SOMALILAND INAY TIMAADO SHIRKAN WAA LAGA MAARMI KARAA WAYNA KA MAARANTAA
Baashe Dayax
<baashedayax@hotmail.com>
Salaan qiimo badan oon u tebinayo bahda somalitalk ka dib
waxan ka jawaab celinayaa suaashii walaalkeen Nuur beeldaaje ina waydiiyey
oo ahayd
MA LAGA MAARMI KARAA IN SOMALILAND KA MAQNAATO SHIRKA SOOMALIDA ?
jawaabtii oo kooban waa HAA
runtii waaba laga maarmay waayo shirkiiba waa gebo gebo waxana la rajaynayaa
mudo bil ama wax aan ka badnayn in dawlad lagu dhiso.
hadaba Somaliland oo iyadu hore u tashatay isna turxaan bixisay 1991
dawladna samaysatay ,wax badanina u qabsoomeen nabadna ku nool
mowqifkeedana cadaysay booql jeer in aan shirarka heshiiska iyo dawlad
dhexe loogu donayo soomalida inteeda kale ee is haysa aanay somaliland
khusayn . waxa layaab leh in dad badani ku celcelinayaan sababta somaliland
uga soo qayb geli la,dahay shirarkan ma dhalaysaka ah ama aan intii badnayd
ba hano qaadin? madhalayska markaan leeyahay waxan u jeeda shirarkii kan
embegati ka horeeyey, laakiin kan hada socda aniga oo jecel inuu najaxo oo
soomalida joogtaa waxuun isku raacdo ay u dhan yihiin
anigoo jecel in walaalahayo wax u hagagaan oo aanay fursadan taagan seegin
hadana waxan la yaabanahay shirka socdey labo sano waxa lagaga hadlayo ma
ilma nebi aadan ayaa meesha ku garnaqsanaya ? runtii waa shirkii caalamka
ugu modo dheeraa inta lagaranayo.hadaba hadii wadaninimo jirto ama
daacadnimo waxan aamin sanahay in mudo bilo dhawra sidii soomaali land oo
kale lagu heshiin lahaa
waxase muuqata in meesha ay jirto is aamin la,aan kala shaki iwm oo nin
kastaaba kan kale iska eegayo si aanu udagin ama looga sed bursan hadii
taasi timaadona waxa yimaada fashil iyo in aan waxba lagu heshiin karin .
saaxiib nuur beeldaaje hadii aanu hadeer shirkan somaliland ergo u soo
dirato oo ah tan aad adigu ku dhiiri gelinayso waxa taas ka dhalanaya in
umadan waqtigan nabada ku nool ee tashatay kala fur furanto
oo qabiilo is baacsanaya isu rogto
taas oo macnaheedu yahay sifir (sero) kasoo bilaaba ama duma! oo nala sinma
hadii aad midnimada soomaalida doonaysid tani maaha dariqii loo marayey,
dariiqu waa in horta inta madasha fadhidaa wuxuun ku heshiiso oo iyadoo wada
socota wax laysla eego lana wada hadlo
hadii la midoobayo iyo hadii federaal laqaadanayo iyo hadii layska kal
tegayoba
laakiin walaal NUUR horta intan hadeer dhisan daa ha dhisnaatee
tusaale waxa kuugu filan puntland sida koonfurta maaha waxbay dhisatay
shirkana way ka soo qayb gashay iyadoo nin keli ahi metelayo ayey fadhidaa
hadii aanay hore wax u qabsan miyey suurto geli lahay in nin keli ahi
magaceeda ku hadlo? maya e waxay iman lahahyeen iyagoo labaatan qabqable
dagaal kala wataan oo is garab yaacaya shirkuna hadeer laba sano ayuu
marayaa e wuxuu ku qaadan lahaa 4 afar sano
somalilandna haday timaado iyadoo qabiil ah oo is garab yaacay shirku imisuu
qaadanayaa ?
bal taas ka feker
tan kale
shacabka Somaliland waxba uma qabo umad weynta soomaaliyeed waxay wax u
sheegaynayaan waa kuwii ka tirsanaa xukuumadii duntey ee masuuliyadii ay
hayeen sida xun u isticmaalay kuwaana ama way ka aarsan ama way iska samaxi
laakiin somaali tan koonfured ha ahaato ama tu kale waxba uma qabaan .
walaal shuruudaha iyo wada hadal ku waqtigiisa ha gaadho e bal wuxuun ku
soo heshiiya
Baashe Dayax
<baashedayax@hotmail.com>
Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|