SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QARDHO
Magaalada Qardho oo Lagu Qabanayo Nadwo Cilmiyeed

Waxaa magaalada qardho oo ka tirsan gobolada waqooyi bari lagu qabanayaa nadwo cilmiyeed loogu talal galay in ay socoto muddo hal asbuuc,  waxayna bilaabanaysaa Axadda 7/25/04, sida la wada ogsoon yahay waxay culumada waqooyi bari bilaabeen dadaal dheeraad ah oo dadka lagu wacyi galinayo looguna sheegayo waxyaalaha qofka muslimka laga doonaya, waxay bilaabeen culumadu in ay qabtaan dowrooyin iyo nadwooyin kala duwan dadkan loogu faaiidaynayo, waxay culumadu ka bilaabeen markii hore in magaalada boosaaso iyadoo ay nadwadaasu socotay muddo laba asbuuc ah, ayna ka soo qayb galeen dad aad iyo aad u tira badan, waxaa laga la socday idaacadaha, internetka, dalka gudihiisa iyo debediisaba.

Waxaa ku xigtay in ay culumada isku dayeen in ay ku qabtaan dowro kale magaalada gaalkacyo halkaas oo dad kumayaal qof ah ay ka soo qayb galeen si ay uga faaiidaystaan, dadka reer gaalkacyo waxaa ka  muuqatay farxad iyo qalbi furnaan ay u qabaan in ay culumadu isugu timaado magaalada, waxyaalihii ay dadka reer gaalkacyo ku hadlayeen waxaa ka mid ahaa "alaylahe gaalkacyo waa nabsi baxday", laakin nasiib xumo dawradu waqtigeedii ma dhamaysan, oo dad dano gaar ah leh ayaa isku dayay in ay buuq kiciyaan si loo joojiyo dawrada socota, dabadeed dawladu waxay soo saartay wareegto ay ku joojinayso dawrada iyago ku cudurdaaranaya amniga iyo nabad gelyada magaalada.

Nasiib wanaag culumadu dadaalkoodii ma joojin, halkeedii ayay ka sii wadeen waa tii soomalidu ku maahmaahday "hawl ka ma daale wali waa hogadii" waxay u bakhooleen dhinacaa iyo magaalada qardho si ay ugu qabtaan dawraad iyo saminaaro kala duwan, dadka reer qardho markii ay maqleen culumadii ayaa soo socota waxay bilaabeen inay u  diyaar garoobaan soo dhowaynta iyo marti galinta culumada sharafta badan ee ku soo fool leh, waxayna diyaarsadeen weelashii ay ku qaadan lahaayeen cilmiga ay culumadu wadaan waxayna sii diyaarsadeen su'aalihii ay doonayeen in laga kaafiyo.

Halku dhegaa dawrada ka dhici doonta magaalada qardho waxaa weeye " Nadwatun Jaamicah fii islaaxil ummah" oo macnaheedu yahay kulan uu ku dhan yahay hagaajinta bulshada, mawduucyada loogaga hadlayo waxaa u waaweyn
1. Qatliga (dilka)
2. Qaadka
3. Qabyaaladda
4. Qaanuunka iyo xuk
5. Qaanuunka islaamka
6. Qoyska iyo wixii la xiriira

Culumada la filayo in ay ka soo qayb galaan waxaa ka mid ah

1. Shiikh C/qaadir Nuur Faarax
2. Sh.Daahir Cabdi
3. Sh.C/laahi Cali Xaashi
4. Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan
5. Sh.Maxamed Macalim
6. Sh.Axmed Cabdi Samad
7. Sh. Xasan Bookh
8. Sh. C/raxmaan Ceel Jaale
Waxaa inshaa allaah la gaarsiin doonaa dadwaynaha debedda jooga iyadoo la adeegsanayo internetka (paltalk) waxana laga heli doonaa websityada islaamiga intooda badan:

Wixi faahfaahin ah kala xiriir
Gudoomiyaha dacwada magaalada qardho
Axmed cawaale gaare
cawaale2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD