GUDDIGA QABANQAABADA EE KOOBKA MIDNIMO
- Ku : Dhammaan Madaxda Naadiyada ama (Kooxaha) Jeddah
- Ku : Gudoomiyayaasha Naadiyada ama (Kooxaha) Jeddah
- Ku : Dhammaan Tababarayaasha Naadiyada ama (Kooxaha) Jeddah
- Ku : Dhammaan Ciyaartooyda ama (Kooxaha) Jeddah
- Ku ; Dhammaan Garsoorayaasha Tartanka. Jeddah
Ujeeddo : Tartan Sanadeedka Koobka Kubbadda Cagta ( Midnimo )
Iyadoo laga tixraacayo guushii weyneyd ee laga gaarey sannadkii 2003 ee ahaa bilowga koobka midnimo ahaana mid lagu guuleystey ula jeedooyinkii laga lahaa tartankaasi, Ahaana runtii mid lagu tilmaami karo inuu kaalin weyn ka qaatey isbarashada dhammaan bulsho weynta ama bahda jecel ciyaaraha gaar ahaan Kubbadda cagta.
Hadaba waxaa gudigga sharaf u ah inuu mar labaad idiin soo bandhigo Tartan sanadeedkii aad ugu barateen sanadkiisa labaad 2004 .
Weliba leh sannadkan ujeeddo aad u xiiso badan ama aqoonsi gaar ah ee uu horumar uu guddigu Sameeyey waxaadna kala xiriiri kartaa Website yada
Internetka sida Hadaba waxaan idiinka codsaneynaa inaad inoo soo gudbisaan magacyada kooxaha diyaarka u ah inay ka qeyb qaataan tartankani weliba guddigu wuxuu ahmiyad gaar ah siinayaa Kooxihii ama shaqsiyaadkii abaal marinta ku muteystay tartankii hore ee 2003 .
Ha ahaato asluub wanaag ciyaar wanaag iyo wada shaqeyn intuba.
Waxaan rajeyneynaa inaad sida ugu dhaqsiyaha badan aad kusoo gudbin doontaan liisaska aan idiinka codsaney si aanu idiinku diyaarino isku-aadka Kooxaha iyo weliba taariikhda bilowga tartanka
Mahadsanidiin
Wuxuuna inoo furmi doonaa tartanka 13 - 08 - 2004
GUUL - GUUL - GUUL
Guddigga Qabanqaabada
Mr. Hasan Food Cadde. iyo Mr. Mohamed Aweys
Email: mawes64@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|