAAQYADIINU DIB HA ISUGU NOQDEEN INTA AYSAN ARRINTU FARAHA KA BIXIN!HADDII KALE TIGREEGUNA WAA ISKA TEGI NIMANKII QALFOOFTA IDINKA DHIGAYNA WAA IDINLA JOOGAAN
WAAR WIXII INOO DAN AH BAAN KUU SHEEGAYAAYE HA I CAAYIN
NACASYAHOW.ANIGUBA REEWIIN BAAN AHAY KA GUBANAYA WAXA DADKEYGA LAGU SAMEEYNAYO IYO NIDAAM XUMADOODA.
ADIGAA QORAA AH IYO DHALINTA KULA MIDKA AHE BILAABA
BARAARUJINTA DADKA ANIGA IYO GURUUB ILA MID AHNA
WAANU IMANAYNAAA.WAXA C/LLAHI KA ERYEY PUNTLAND WAA SHICIBKII WAXA BARAARUJIYEYNA WAA DHALINYARO DOORASHO UTARTAMEYSA EE MAXAA REEWIIN KU DHACAY!!!!!!!!
MAXAA ANIGA MAANTA BAYDHABO IIKEENAY CAYDIID, GABYOW IYO
MORGAN IYO KUWA LAMIDKA AH
MAXAA IIDIIDEY INAAN DOWLAD GOBOLEED SAMAYSTO OO
DADKEYGA AAN RAFAADKA KA SAARO. ANIGU HADDAAN REEWIIN AHAY MA MADAX BANAANI!! U HADAL SIDII NIN WEYN OO WAXGARAD AH ADIGAA NOO AH QORAA DADKA HA KHAYAAMEYN MEESHA ISKA QAAD NACASYAHOW WAA LAGULA XISAABTAMI DOONAA. WADANKA LABAAD EE UGU BADAN AFRICA AIDSKA INUU KAYIMID TAFASE LASOCO!!!!!!!
BARAAAAAAAAABUG REEWIIIIIIIIIIIIIIN!!!!!!!NEBEDEEEEEEEEEEEEEEEEEY
C/Fatax wuxuu soo qoray
- A/fitah Geesey : re................. wrote:
- Subject: Re: war is cadee
- Date: Sun, 12 Aug 2001 00:12:57 -0700 (PDT)
Waxaan ugu jawabey
Is cadeeyey ee iga hoo!!!!!!!!
Waxaan ahay nin Raxanweyn ah oo Macalin Weyna ah
Baydhabo wa beledkeygii hooyo, waxaanan weligeey
deganaa xaafadda Berdaale magacaygu waa EEdiraan!!!!!!!!
Waan ku ag deganahay ee iska key ogow!!!!!!!!!
Waxaan ku iri Ruug cadaagii Soo rogaal Celi miyuu
Morgan wadaa oo mar kale buu isticmaalayaa
dakayagii!!!! Isagaaba dirqi kusoo baxsaday kadib markii
qabiiladii Bu'aale deganaa iskhilaafeen!!!!!!
War dadka yaa meesha lagu dhameynin. Laakiin waan iska
hadlayaa adiguba Abdifataxow waad ogtahay oo talada
anaga malehin oo Hadayba noogu darantahay oo nala
qabsaday waagii hore Tafase iyo istaafkiisa ayaa
meesha marayey lakiin hadda waaba kadaroo dibi
dhal!!Inaadeerkiis aanu caqli kaashano Malaaq waaye! Waayeel waaye majirto; Malaaqyadii baa hadda ugu jirisan
Soomaaliya. Aanu iska war hayno!!!
Nabadeeeeeeeeeey
C/Fatax wuxuu soo qoray
- A/fitah .... re
- wrote:
weli koley aniga garan ee fadlan is soo cadeecay
aflagaadada iyo cayda daa lama ogaleeeeeeee nin weyne
- Date: Fri, 24 Aug 2001 13:15:02 -0700 (PDT)
waxaan u qoray
C/FATAX SAAXIIB WAAD MAHADSANTAHAY WAANADAADII
HADDA KADIBNA WAXAAN KUUSOO DIRAYAA WAXYAABO KU HABOON
IN BULSHADAYADU AY KATAXADARAAN
AIDS-KU WAA KAMID INKASTOY DADKAYAGU AQOON WAAYO WAANAGU CUSUB YAHAY WAANA KHATAR BAL EEG WAXA AY UN-TU KA TIRI,
LAAKIIN HADDII AANAN DADKA UGA DIGIN DHIBAATADEEDU MAYARA MARKAA WALLAALE FADLAN JOORNAALKAAGA KUQOR OO DADKA UGA DIG
C/Fatax iyo aniga intaas ayaanu is weydaarsanay, waxyar ka dibna E-mailkiisii ayaa go’ay Magaaladiina colaad iyo rafaad hor leh ayaa ku bilowday! Waxaana soo baxday colaadii iyo dhibaatadii iyo umula dooxii Raxanweyn dhexdeeda ahayd ee aanu aniga iyo C/Fatax ka wada hadlaney. C/Fatax wuxuu 100% aan u dhaamay ninka la yiraahdo C/Rahmaan Diinaari ee DKM u ahaa qoraaga iyo afhayeenka. Waxaan u diray ninkaa sanadkii 2001 warqad ay si wada jir ah u saxiixeen 3 qabqable oo ay ku baryayaan Siyum Mesfin! Waana kan qoraalkii
- Date: Fri, 7 Sep 2001 08:37:05 -0700 (PDT)
- From: "ZACKRIDWAN" zamzam66@yahoo.com
- Subject: Re: Fwd: letter
- To: "abdirahaman diinaari"
Fadlan akhri warqada ku lifaaqan!
duf ku baxa wuxu doqonsanaa !!!!!!!!!!
Wuxuu Diinaari ii soo qoray sidan!
-
- abdirahaman .......
- wrote:
inaan kuu jawaabo ma istaaheshid waxaanse ku
leeyahay labadeena kii doqon ah waa la ogoaan doono.
- --ZACKRIDWAN zamzam66@yahoo.com
- wrote:
Note: forwarded message attached.
SALAAMAAT !!!!!!!
HADALKAYGU WUXUU U SOCDAY SIMANKA BARYAYA SEYUM
MESMIN-KA ITOOBIYA MAXAA KU QAADAY DIINAARI SOWDIGII AHAA WAXQORAHA DOWLADDA.MA WAXAAD U ADEEGTAA QARAN MISE TOLJECLAYSI BAA KU QAADAY !!!!!!
MA WAXAAD LA BAHTAHAY CAYDIID, SHAATI IYO MAX'ED ISMAIL. WAAYO WARDADDA KU LIFAAQAN (ATTACHMENT) E-MAILK-AAN KUU SOO DIRAY WAXAY KA SHEEKEYNASAA SIDA DOQONIMADA AH EE AY U BARYAYAAN ITOOBIYA 3-DAA NIN.BAL DIB UGU NOQO E-MAIL-KAYGII OO AKHRI WARQADDA KU LIFAAQAN (ATTACHMENT).
HADDAAD AKHRISAY OO AAN FILAYO INAAD AKHRISAY ISKA
SAAR QURUNKA QABYAALADDA EE KUGU JIRA. HADDAADAN WELI
AKHRIN WARQADA TIIMBARAHA 3-DA AH WADATA EE AY
BAYDHABA KA DIREEN NIMANKAAS 3-DA AH, UNA DIRAAN SEYUM
MESFIN, MARKAA WAAN ISFAHMI WEYNAY ANIGAANA ISKA
RAALIGELI GELINAYA HADALKAAGII.
OGOWNA WIXII MUHIIM AH EE AAN ARKO WAAN KUU SOO
DIRAYAA EE ADIGA IYO ILAAHAAGA HADDAAD DADKA KU WACYI
GELIN WEYDO.
SALAMA ALEIKUM
Waraaqo badan baan u diray oo ku saabsan sidii loola dhaqmi lahaa dableyda iyo sidii hubka looga dhigi lahaa, dib danbase iiguma soo celin jawaab!
JANAAY! JANAAY EBED!
Maasha Allah Ilaahay baa Malaaqyadayadii iyo culimadayadii garansiiyey wixii dantu ugu jirtay dadka. Waxaa farxad ah in ay culimada gobolku sameeyeen wacyi gelin ku cusub Soomaaliya oo ah in ilaa Xudur ay u aadeen in ay dadka ku soo dabaalaan diintooda. Waxaan Eebe weyne ka baryanaa in uu noogu soo celiyo Gobolka Janadii uu ahaan jirey, dadkana ka sifeeyo cuqdada kana shaafiyo dhibaatadii kala gaadhay. Waxaa dhamaan dadka u dhashay Digil iyo Mirif amaan iyo Faan ugu filan sida ay isqabqabsi la’aan u soo gudbiyeen xubnahoodii uga qayb geli lahaa iyo sida wanaagsan ee ay u heshiiyeen ee ay gacmaha isu qabsadeen! Aaranku wuxuu yimaadaa marka cadaalada, Alla ka cabsiga iyo Nabadu timaado. Dadkeenu ma ahayn dad ka sheejkeeya baararka hortooda ee waa dad muruqmaal ah oo shaqaysta, waxaana goor dhow dhici doonta si aanu Eebe uga baranay in aanu mar kale masruufno dhamaan Soomaalida oo dhan! Eebe ha ina waafajiyo towbada! Malaaqyaduna shaqadoodii hadday qabsadeen Ilaahayna waa ku garab qabtay! Waaxaanan leeyahay Guuleystayaal, Hawl kama daalooyin wada nabada iyo dhexdhexaadinta inta hogoshu da’ayso waa la qaboobi doonaaye!
Waxaan kula talinayaa dadka reer Arlaadi ah in ay maalgashadaan beledkooda, waana in si dhakhsa ah ay magaaladu ula tartantaa magaalooyinka kale ee ka hor maray!
Eebe Magaalada ha noogu soo celiyo BAYDHABA JANAAY!
Ridwan Bay zamzam66@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|