Beesha cali saleebaan waxay taageersan tahay Geedi socodka nabada
Beesha Cali Saleebaan waxay taageersan tahay Geedi
socodka nabada ee somaliada uga socoda Dalka kenya, islmarakaana waxay soo
dhaweynayaan shaqsi waliba ee loo doorto si sharciya. Beelaha Cali Saleebaan
waxay ka qeyb gali karaan tartanka Madaxweynimada, waxayna kala taageeri karaan.
xisbiyada tartamaya ayagoo huwan Xisbi, Koox, Garab IWM, balse waxaa kareeban
inay ku hadlaan magaca beesha. Aragtida siyaasadeed ee carqowdey anagoo raaceyna
iyo hab-dhaqanka xeerarka faca wayn ee soo jiraanaka ah, Maadaama beesha Cali
saleebaan tahay beesha uugu mudan beelaha Daaroodka dhinaca dhalashada waxana la
gudboon inay u xaqsoorto.
Beesha Cali Saleebaan Waxay kala joogaan shanta Qaarood ee dunida, ubucda
loogaga taleyaana waa dalka somlia gudihiisa. Qof fkasta oo beesha cali
saleeban ka mid ah way ufuran tahay in uu fikradiisa ka diibto marxaladadaha
shirka marayaan heer qaran iyo heer Gobel isagoo kuli faaqya magaciisa iyo inta
laargti ah, waxaana ka reeban Quf kasta oo beesha ka mid ah in uu ku takrifalo
xerka beesha, baaqyo aan la'isla ogeen in lafaafiyo, maxaa yeeley, kama duwana
madaafiic la ridey oo aan loojeedin meesha ay ku dhacayaan. Beesha cali
saleebaan waxay si bareer ah wax uga qaban kartaa toosinta maamulka puntland
ayadoo cidna anan usoo marin. Hadafka beeshu wuu ka durug sanyahay qof taageerid,
waxay beeshu ku howlan tahay xalinta qilaafaadka beelaha dhaxdoodu ka-alosmey.
Guduumiyah Ergada beesha cali saleebaan
Caaqil Faysal Xasan dubbe
Naribo, Kenya
<suxufi200@yahoo.co.uk>
Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|